Araweelo News Network. 

Berbera(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, si badheedh ah u sheegay in Xeerka Ururada Siyaasada iyo Axsaabta qaranka ee xiisada weyn abuuray, isla markaana kala qaybiyay gollaha wakiillada uu yahay mid dhaqan gal ah.

 Wuxuu sheegay in marka la gaadho May 2022, Ururadu furan yihiin, wuxuuna weedho kulul oo uu ku difaacayo eeddaha labada xisbi mucaarad kula xidhidhiyeen khilaafka gollaha wakiillada hadheeyay kaga jawaabay dhaleecaynta labada xisbi ee mucaaradka WADDANI iyo UCID.

 Wuxuu ku dooday in qaylada iyo saska ay axsaabta mucaaridku ka muujiyeen furista ururrada aan loo baahnayn, balse ay ixtiraamaan xeerarka iyo Dastuurka dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuu hadaladaa ka jeediyay mar uu maanta Magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ku daah-furay koobka horyaalka horyaallada ee Ciyaaraha,

Munaasibada weyn ee Madaxweyne Biixi ka daah-furay Magaaladda Berbera, ayaa khudbadiisa siyaasadu meesha ka saartay muuqaalkii iyo sawirkii quruxda badnaa ee munaasibada oo ahayd mid tartan Ciyaaro ah oo sharaf u ahayd Madaxweynaha, sila markaana wax ka taraysay xafiiltanka siyaasada ee daashaday bulshada sida weyna dhalinyaradu ugu dhex milmeen yoo-yootanka iyo khilaafaadka murranka ah ee saaxada siyaasada oo xilligan meel xaasaasi ah maraya, kaas oo dhaawacaya quluunta bulshada iyo rajada mustaqbalka,, balse jawaabaha Madaxweynuhu bixiyay ayaa lagu macneeyay mid u bedeshay tartan siyaasadeed, iyadoo Madaxweyne Biixi tilmaamay inaan cidina buuq iyo dood ka keeni Karin in ururradii la furayo iyo in kale.

Madaxweyne Biixi, hadalkiisa, ayaa u markhaati furay xubno wasiirradiisa ah oo horreba u sheegay in Ururadii la furay, iyadoo marka ay dhawaaqyadaa warbaahinta marinayeen Xeer L/r 14 2021.)uu gollaha wakiillada oo Madaxweynuhu kusoo celiyay horyaalay, isla markaana murran iyo khilaaf weyni ka alloosamay, isla markaana murrankaasi si weyn u gilgilay saaxada siyaasada Somaliland maalmihii u danbeeyay.

Madaxweyne, ayaa si la mid ah, iyadoo arrinta xeerku xilligan kala qaysanaan ka dhex abuurtay gollaha wakiillada, isla markaana qaarkood dacwad u gudbiyeen Salaasadii Maxkamadda Sarre in uu si cad u sheego in xeerku yahay mid dhaqan gal ah.

  Waxa uu sheegay in furista Ururada Siyaasada iyo tartanka axsaabta loo raacayo Xeer L/r 14 2021.) oo uu ku macneeyay mid dhaqangal ah, derejooyinkii sharci ee looga baahnaana si sharci ah kaga gudbay,

“Axsaabta furisteeda haddaan ku horreeyo, dalkeennu Xeer ayuu ku dhaqmaa, Dastuurka iyo xeerarkii ay golaeyaashu ansixiyeen baa ina hoggaamiya, furista Axsaabtana qofna   kama hadli karo oo waxaynu raacaynaa oo guddoon ah Xeer L/r 14 2021.) oo sharci ah oo  labada gole ay ansixiyeen, madaxweynuhuna saxeexay.

Hase yeeshee Madaxweyne Biixi wuxuu xusay in  lagu muransan yahay soo jeedinta wax-ka-beddel iyo kaabis oo aan gollayaashu ansixin, xeerkuse waa xeer jiray oo dhaqangal ah, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in xeerkaasina tallaabooyin farayo, “wuxuuna ina faryaa in tallaabo walba loo diyaar garoobo inta bisha December ka horraysa, kuwaas oo kala ha madaxtooyadda iyo furista Axsaabta, waxa kale oo ina sugaysa oo sharcigeedii inaynu dhammayno ay tahay gollaha guurtida oo in badan joogay, waana muddo gaaban oo ay doorashooyin badani inagu soo beegan yihiin.”

