Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Muxuu Kaga Jawaabay Duqaymaha?

Araweelo News Network.

Kyiv(ANN)-Duqaymaha dhinaca cirka, Badda iyo Dhulka ayaa sida dhibicda roobka ugu daadanaya Magaalooyinka waaweyn ee dalka Ukraine todobaadkii u danbeeyay.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Xabsiga Ku Gurtay Dad Loo Haysto Qaraxii Biriijka Xidhiidhiya Moscow iyo Crimea

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa aad uga cadhooday burburka loo geystay Biriishka isku xidhayay Moscow iyo Jaziirada Crimea, taas oo dhaqaale malaayiin dollar ah ay ku bixisay dhismaheeda markii ay la wareegatay Crimea sannadkii 2014.

Qaraxa loo gaystay Biriishka oo masuuliyiinta Ukraine markii uu dhacay soo dhoweeyeen, wallow ay daqiiqado gudahood ka noqdeen oo ay bedeleen mawqifkoodii ay kaga dareen celiyeen, balse wixii ka danbeeyay xilligaa Madaafiicda ayaa sida dhibicda ugu da’ayay dalka Ukraine.

Laxidhiidha: Buunadada Ruushka Ku Xidha Crimea Oo La Gooyay

In kasta oo xukuumadda Moscow qaraxaa ku eeddaysay Madaxda Ukraine iyo xulufada reer galbeedka, isla markaana loo xidhay dhawr qof oo qaarkood yihiin dad ajaanib ah, balse Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in aannu doonayn inuu burburiyo Ukraine. Mr. Putin, ayaa sidoo kale sheegay  in aannu lahayn qorshe degdeg ah oo uu kula socdo duqaymaha dhinaca Cirka ee baahsan, kuwaas oo burburiyay magaalooyinka Ukraine oo ay ku jirto Caasimadda Kyiv oo duqaymaha dhinac walba lagaga garaacay madaxtooyadda iyo meelo kale oo qaarkood yihiin safaaraddaha reer galbeedka.

Laxidhiidha: Duqaymo Sababay Qaraxyo Waaweyn Oo Gilgilay Caasimadda Kyiv

Duqaymaha Xukuumadda Moscow oo toddobaadka u socday si darandoori ah, ayaa noqday weerarro shantii maalmood ee lasoo dhaafay sii xoogaysaty oo si ba’an Ruushku ugu qaadayay magaalooyinka waaweyn ee Ukraine, iyadoo dad badan oo reer Ukraine ah ay is-weydiinayaan halka ay kaga badbaadi karaan masiibadaa.

Dhinaca kale, dalalka reer galbeedka ayaa ka digaya in Ruushku Hubka Nukliyeerka ah isticmaalo, taas oo ay ka digayaan in ay sababayso cawaaqib xun oo aan la mahadin.

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ka gudbi doono khadka aad muhiim u ah” haddii uu hubka nukliyeerka ah geeyo Ukraine.

Jens Stoltenberg oo hadalkaa jeediyay, kaddib shir deg deg ah oo kooxda qorshaynta Nukliyeerka ee NATO ay ku yeesheen Brussels maalintii Jimcihii, wuxuu mar la weydiiyay waxa isbahaysiga millaterigu samayn doono haddii Moscow ay qaado weerar nukliyeer ah, wuxuu ku jawaabay Stoltenberg,  “Ma geli doono sida saxda ah ee aan uga jawaabi doono, laakiin dabcan tani waxay asal ahaan bedeli doontaa dabeecadda iskahorimaadka. Waxay ka dhigan tahay in khad aad u muhiim ah. waa laga gudbay.

“Xitaa isticmaalka kasta oo loo isticmaalo hub yar oo nukliyeer ah waxay noqon doontaa shay aad u halis ah, dabcanna taasi waxay yeelan doontaa cawaaqib,” ayuu raaciyay.

Hase yeeshee, iyadoo cabsidaa iyo wer-werkaasi jiro, wuxuu carrabka ku adkeeyay, si kastaba ha ahaatee, in duruufaha laga yaabo in NATO ay u isticmaasho hubka nukliyeerka ay yihiin  kuwo aad u fog.

Dhinaca kale, toddobaadkan ayaa la filayaa in Ruushku sameeyo dhoolatuska Nukliyeerka ee uu isagu leeyahay mustaqbalka dhow, taas oo ay dalalka reer galbeedka ee Maraykanka iyo xulufadiisu wadnaha farta kaga hayaan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com