ECOWAS Oo Dib U Riixay Tallaabadii Millateri Iyo Niger Oo Taageero Loo Muujiyay

#Araweelo_News_Network.

 

Niamey (ANN)- Diblomaasi sare oo Maraykan ah ayaa la kulmay hoggaamiyayaasha militariga Niger isku daygii fashilmay ee ay ku doonayeen in ay ku soo afjaraan afgambigooda.

Victoria Nuland, oo ah ku-simaha xoghayaha arrimaha dibAdda ee Marayanka, ayaa sheegtay in loo diiday inay la kulanto Madaxweynaha la xidhay ee xukunka lagaga tuuray, kaas oo xukunka lagaga tuuray ee dalkaa Mohamed Bazoumoo si duimuqraadi ah loogu doortay tallada dalkaa.

Laxidhiidha: Niger: Hoggaamiyayaasha Afgenbiga Oo Xidhay Hawada Dalka

 

Urur goboleedka ECOWAS ayaa shir yeelan doona maalinta Khamiista si ay go’aan uga gaadhaan tallaabada xigta ee ay qaadayaan iyaga oo wajahaya diidmo ka timid ciidamada Millateriga ee gobolka iyo xulafadooda Millateri ee gobolka.

Afhenbiga lagu sameeeyay Madaxweynihii hore ee dalka Niger, ayaa si weyn ay u taageereen shacbiga dalka Niger, taas oo ay ku muujinayeen dareenkooda, iyadoo qaarkood canbaaraynayeen Faransiiska oo dalkaa si weyn ugu dhex jiray siyaasadiisa tan iyo markii uu xorriyada ka qaatay, waxaana dadka taageeraya inqilaabka qaarkood siteen calanka Ruushka oo ay ruxayeen, halka ay gubayeen calanka Faransiiska.

 

Laxidhiidha: Niger: Cabsida Faragelin Millateri Oo Sii Kordhay

 

Hoggaamiyayaasha afgambiga Niger ayaa gebi ahaanba xidhay hawada dalkaasi kaddib markii ay diideen amar ka soo baxay wadamada Galbeedka Afrika ee k u midoobay ururka ECOWAS, kaas oo ahaa in dib loo soo celiyo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum.

Ururka ECOWAS, oo dalalka reer galbeedku ku dirqiyayaan in tallaabo laga qaado Millateriga Niger, ayaa hore ugu hanjabay haddii ay dheggaha ka furaystaan Millateriga Niger in ay soo celiyaan Madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo doortay inay waajaahaan halis, isla markaana lagu samaynayo faragelin Millateri

 

Hase yeeshee markii ay dhammaatay muddada loo qabtay waxay taas beddelkeeda Millateriga Niger qaadeen tallaabo ay ku muujinayaan innay diyaar u yihiin weerar kasta oo kaga yimaada ECOWAS iyo xullufadda Faransiiska iyo wadamada reer galbeedka.

Millateriga Niger, ayaa ku dhawaaqay galinkii dambe ee Axadii innay gebi ahaanba xidheen hawada dalkooda, iyadoo tobanaan kun oo taageerayaasha afgambiga ah ay isugu soo baxeen garoon ku yaala caasimadda Niger, Niamey, si ay ugu farxaan jeneraalada la wareegay awoodda iyo tallada dalka, ama ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Golaha Qaranka ee Badbaadinta dalka oo loo soo gaabiyo (CNSP).

Dhinaca kale, dalalka Burkina Faso, Guinea iyo Mali oo garab istaagay Niger, ayaa u diray saraakiil si ay ugu muujiyaan taageero, waxayna u muuqataa in tallaabo Millateri oo markii ugu horaysay laga qaado dal ka mid ah ECOWAS ay leedahay wer werkeeda.

Hoggaamiyayaasha dhigooda ee Burkina Faso iyo Mali, waxay si cad u sheegeen in ay garab taagan yihiin Niger oo ay difaacayaan wallaalahood isku day walba oo faragelin Millateri ah.

i Dalalka hore ugu hanjabay faragelin Millateri oo ku waajaahan Niger aannay isuku raacsanayn, maadaama aannay hore u dhicin in dalalka dhigeeda ah ee Guinea, Mali Burkina Faso, wax tallaabo Millateri ah laga qaadin, markii ay ka dhaceen inqilaab xukunka lagula kala wareegay, balse taas bedelkeeda lagu soo rogay ganaax iyo cunaqabatayn.

Dalalka ECOWAS, ayaa hore ugu soo rogay cunaqatayn dalalka xubnaha ka ah ee inqilaabku ka dhacay sida Mali waxaa laga joojiyey ururka ECOWAS 30 May 2021, kaddib afgambigii labaad ee millateriga ee sagaal bilood gudahood.

 

Guinea ayaa sidoo kale la hakiyay 8 September 2021, wax yar kaddib markii afgambi Millateri uu ka dhacay dalka, waxaana la saaray cunaqabatayn labada dal 16 September. Laakiin 10 January2022, Mali waxay ku dhawaaqday go’aankeeda ah inay xidho xuduudaheeda ay la wadaagto daalalkaa, waxayna u yeedhtay dhowr safiir oo ka joogay dalalka ECOWAS,  si ay uga jawaabto cunaqabateynta lagu soo rogay dib u dhigista doorashooyinka muddo afar sano ah.

Sidoo kale,  Janweuary 2022, Burkina Faso waxaa laga joojiyay xubnimadii ECOWAS kaddib afgambi Millateri, sidaa oo akle Niger ayaa laga joojiyay ururka ECOWAS kaddib afgambigii  Arbacadii toddobaadkii hore, 2023-, waxa loogu hanjabay in ay faragelin Millateri uu ku samaynayo Ururku haddii aan Madaxweyne Maxamed Bazoum dib loogu soo celin xafiiska, taas oo noqonay haddii laga dhabeeyo tallaabo cusub oo aannay ECOWAS hore uga qaadin dalalka kale ee xukunka inqilaabka lagula wareegay, kuwaas oo xubno ka ahaa ECOWAS.

Ururka ECOWAS, oo ka kooban 15 dal oo dalalka reer galbeedka Afrika ah, waxa hore uga baxday sanandkii 2000, dalka Mauritania, kaas oo ka mid aaha aasaasayaashii Ururka 1975, wuxuuna ahaa dalka keliya ee ku hadla Af Carabi, wallow ay mar kale soo codsatay 2017, sidoo kale Morocco, ayaa isla sanadkaa soo codsatay inay xubin ka noqoto ECOWAS.

Sideed waddan oo ka mid ah ururka ECOWAS ayaa ku hadla luqada faransiiska, halka shan ka mid ah ay ku hadlaan English, laba keliya ayaa ku hadla luqada Portuguese.

Inqilaabka xukunka ay kula wareegayaan Millaterigu ayaa kusoo laabanaya Afrika sannadihii u danbeeyay, taas oo muujinay in aannay ka shaqaynayn dimuqraadiyadu, waxayna Colonel-Major Amadou Abdramane iyo Hoggaamiyayaal kale oo Afrika ah go’aansadeen innay xukunka ka tuuraan Madaxweynayaal xukunka ku yimi doorasho, waxaana loo arkaa  innay  qayb ka tahay loollanka Ruushka iyo dalalka reer galbeedka ee siyaasadda aduunka.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com