Araweelo News Network.

Boosaaso(ANN)-Magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka bari ee Puntland, ayaa saaka ku toosatay dagaal ka kulul kii ilaa Isniintii ka socday halkaa, waxaana meesha ka baxday xabad joojin saacado kooban hirgashay, balse Ul booca ku taagnayd, taas oo si toosa ah ay labada dhinac ee dagaalamayaa u jebiyeen xalay saqdii dhexe.

Dadka ku sugan Magaaladda ayaa xalay fiidkii niyada u sheegay in waan-waan ay wadeen Odayaal, Siyaasiyiin , Culimo iyo dad kale oo aqoonyahan ah, laakiin in yar oo bulshada ka mid, gaar ahaan kuwa ka ag dhow xaafadda ayaa xalayba la socday xaaladda iyo in aannay xabad joojintii waxba ka socon, kuwaas xalayba arkayay rasaasta iyo hubka daran-dooriga u dhaca ee lays weydaarsanayay.

“Waa wax laga naxo saaka ayaan ku waaberiisanay dagaalka oo ka kulul kii Salaasadii iyo Arbacadii marka loo eego, mana jirto is halayn nabadeed.” sidaa waxa u sheegay shebekaddaha Araweelo News Network, wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah dadka xaafadda Ridwaan ee sida gaarka ah dagaalku bariinsaday ee bariga Magaaladda Boosaaso.

Sarakiisha Cusbutaalka ayaa sheegaya in dhaawacyo iyo dhimasho ka baddan kuwii labadii maalmood ee hore ku dhaawacmay dagaalka, ama ku dhintay.

Daawo Dhawaaqii Xabad Joojinta

Dadweynaha Magaaladda qaar baddan oo ka mid ah ay ka baxeen mar hore magaaladda, kuwa kalena ay xaafaddo durugsan u guureen, ayaa saaka si dhab ah u bilaabay inay uga cararaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba in xaafaddaha aannu weli dagaalku soo gaadhin ay suurta gal tahay inuu saacaddaha soo socda ku fido.

READ: Fighting in Bossaso: PSF General Diano Forces Defeat Dani Administration

Bulshada ku dhaqan Magaaladdda Boosaaso oo ahayd magaalo ganacsi ayaa si weyn uga murrugaysan dagaalka dhiigga baddan ku daadanayo ee gebi ahaanba albaabada u xidhay suuqyadii ganacsiga ee magaaladda iyo Dekedda magaaladda oo ilaa Salaasadii xidhnayd.

Wixii war ah ee kasoo kordha kala soco Shebeladdaha Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com