Shacbigu waa inay gamcaha is qabsadaan oo ay diidaan qalalaasaha Madaxweyne Muuse, waa inay badbaadiyaan qaranimada iyo dumuqraadiyadda,Cabdiraxmaan Cirro.

“Qolada leh axsaabta ayaa diidan in Ururada siyaasada la furo,Waa Beenayaal waana doorasho diidMurrashaxa Doorashada Madaxweynaha ee WADDANI.

Xildhibaanada Somaliland ee gollaha wakiillada waa in ay khilaafkooda ku dhammaystaan fadhiyo xidhan”

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ugu weyn ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo kumanaan mawjado taageerayashiisa ah kula hadlayay maanta barxada hore ee Madaarka Hargeysa, kaddib markii uu dalka kusoo laabtay ayaa si adag uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, wuxuu ku hanjabay haddii Madaxweyne Biixi doorashada Madaxweynaha xilligeeda ku qaban waayo in aannay u aqoonsanayn Madaxweyne.

Wuxuu sheegay inuu dalka ka tegey isagoo xasiloon oo nabdoon, balse wuxuu ayaan-daro ku tilmaamay in Madaxweynihii dalka qalalaase geliyo, isagoo tageerayaasha weydiiyay dhawaaq uu ku weydiininayo, “miyaynu yeelaa, miyaynu Yeelaa, miyaynu yeela” waxayna cod dheer ugu jawaabeen “Maya, Maya, Maya”.iyagoo sitay boodhadh iyo garmaan ay ku qoran yihiin halku-dhegyo muujinaya muddada sharciga ah ee Madaxweynaha u hadhay 289 maalmood iyo sidoo kale astaanta midabka Liinta ee Xisbiga WADDANI caanka ku yahay.

“Qalalaase dal galo, waxa ugu weyn murranka Dastuuriga ah, Shacbiga Somaliland iyo daneeyayaasha u sheegayaa in Madaxweynuhu qaadi doono dhibaato kasta oo dalka ka dhacda oo ka timaada qalalaasahaa.” ayuu yidhi.

 Murrashax Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu ka hadlay arrinta khilaafka gollaha wakiillada Somaliland oo uu sheegay in aannay fadhiisan muddo laba todobaad ah, isagoo ku eedeeyay Madaxweyne Biixi inuu kala irdheeyay gollaha.

“Shacbiga Somaliland, wuxuu dhowaan doortay gollaha wakiillada, waxaynu ka filaynay in ay dalka horumar gaadhsiiyaan, aqoon, xirfad iyo fir-fircooni kusoo kordhiyaan, laakiin sida muuqata khilaafka looga soo waarediy Madxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kala irdheeyay, muddo laba todobaad ahna may fadhiisan.”ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Cirro.

Gollaha wakiillada waxaan u sheegayaa muddo 12 sannadood ah oo aan ka tirsanaa marna may dhicin in xaalad kasta iyo dhibaato kasta oo dhacda ay xildhibaanadu Makamadda iska dacweeyaan, ayuu raaciyay, isagoo la hadlaya mudanayaasha gollaha wakiillada ee dacwada u gudbiyay Maxkamadda Sarre Salaasadii.

Kumanaan taageerayaasha WADDANI ah oo soo dhowaynaya murrashaxa u taagan doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, Image Araweelo News Network, 23 December 2021.

Murrashaxa doorashada Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI, wuxuu sheegay in gollaha xeer dejinta iyo Maxkamaddu kala madax-banaan yihiin, sidaa awgeed, wuxuu usoo jeediyay in uu kula talinayo xildhibaanada Somaliland ee gollaha wakiillada in ay khilaafkooda ku dhammaystaan fadhiyo xidhan oo guddahooda ah.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay doonista xukuumadda ee furista Ururada Siyaasada iyo Axsaabta, isagoo yidhi, “Waxaan halkan idiinka caddaynayaa Shacbiga Somaliland iyo daneeyayaasha Somaliland in Xisbiga WADDANI iyo Xisbiga kale ee mucaaradka ee UCID midkoodna aannu aanu kasoo horjeedin furista Ururada Siyaasada oo aannay wax cuqdad ah ka qabin, balse aannay aqbalayn wax aan xeer jidayn.”

