#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in aannay dawladda Federaalka Soomaaliya xukumin hawadeeda.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, isla markaana ah Afhayeemka Xukuumadda Cali  Xasan Aadan (Cali Mareexaan).

Wasiir Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), wuxuu sheegay in aannay xataa Boqolkiiba hal 1% dawladda Soomaaliya xukumin Hawadda Somaliland.

Wasiirku wuzuu sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay Bartiisa X (Twitter) waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:

“Dawlad aan xukumin Hawadda xataa Boqolkiiba hal (1%), ayaa weli sheeganaysa innay maamusho Hawadda.
Su’aasha taas ka dhallanaysaa waxa ay tahay: “Sidee bay u hirgelin kartaa badbaadada duulimaadyada rayidka ah marka horeba?

Wasiirku wuxuu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay si buuxda u xukunto Hawadeeda. Sidaa darteed, Xukuumadda iyo dadka reer Somaliland waxa ay gabi ahaanba diidan yihiin sheegashooyinka been abuurka ah ee ka soo yeedhay Dawladda Muqdisho ee ku waajahan maamulka Hawadda”ayuu ku yidhi qoraalka oo kusoo beegmay markii shalay duulimaadyada u socday Somalia ee kusii jeeday la kulmeen caqabado xagga isgaadhsiinta lagu haggo duulimaadyada.