Araweelo News Network

ubadka95 jir ka mid ah muslimiinta ku dhashay dalka Ruushka, ayaa sharraxaad ka bixiyey sidii culimada Islaamku dadka u bari jireen Qur’aanka kariimka waqtigii nidaamka Shuuciga ahaa sida xoogan uga shaqayn jiray dalkaas.
Waxa uu ninkan odayga ah sheegay in 25 jirkii la bilaabay dilalkii lagu fulin jiray muslimiinta, waxaannu goob-joog ka ahaa dhacdooyinkaas oo dhan.
“Waxa aannu dhisi jirnay guryo gudaha hoose u leh godad waaweyn. Godadka waxaannu ku hareerayn jirnay qalab codka celinaya. Waxa jiray albaab qarsoodiya oo god kasta ka baxa, waxaannu dhigi jirnay quraarado iyo sawirro uu lahaa Lenin (hogaamiyihii Ruushka) iyo waxyaabo kale. Waxa jirtay telefishan aannu gidaarka u dhawayn jirnay, gaar ahaan u dhaw albaabka sirta ah,” ayuu yidhi odaygan 95 jirka ah.
Waxa uu intaa sii raaciyey inay markasta oo boolisku yimaad baadhitaanna guriga ku sameeyo waxba in aanay ka heli jirin, marka ay quraaradaha arkaana waxa ay u arki jireen in dadka guriga degen dhaqan u leeyihiin in ay waxyaabahan isticmalaan, waxaanay goobta ka tegi jireen iyagoo qanacsan.
“Haddii ay sii baadhi lahaayeen mitiro yar ayey ka heli lahaayeen waxa ka dambeeya quraaradahan, sida in ay ka helaan dhallinyaro aad u yar oo quraan akhriyeysa, lana baraayo. Waxa aannu isku qufuli jirnay godadkan muddo lix bilood ah ah. Wax aan ubadkayaga bari jirnay sida qur’aanka loo akhriyo. Xadiisyada buugga Saxeexa iyo Bukhari ayaa sidoo kale ka mid ahaa waxyaabaha aan bari jirnay. Waxa halkaas lagaga badbaadi jiray madawga iyo dhibaatada shuuciyadda (Communism) dadka ku haysay,” ayuu yidhi 95 jirkan oo aan magaciisa sheegin.
Waxa uu xusay in culimo badan oo Ruush ah ay naftooda u hureen siday diinta islaamka u bari lahaayeen ubadkooda iyo cid kastoo danaynaysa, kuwo badanna ay la kulmeen cadaadis iyo caddaalad darro aad u badan, dhabar adaygoodiina keenay in ay guul gadhaan oo diinta islaamka dad badan baraan.