#Araweelo_News_Network.

 

Yemen (ANN)- Dagaalyahanka Xuutiyiinta ayaa Sheegatay Gantaal ay ku garaaceen Markabka Mareykanka ee ku sugan Badda Cas, iyadoo Ciidanka Badda UK ay sheegeen in Markabka Xamuulka uu soo gaadhay Khasaaro aad u yar .

Xuuthiyiinta oo ay taageerto dawladda Islaamiga ah ee Iran ayaa dhankooda  Isniintii sheegtay in gantaalladooda ay ku garaaceen Markab Maraykanku leeyahay, kaas  oo marayay Badda Cas, weerarka oo ka dhacay meel 40 nautical miles (74 km) koonfur ka xigta Dekedda Al Mukha ee Yemen, iyadoo ay tani tahay dhacdadii ugu dambaysay ee weeraro xidhiidh ah oo lagu qaaday Maraakiib ganacsi oo ku sugan gobolka iyo weliba kuwa dagaalka ee ku sugan Biyaha Badda Cas.

inkastoo warbixinnaha ciidamada Badda ee Britain ay soo jeedinayaan in Markabka xamuulka ah ee la beegsaday uu soo gaadhay khasaare yar. Laakiin Bayaan uu soo saaray Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta oo uu  ku baahiyay bartiisa X,  (Ex Tuwitter)  Afhayeenka  u hadlay Millateriga Xuutiyiinta ayaa sheegay in ciidankoodu uu bartilmaameedsaday markabka xamuulka ah ee sitay calanka jasiiradaha Marshall “Star Iris”, iyadoo lala beegsaday gantaalada Badda ee ku haboon, isla markaana ay u suurtagashay in ay u gaadhaan si sax ah oo toos ah oo uu ku dhacay.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in markabku uu yahay Maraykan inkastoo Star Iris ay leedahay shirkadda maraakiibta ee Giriiga ee Star Bulk Carriers Corp., oo saamiyadeedu ay si cad ugu qoran yihiin Maraykanka sida ay sheecsiay warbaahinta reer galbeedka.

Dagaalyahanka Xuutiyiinta  oo fadhigeedu yahay Yemen ayaa sheegtay in weerarradu ay sii socon doonaan ilaa laga joojinayo gardarrada Maraykanka iyo Ingiriiska ee iyaga ka dhanka ah iyo taageerada ay siinayaan Israel ee xasuuqa loogu geysanayo shacabka Falastiin iyo sidoo ilaa inta laga qaadayo go’doominta lagu hayo dadka Falastiiniyiinta ah ee Gaza”.

Dhinaca kale. Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa hore u soo saaray wargelin ku saabsan weerarkaas oo ay ku sheegeen in markabka lagu dhuftay laba gantaal, isla markaana waxay soo sheegeen khasaare kooban, laakiin wargelinta digniinta  wakaaladda Badda ee Ingiriiska ayaa intaa ku dartay in markabka iyo shaqaaluhuba ay bad qabaan oo ay u socdeen dekeddooda xigta.

Bishii la soo dhaafay, ciidamada Maraykanka iyo kuwa Britain ayaa qaaday weeraro dhowr ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Yemen si ay uga jawaabaan beegsiga joogtada ah ee  ay ku hayaan  maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas tan iyo bishii November. Weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday fallaagada ayaa dhacay 3-dii Feb, markaasoo ciidamada isbaheysiga ay sheegeen inay u burburiyeen 36 bartilmaameed oo Xuuthiyiinta Yemen oo ku yaalla 13 goobood, kuwaas oo sida ay sheegeen ay ku jiraan xarumaha lagu keydiyo hubka, nidaamyada gantaallada iyo kuwa riddada, nidaamyada difaaca Hawadda iyo raadaarrada.

Hase yeeshee Weerarka Xuutiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta Badda Cas  waxba kama bedelin taasi, iyadoo Xuutiyiintu bilaabeen weerarada si ay uga jawaabaan howlgalka ciidamada Israel ka wadaan Qaza.

Toddobaadkii hore, Xoghayaha Warfaafinta ee Pentagon, Major General Pat Ryder ayaa sheegay in weerarrada ay ciidamada Maraykanka ee ka dhanka ah maleeshiyada ay leeyihiin “saamayn wanaagsan.” Dhacdadii isniinta ayaa ah weerarkii ugu weynaa ee xuutiyiinta ay ku qaadaan maraakiibta ganacsiga ee gobolka muddo todobaad gudihiis ah
Waxa la xaqiijiyay in ka baddan 30 Markab oo weerarada Xuutiyiintu sababeen in khasaare soo gaadho tan iyo markii ay bilaabeen ugaadhsiga Maraakiibta Badda Cas ee Maraykanka iyo Britain iyo weliba xulufadooda, iyadoo ay weerarada Xuutiyiintu ku qaadeen maraakiibta Badda cas ka badan yihiin intaa mudadii u dhaxaysay badhtamihii bishii Novembar iyo Feb 3, sida laga soo xigtay Pentagon, waxayna arrintan saamayn ku yeelatay gaadiidka shixnad sida ee isaga gudba Baddaha iyo isu socodka ganacsiga Aduunka.

 

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com