Barashada luqad cusub ayaa sideedaba ah fikrad laga baqo.

Qaar badan oo inaga mid ah waxaa dhib ku noqda kumanaanka eray ee luqaddaasi cusub ay leedahay iyo qaab dhismeedka naxweheeda.

Noloshan mashquulka badan iyo shaqada kanshaheedu yar yahay, ayaa caqabad ku noqon karta in waqti loo helo barashada luuqad cusub.

Hase ahaatee xeeldheereyaasha ayaa isku raacsan in hormar la taaban karo laga samayn karo barashada luuqad gooni ah haddii maalin kasta saacad barashadeeda la joogteeyo.

Cilmi baadhis ayaa muujinaysa in xidhiidh toos ah uu ka dhexeeyo caqli badnida qofka iyo aqoonta laba luuqadood, iyo sidoo kale xirfadaha xasuusta iyo meel sare ka gaadhista nidaamka waxbarashada.

Qofka oo adeegsada afkiisa hooyo iyo luuqadda cusub ee uu bartay , waxa ay wax ka baddali karaan hannaanka fekerkiisa ee waqtiga dheer iyo kan gaabanba.

sida ay u kala adayg badan yihiin Luqadaha adduunku

,
Image caption ,

Machadka Maraykanka ee adeegga dibadda (FSI) ayaa sida ay luuqaduhu u kala adag yihiin u qaybiyey afar heer oo kala duwan marka loo eego dadka ku hadla afka Ingiriisiga.

Kooxda 1-aad, luuqadaha ugu fudud, waxaa kamid Faransiiska, Jarmalka, Afka Indonesia, Talyaaniga, Portuguese-ka, Romanian-ka, Spanish-ka iyo Sawaaxiliga.

Sida uu sheegay mac-hadka FSI in luqadahan kor ku xusan uu qofku si fiican ugu hadlo waxay qaadanaysaa ku dhawaad 480 saacadood oo uu qofkaasi si joogta ah u barto.

Adayggu waxa uu sii kordhayaa mar kasta oo aan hoos ugu sii daadagno liiska. Waxay qaadanaysaa 720 saacadood in qofku uu heer ka gaadho marka uu baranayo luuqadaha kujira kooxda 2-aad, oo ay kamid yihiin Bulgarian, Burmese, Greek, Hindi, Persian iyo Urdu.

kuwa kasii adag ee ku jira kooxda 3-aad ayaa ah, Amharic, Cambodian, Czech, Finnish iyo Hebrew.

Luuqadaha kujira kooxda 4aad ee ugu adag ee caqabadda ku ah dadka Ingiriiska ku hadla waxaa kamid ah Carabiga, Chinese-ka, Japanese-ka iyo Korean-ka.

Marka laga yimaado waqigaas faraha badan, xeeldheereyaashu waxay sheegayaan in barashada luuqad labaad ay faaidooyin aan lasoo koobi Karin u leedahay maskaxda iyo hannaanka fekerka.

Isbaddal hal Saacad ah

Barashada waxyaabaha aas aasiga ah ee luuqad kasta waa arrin aad u fudud.

Barnaamijyada Duolingo ama Rosetta Stone ayaa kaa caawin kara barashada salaamaha iyo jumladaha fudfudud.

Si aad u heshid khibrad qof ahaaneed, polyglot Timothy Doner, ayaa ku wanaagsan akhriska iyo daawashada walxaha aad doonaysid.

Si kastaba ha ahaatee Inta aadan kusii dheeraan, waa lagama maarmaan in aad ka fekertid oo qorshaysid sidii aad mustaqbalka u adeegsan lahayd luuqaddaas cusub.

Marka aad qeexidid danaha aad ka leedahay afkaas cusub, waxaad markaas Kadib bilaabi kartaa jadwal maalintiiba hal saac ah oo aad si miro dhal ugu celcelinaysid qaabab waxbarasho oo cusub.

Waxaa jira qaab wanaagsan oo dhammaan la isku raacsan yahay waana sidatan: Dhinac iska dhig buugta iyo muuqaallada oo nus saac oo kamid ah halkaaga saac la sheekayso qof u dhashay luuqadda aad baranaysid.

Sida layliga barashada qalabka muusigga oo kale, dadka baranaya Af cusub waxaa lagula taliyaa in si joogto ah ay waqti kooban ku celceliyaan waxa ay baranayaan halkii waxbadan ay dusha iska saari lahaayeen waqti goos goos ah.

Jadwalka aan joogtada ahayn ayaa keeni kara in maskaxdu ay ku guuldarraysato in ay si qotodheer wax u weelayso, sida in ay isku xirto aqoonta cusub iyo tii hore.

Sidaas darteed maalintiiba saacad ee shantii bariba waxay ka wanaagsan tahay shan cisho oo todobaadka kamid ah oo aan jadwal lahayn.

xiggasho: BBC