#Somaliland-Ethiopia Midkoodna Kama Hadlin Arrintan

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)- Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa Hawadda Somaliland ka celiyay Diyaarad siday Wefdiga sida weyn loo sugayay ee kusoo jeeday Somaliland, kuwaas Arbacadii kasoo degi lahaa Madaarka Caalamiga ah ee Hargyesa (Egal International Airport.}.

Wediga oo aan si dhab ah loo ogayn cidda hoggaaminaysay, ayaa dib ugu laabtay Addis Ababa, iyadoo hore usoo gaadheen Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa saraakiil hordhac ah oo gogol xaadh u ahaa wefdiga Ethiopia.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wefdiga uu hoggaaminayay ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Ethiopia, isla markaana ah wasiirka arrimaha Dibadda Demeke Mekonnen Hassen, laakiin sida ay Arbacadii maanta baahisay warbaahinta Ethiopia ku xigeenka ra’iisal wasaaraha Ethiopia ayaa ku maqan safar dibadda ah, isagoo maanta oo taariikhdu ahayd 17 Jan 2024, ka qaybaglay  shirka dhaqaalaha aduunka ee ka socda magaalada Davos ee dalka Switzerland, sidaa awgeed ma jirto cid xcaqiijin karta kuwa ay ahaayeen wefdiga iyo cidda hoggaaminaysay, maadaama aannay labada dhinac ee xukuumadda  Ethiopia iyo Somaliland midkoodna ka hadlin arrintan.

Sida ku cad xogta Flightradar, Duulimaadka Ethiopian Airlines Duulimaadka ET372, oo ah duulimaad caadi ah, ayaa si nabad ah uga degtay Hargeysa Airport  11:00 subaxnimo. Taas bedelkeeda, diyaaradda de Havilland-400, oo magaceeda lagu sheegay duulimaadka lambarkeeduna yahay ET8372, isla markaana kasoo kacday Addis Ababa 8:30 subaxnimo, ayaa la leexsaday markii ay gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida. Diyaaradda ayaa ku laabatay garoonka Bole ee Addis Abeba 10:30 subaxnimo.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday in diyaaradaa oo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Ethiopia ka hor intii aannay soo gaadhin caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyadoo xiisadda ka dhalatay hesiishka Badda ee Somaliland iyo Ethiopia ay sii kordhisay cadhada dawladda Somalia.

 

Maamulka Soomaaliya ayaa dib u celiyay duulimaadkii ET8372 ee Ethiopian Airlines kaddib markii ay caddaatay in diyaaradda oo siday wefdi si weyn looga sugayay Somaliland, gaar ahaan Caasimada Hargeysa aannay haysan oggolaanshaha hawadda, sida uu xaqiijisay shirkadda Diyaaraddaha Ethiopian Airline oo ka hadashay arrintaa.

Mesfin Tasew, oo ah madaxa fulinta ee shirkadda Ethiopian Airlines, ayaa BBC-da u faahfaahiyay, isagoo yidhi, “Diyaarad ku socotay Hargeysa waxay noqotay innay dib u soo laabato markii la ogaaday in aannay ogolaansho ka haysan Soomaaliya”.

Dhinaca kale, warbixin ay soo saartay Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Arbacadii. Rakaabka diyaaradda ayaa waxaa ka mid ahaa “VIP Ethiopian delegates” oo ku sii jeeday caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Agaasimaha Guud ee CAA, Axmed Macallin, ayaa khadka taleefoonka ku sheegay, hadalkaa isagoo la hadlay warbaahinta Blooming. Laakiin duulimaadka kale ee sida caadiga ah iman jiray Hargeysa ayaa timi Arbacadii 7 jan 2024, taas oo siday rakaabkeedii caadiga ahaa.

#Araweelo_News_Network.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com