#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay 54 maxbuus oo looga shakiyay inay ka mid yihiin kooxaha Argagixisada ee Al-shabaab, kuwaas oo doonayay inay falal amnidaro ka fuliyaan Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Maxamed Aadan Sanqadh (Dabagale) oo warbixintaa la wadaagay Guddida joogtada ah ee gollaha Guurtida oo kulan la yeeshay xilli uu gollaha Guurtidu ku jiray fasax, balse warbixinta ayaa lala wadaagay fadhiga golle weynaha Guurtida.

Taliye Maxamed Aadan Sanqadhi (Dabagale), ayaa warbixintaa uu la wadaagay Guddida Joogtada ah ee gollaha Guurtida Somaliland oo ka hadlaysay denbiyada dhacay iyo dadkii loo qabtay amniga, dilalka dhacay, Kufsiga iyo deniyada kale ee laga soo bilaabo bilihii December 2022, January, February 2023, wuxuu ku sharaxay denbiyadaa dhacay iyo tallaabooyinka ay qaadeen ciidan ahaan.

 

Kulanka uu la qaatay Guddida joogtada ee Guurtida Taliyaha Booliska Somaliland, wuxuu ku sheegay in 17 dil oo ka dhacay dalka la qabtay 15 ka mid ah dadkii lala xidhiidhinayay, halka ay laba ka mida ah ay baxsadeen.

Sidoo kale, warbixintaa ayuu ku sheegay Taliye Dabagale, in 72 kufsi oo dhacay intii u dhaxaysay  January, February 2023, iyadoo sida uu sheegay 62 ka mid ah kuwii falalka kufsigaku eeddaysnaa ay gacanta ku dhigeen, halka ay baxsadeen 10 ka mid ah kuwii ku eeddaysnaa.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in shilalka dalka ka dhacay ay gaadhayaan laga soo bilaabo 2022, December ilaa Febuary2023, ay gaadheen 1425 shil gaadiid oo ay ku dhinteen 43 qof.halka ay ku dhaawacmen 1244 qof, iyadoo gaadiidka shilalka khasaaruhu kasoo gaadhay ay gaadhayaan 924 gaadhi.

Taliska guud ee Booliska, ayaa sidoo kale sheegay in 54 eeddaysane oo lala xidhiidhiyay kooxaha argagixisada la qabtay ,muddadaa, iyadoo kuwii ugu danbeeyay la qabtay maalmihii lasoo dhaafay xilligii lagu jiray diyaargarawga xuska 18May.

Booliska Somaliland, ayaa warbixintaa ku xusay in la qabtay mukhaadaraad isugu jira Khamri iyo xashiishad, iyadoo khamriga iyo xashiishadu noqdeen waxyaabaha ay maalin walba hawlgalkooda kusoo qabtaan.

Hase yeeshee warbixinta laguma sheegin qabashada 54 qof oo lala xidhiidhiyay kooxaha Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya inay ahaayeen kuwo la horgeeyay maxkamad oo loo hayo caddaymo iyo inay yihiin dad weli ku jira baadhitaankii hore, sidoo kale warbixinta laguma sheegin in yihiin koox isku wada xidhan iyo xilliyada la qabtay iyo meelaha laga qabtay, balse waxa keliya oo warbixinta ay dhegeystay guurtidu lagu sheegay in tirada intaa leeg oo ay Booolisku qabteen lala xidhiidhiyay kooxda Al-shabaab.

 

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com