Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi Iyo General Mohamed Hassan Abdullahi Jidhif Oo Geeriyooday

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-General Maxamed Jidhif

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland  iyo General Maxamed Xasan Jidhif, Ioo ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka, ayaa ku kala geeriyooday Somaliland iyo dalka Sacuudiga.

Genetral Jidhif, wuxu galabta ku Geeriyooday Cusbitaalka gaarka ah ee International oo ku yaal Koonfurta Magaalada Hargeysa, halkaas oo xaalad caafimaad loo geeyay. Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada Marxuumka.

 

Allah haw naxariistee Marxuumka ayaa ka mid ahaa halgamayaashiii hoggaaminayay dagaaladii ururkii hubaysnaa ee SNM la galeen Taliskii digtaytarka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre intii u dhaxaysay sideetanaadkii iyo sagaashanaadkii.

 

General Jidhif ayaa ka mid ahaa saraakiisha tirada yar ee SNM ee ay sida gaarka ah u xuseen kuwii kasoo horjeeday, iyagoo qiray doorkiisii geesinimada.

ALt: "Araweelo News"

Labada Marxuum, ka bilaw Middig Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo General Maxamed Xasan Jidhif, Image File, Araweelo News Network, 14 Nov, 2023.

Sidoo kale General Maxamed Jidhif. Wuxuu door weyn ku lahaa dhismihii nabadaynta iyo yagleelida qaranka, isagoo door weyn oo taariikhi ah ku lahaa aasaaskii iyo bud-dhigii ciidanka Booliska Somaliland.

Geeri kale oo naxdin ah ayaa laga soo sheegay dhanka dalka Boqortooyadda Sacuudiga, iyadoo Cusbitaal ku yaal dalkaa uu ku geeriyooday Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi oo soo noqday Wasiirka Maaliyadda Somaliland xilligii Madaxweyne Siilaanyo, sidoo kalena Wasiirka Ganacsiga iyo Dekeddaha kasoo noqday Xukuumaddii Daahir Rayaale.

Maxamuud Xaashi oo sidoo kale xilligii dhawr iyo sagaashankii noqday Maayarka Caasimadda Hargeysa, ayaa ka mid ahaa haldoorkii kaalinta ku lahaa ku dhawaaqistii Ururkii SNM, kaddib markii isaga iyo siyaasiyiin iyo aqoonyahan kale kaga dhawaaqeen London sideetanaadkii, wuxuuna Ururka SNM, dagaal qadhaadh la galay xukuumaddii Millateriga ahayd ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Sidoo kale, Maxamuud Xaashi ayaa xilal kasoo qabtay Ururkii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM, kaas oo markii uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland xoreeyay uu marxuumku ka qaybgalay dhismihiisa, isagoo kaalmo kala duwan ka ciyaaray siyaasadda iyo dib u dhiska dalka, isla markaana xilala kala duwan kasoo qabtay xukuumaddihii kala danbeeyay.

 

Inaa lilaah wa inaa ilayhi raajicuun waxay bahda Shabakaddaha Araweelo News ka tacsiyaynayaan qoyskii ehelkii asxaabtii iyo guud ahaan qaranka Somaliland geeridaa, labada Marxuum, waxayna Alllah uga baryaynaa inuu Allah u denbidhaafo oo naxariistiisa ugu deeqo dhammaanteena samir iyo iimaan inaga siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin

 

Guddoomiye ku xogeenka labaad ee gollaha Wakiillada Cali Xaamud Jibriil ayaa ka hadlay Geerida, isagoo yidhi, “Waxa hadda isoo Gaadhay Geerida Mujaahid  Maxamed Xaashi Cilmi Oo Ku Geeriyoodey King Fahad Hospital Riyadh Saudi Arabia, Marxuumka aaya  soo qabtay jagooyinka Maayirkii hore ee Hargeysa iyo Wasiirkii Maaliyadda JSL,

Guud ahaan waxa aan tacsi udirayaa ehelkii, qaraabadi iyo guud ahaan Qaranka JSL ee uu ka baxay Marxuumku, Alle Wayne waxa aan uga rajaynayaa inuu ku macsuumo janooyinkiisa”.

Gudoomiye Ali Hamud Jibril , ayaa sidoo kale ka hadlay geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland,  Marxuum General Maxamed Xasan Jidhif, isagoo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee gollaha Wakiillada Somaliland dhanbaal tacsi ah ku yidhi, Allah haw naxariiste waxa aan Tacsi tiiraanyo leh udirayaa ehelkii iyo qaraabadi iyo guud ahaanba Qaranka JSL, ee uu ka baxay Taliyihii hore ee Ciidanka Millateriga Somaliland, Marxuum General Maxamed Xasan Cabdullaahi ( Jidhif).

Runtii waxa uu ahaa Mujaahid iyo halgamaa qaranka galiyay tacab aad u baddan, ugu danbayn waxa aan Eebe uga rajaynayaa denbidhaaf iyo inuu Allah u raxmaddo, janooyin kiisana ku macsuumo Marxuumka.Aamiin Aamiin Aamiin.