#Araweelo_News_Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga Madaxtooyadda kulan kula yeeshay nadaxda Ururada Siyaasadda ee doonaya inay ka qayb qaataan tartanka doorashooyinka.

ALt: "Araweelo News"

Kulankaa oo aannay saxaafadu goob joog ka ahaynm ayaa lagaga hadlay arrimaha tartanka doorashooyinka Ururada iyo axsaabta qaranka, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay markii kulanku dhammaaday.

 

“Ujeeddada kulanku waxay ahayd dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka”ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Madaxweyne kula yeeshay ururada siyaasadda ee waddanka.

 

Sida lagu xusay qoraalka, Kulanka, ayaa diiradda lagu saaray sidii wada-jir loogu diyaar garoobi lahaa doorashada tartanka ururradda siyaasadda ee ay kusoo bixi doonaan saddexda xisbi qaran ee Tobbanka sanno ee soo socda, sidoo kale, waxa laga wada hadlay sidii ay xasilooni ugu qabsoomi lahaayeen doorashooyinku.

 

Kulanka ayaa kusoo beegmay kaddib markii Madaxweyne Biixi martiqaad u fiyay saddexda xisbi, iyadoo martiqaadka lagu socodsiiyay labada xisbi mucaaradka ee WADDANI iyo UCID, kaas oo la filayay inuu maanta oo Arbaca ah ka qabsoomo Madaxtooyadda, laakiin kulankaa ayaa baaqaday oo aan qabsoomin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com