Marka la gaadho bisha May ee sannadka soo socda waxa si rasmi oo sharci ah u bilaabmi doonta diiwaangelinta ururrada siyaasadda, sida uu sheegay, isagoo yidhi,   “Xeerku wuxuu ina farayaa in xisbiyada qaranka ee saddexda ah tobbankii sannadoodba mar la doorto oo ay ka dhacayso ruqsadda ay ku galaan siyaasadda,  tobbankii sannadoodba maanta saddexda xisbi ee joogaa liisanka ay ku haystaan siyaasadda ay dadka dheer yihiin waxay kaga dhammaanaysaa 26-ka December, 2022-ka, sida uu qeexayo xeer No. 14,” ayuu yidhi.

 Sidoo kale, wuxuu sheegay in xeerkaasi ina farayo in marka ay ka hadho lix bilood dhammaadka liisanka xisbiyada  la furo ururradii, waxayna taasi ku beegan tahay bisha May ee 2022-ka, sidaa darteed xukuumad ahaan annagoo fulinayna jidkaa xeerku jeexay  bisha May haddii  Allah yidhaahdo xisbiyadii waa furmayaane nin walowba ku biyo cab, xeer baana furaya qofna ma hor joogsan karo,”ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi Cabdi,wuxuu isagoo ka jawaabaya dhawaaqyada axsaabta mucaaradka,wuxuu arrintaa ku macneeyay mid ka dhalatay sida uu ku macneeyay dhaqangalka xeerka furista ururrada, sidaa awgeed, wuxuu usoo jeediyey inay yareeyaan dooddaha uu ku tilmaamay kuwo sharciga baalmarsan oo ay ku diidayaan furista ururrada,

“iyada oo la la raacayo Xeer L/r 14 2021.), waa in loo diyaar garoobo in doorashooyinka Guurtida, Madaxtooyadda iyo furista ururrada mid walba sidii waqtigeeda loogu qaban lahaa, “Xisbiyada qaranka waxa ku waajib ah in aannay ka dooddin furista Ururada, waayo waa sharci, maanta guddoomiyaha WADDANI, wuxuu yidhi xisbiyada in la furo waa la oggol nahay, haddaa maxaa lagu murmayaa sidaa sharcigu yahay baynu yeelaynaaye, waxa kale oo Iyana sharci ah in waqtigii loogu talo galay doorashada madaxtooyadda iyo u diyaargarowgeedii iyaduna waa waajib oo waqtigeedaynu maraynaa oo u diyaar garoobaynaa.”

 Mar haddii aynu sharcigaa iyo waddadaas hayno garan maayo waxa murranka iyo buuqa keenaya ee labada xisbi ee mucaaridka ahi ay ka boodeen, saddexdii doorasho mid walba waqtigeedii siduu sharcigu jideeyey aynu u diyaar garowno garan mayo sabab looga dido.”

Madaxweynuhu waxa uu usoo jeediyey hoggaanka axsaabta mucaaridka hadlada ay ku sheegayaan inay u diyaar u yihiin furista ururrada inay ka muuqato  ficillada guddoomiyaha wakiillada iyo xubnaha kale ee taabacsan ee ka hadhay aqlabiyaddii gollaha ee aragtidooda ku muujiyay dacwaddii ay maxkamadda u gudbiyeen, ayuu raaciyay hadalkiisa, waxayna gebi ahaanba jawaabta Madaxweynaha ee mucaaradku majara habaabisay munaasibadii qiimaha lahayd ee Madaxweyne ku daah-furay tartanka oo halkii ay dhalinyarada iyo bulshada kaleba dareenkooda, dhegahooda iyo indhahoodu u riyaaqayeen munaasibada tartanka Ciyaaraha oo dabcan xamaasadeeda iyo xiiseheeda wadata mar keliya shucuurtoodu dib ugu jeesatay saaxada siyaasada iyo weedhihii Madaxweyne ugu jawaabayay mucaaradka iyo xusuusinta khlaafka xilligan ee calaamatu su’aasha geliyay mustaqbalka gollihii ay shacbigu dhowaan doorteen ee ay u han weynaayeen, balse durba u muuqda mid hankii iyo himiladii bulshada jebiyay. kaddib markii ay ku kala qaybsameen khilaafka ka dhashay Xeerka Ururada iyo axsaabta ee Xeer L/r 14 2021.)

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com