Hase yeeshee Muddane Cabdiraxmaan, wuxuu sheegay in doorashooyinka loo soo kala horaysiinayo siday u kala horreeyaan, “waxa ugu soo horaysa doorashada Madaxtooyadda oo ku beegan 13 November 2022, siduu Madaxweyne Muuse wareegtidii uu qoray July 20 ee ugu gudbiyay gollaha wakiillada.”

Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, wuxuu sheegay in sababta ugu weyn ee Madaxweynuhu xeerka ugu gudbyay gollaha, wuxuu xeerku ka horimanayay doorashada Madaxtooyadda oo ah doorasho Dastuuri ah, sida uu ka dhawaajiyay Cabdiraxmaan Cirro.

“Doorashada Madaxtooyadda waa in waqtigeedii lagu qabtaa, in saacad lagu daro ma oggolin, miyaynu oggolahay, ayuu weydiiyay kumanaan taageerayaashiisa ah oo soo dhowaynayay, waxayna ku jawaabeen cod dheer”maya”,,wuxuuna sheegay in ay tartanka Ururada diyaar u yihiin marka ay dhammaato muddada xeerku jideeyay jiritaanka axsaabta qaranka.

“Qolada leh axsaabta ayaa diidan in Ururada siyaasada la furo, “Waa Beenayaal waana doorasho diid”, Madaxweyne Muuse Waxaan u sheegaynaa in aannan Madaxweyne u aqoonsanayan marka uu dhammaysto muddadiisa Dastuuriga ah, haddaanu qaban doorashada, waxaa maqlayseen xukuumadda oo leh Ururadu way iska furan yihiin, waxaan u sheegayaa in Madaxweynayaashuna iska furaanayaan.”

Cabdiraxmaan, ayaa khudbadiisa ku daray in qodobka 37 ee Dastuurka kala qeexayo madax-banaanida waaxaha qaranka ee Fulinta, garsoorka iyo Xeer dejinta, waxaan ugu baaqayaa xukuumadda in ay faragelinta qaawan ee qayral dastuuriga ah kala baxdo gollaha wakiillada gacanteeda” wuxuu sheegay in shacbiga Somaliland u baahan yahay nabad, doorasho, shacbigu waa inay gamcaha is qabsadaan oo ay diidaan qalalaasaha Madaxweyne Muuse dalka geliyay, si ay u badbaadiyaan qaranimada iyo dumuqraadiyadda Somaliland.” ayuu yidhi, murrashaxa WADDANI ee u taagan doorashada Madaxweynaha Somaliland ee mad-madawgu hadheeyay xilligii loo qorsheeyay 13 November 2022.

Murrashaxa Xisbiga ee doorashada madaxtooyadda, Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu khudbadiisa kusoo xidhay ducooyin, isagoo Allah ka baryay in dhibaatooyinka Abaaraha Allah ka dul qaado buslahada.

Taageerayaashiisa ayuu uga mahad celiyay soo dhowaynta ay u sameeyeen iyo cudduda ay muujiyeen ee kusoo bandhigeen halkaa, waxaana soo dhowayntiisa ka qayb qaatay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiye ku xigeenada iyo Masuuliyiinta kale ee xisbiga oo ay ku jiraan xildhibaano siyaasiyiin, dhalinyaro, aqoonyahan iyo haween, kuwaas oo Murrashaxa usoo gelbiyay guriga uu ka degan yahay Magaaladda Hargeysa.

Muuqaalka Soo Dhowaynta Murrashax Cabdiraxamaan iyo Khudbadiisa Halkan Ka Daawo

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

,