Fursado Waxbarasho Oo Muhiim Ah

Wasaarada Waxbarashadda iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somalikand. waxay ku wargelinaysaa dhammaan Ardaydayda danaynaysa ee haysta darjada (dhibcaha) ugu sareeya ee Fasalada 8-aad ee dalka in la qaadi doono imtixaankii lagu galayey Dugsiga sare ee SOS (Sheekh), kaasi oo ay qaadi doonaan Dugsiga SOS.

Imtixaankaa, ayaa dhici doonaa maalinta khamiista ee ay taariikhdu ku beegan tahay; 27/9/2018-ka, Waxana imtixaankaa lagu geli doonaa dugsiga H/Dhexe ee Sheekh Madar (EX- Xuseen Giire).

Maadooyinka Imtixaanka lagu qaadayaa waxay noqon doonaan; Saynis iyo xisaab. Sidaa darteed waxa lagu adkaynayaa Ardayda danaynaysa ee haysta darajooyinka loo baahan yahay in ay wakhtiga ilaaliyaan.

 

Source: MOE&S-MEDIA OFFICE 19/9/2018)