Araweelo News Network.

Dhawaaqii Ra’iisal Wasaare Abiy ku sheegay inuu faranta dagaalka ku tegeyo si uu ciidamadda u hoggaamiyo oo xaaladda uga sii daray.

Addis ababa(ANN)-Dalalka Faransiiska iyo Jarmalka, ayaa ugu baaqay muwaadiniinta ka joogta dalka Ethiopia in ay deg-deg uga baxaan.

Dhawaaqa kasoo baxay labadan maaha kuwii ugu horeeyay ee uga digay dadkooda inay sii joogan dalka Ethiopia daagalada muddada sanadka baddan ka socday Woqooyiga dalka.

 Maraykanka, Britan iyo kuwo kale ayaa hore ugu baaqay in ay dadkoodu ka baxaan dalkaa xaallada dagaalka u dhexeeya u dhexeeya ciidamadda dawladda Federaalka iyo jabhadaha mucaaradka TDF.

 Salaasadii ayay Faransiiska iyo Jarmalku uga digeen muwaadiniinta u dhalatay in ay kusii negaadaan dalka Ethiopia, waxaana loogu baaqay in ay raacaan duulimaadyada u horeeya.

Sidoo kale, Maraykanka iyo Britain oo hore ugu baaqay ka bixitaanka dadkooda ku sugan Ethiopia, ayaa ku celiyay digniinaha sidan oo kele ah.

Dhawaaqyadan digniinaha ah, ayaa kusoo beegmay maalin kaddib markii ra’iisal wasaaraha dalka Abiy Axmed uu Isniintii sheegay inuu hoggaaminayo ciidamadda dagaaalka kula jira jabhada Tigray oo tegeyo safka hore ee dagaalka Salaasada.

Hadlka ra’iisal wasaraha, ayaa si weyn uga yaabiyay dunida, maadaama hore loo siiyay Nopel Price, waxaana lagu tilmaamay tallaabadaa mid muujinay sida ay xaallada dagaalku usii xumaanay.

Dhinaca kale, Qaramada midoobay, ayaa sheegtay in ay qoysaska shaqaalaha ka jooga dalka Ethiopia ka saarayaan.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay salaasadii inay si ku meel gaadh ah uga saari doonto qoysaska shaqaallaha caalamiga ah ee ku sugan Ethiopia, balse waxay xustay qaramada midoobay in shaqaalaheedu ay sii joogi doonaan dalka.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan la soconno xaaladda sida ay u horumarsan tahay, annaga oo maskaxda ku hayna ammaanka shaqaallaheenna iyo baahida loo qabo in aan sii wadno u istaagida samatabbixinta iyo howlgallada iyo taageeridda dhammaan dadka u baahan gargaarka,” sidaa waxa yidhi, Stephane Dujarric oo ah afhayeen u hadlay qaramada midoobay.

Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa ka warbixiyay xaaladda, wuxuuna sheegay in horumarka ku wajahan heshiis dublamaasiyadeed oo dhexmara dhinacyada is haya Ethiopia, laakiin wuxuu ka digay inay halistu tahay in ay qariyaan tallaabooyinka waxyaabaha naxdin leh oo ka dhacay dhulka.

“In kasta oo ay jiraan xoogaa horumar ah oo curdin ah, taas oo khatar ugu jirta in laga gudbo korodhka millateriga ee labada dhinac,” Jeffrey Feltman ayaa u sheegay wariyayaasha ka dib markii uu ka soo laabtay hawl-gal uu ku tagay Addis Ababa.

Dhanka kale, hogaamiyayaasha Koonfur Afrika iyo Kenya ayaa Salaasadii ku booriyay dhinacyada iska soo horjeeda inay go’aansadaan xabbad-joojin deg-deg ah iyo wadahadal siyaasadeed.

Samuel Getachew, oo ah saxafi madax-banaan oo ku sugan Addis Ababa, ayaa u sheegay Al Jazeera in caasimadu tahay “magaalo xasiloon habeenkii” wallow  ay socoto xaaladda degdegga ah.

“Waxaa jira dad badan oo ka cararaya Addis Ababa, oo ay ku jiraan muwaadiniin Faransiis iyo Turki ah,” ayuu yidhi, isagoo xusay in ku dhawaaqista Abiy ee ah inuu ku wajahan yahay jiida hore “waxay dad badan argagax ku noqotay”.

“Labada dhinacba waxay diyaar u yihiin inay dagaalamaan ilaa dhamaadka, u adeegsada awoodda militari si ay u xaliyaan khilaafaadka,” ayuu raaciyay. “, wuxuu sidoo kale sheegay in ay jiraan eedeymo badan oo soo noqnoqda oo u dhexeeya labada dhinac ee dagaalamaya.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika, Olusegun Obasanjo, ayaa hoggaaminayay dadaallo xamaasad leh oo lagu doonayo in xabad-joojin lagu sameeyo, balse illaa hadda wax horumar ah oo la taaban karo ma muuqdaan.

Dagaalka oo socday tan iyo November 2020, ayaa sababay xasuuq iyo barakac ka dhacay gobolka Tigray, kaddib markii ay ciidamadda dawladda federaaalka ee Ethiopia oo taageero ka helaya ciidamadda dawladda Ereteria iyo malayshiyaad guddaha ah.

Dagaalyahanka Tigray, ayaa dhowaan qabsaday Dessie iyo Kombolcha oo ah magaalooyin istiraatiiji ah oo ku yaal Woqooyiga dalka, waxaana dalka la geliyay xaalad deg-deg ah.

Qabsashada magaalooyinka muhiimka ah ee deegaamada Amxaarada iyo Canfarta, ayaa sababtay in ay xaaladda cabsida iyo wer-werku sii kordhaan, iyadoo dagaalyahanka Tigray ee TDF oo ay dhowaan ku biireen jabhado kale kulaalayaan magaaladda caasimadda ah ee Addis Ababa.

Dagaalka, ayaa u muuqda hadda mid deegaanka Mille oo ah marinka ugu muhiimsan ee dhuunta saadka iyo badeecadaha Ethiopia uga soo  dega dekedda Djibouti usoo maraan, waxayna qabsashada deegaankaasii soo dedejinay dagaalka socday sanandka iyo dhawrka bilood ee xalka loo waayay.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com