Hargeysa(ANN)- Mudanayaasha labada golle kaga jira Awdal ayaa soo saaray qoraal ay kaga hadlayaan Heshiiska xukuumaddu Somaliland la gashay dalka Ethiopia 1 jan 2024.

Heshiiska ayay qoraalka kaga hadle en maadaama ay yihiin xildhbaadada lags soo doortay.

Qoraalka ayaa u dhignaa sidan:

“Annaga oo ah xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Somaliland oo ka kooban Guurtida iyo Wakiiladda ee laga soo doorto gobolada Awdal iyo Salal, waxa aannu halkan ku soo gudbinaynaa mawqifka aannu ka qabno Is-afgaradka ay xukuumadda Somaliland iyo Itoobiya gaadheen 1 January 2024 ee ka dhacay Addis Ababa. Is-afgaradkaas oo si toos ah saamayn ugu leh dadwaynaha na soo doortay ee aannu metelo.

Markii aannu arganay: Hadalada is-khilaafsan ee ka soo baxay Somaliland iyo Itoobiya ee ku saabasn Is-afagaradka (Memorandum of Understanding) oo muujinaya mad madow iyo hubaatin la’aan;

Annaga oo ogsoon: Taariikhda guunka ah ee geyiga Awdal iyo Salaal ee ku astaysan tusaale ahaan saldanadihii Ifat iyo Adal ee soo taxnaa qarnigaa 13aad iyo ka hor, oo ku xardhan buugta taariikhda ma guurtada ah;

Annaga oo og: Muhiimadda uu geyigani u leeyahay umadda Eebe ku uumay Awdal iyo Salal, shacabka Somaliland guud ahaan, umadda Soomaaliyeed iyo umadda Islaamka ah ee ku nool Geeska Afrika iyo Gacanka Carbeed;

Annaga oo ka dheregsan: Halganadii is-daba joogga ah ee umaddu u soo martay ilaalinta xeebaha Awdal iyo Salal qarniyada badan;

Annaga oo maanka ku hayna: Hadalada is-daba joogga ah ee ka soo baxay masuuliyiin iyo aqoon yahay Itoobiyaan ah oo sheegtay lahaanshaha xeebaha Saylac iyaga oo ku dooday taariikh aan jirin oo aan sugnaansho lahayn, taas oo aanu og-anahay inay qayb ka tahay damac qoto dheer oo halils ah;

Markii aanu aragnay: In masuuliyiinta Itoobiya sheegeen in Is-afgaradku u ogolaaday marin ay badda u helaan oo ay iyagu leeyihiin;

Markii aannu aragnay: In lagu xadgudbya mabda’ saldhigga u ah jiritaanka Somaliland ee ah talo-wadaagga oo ka mid ah qodobada uu dastuurku mamnuucay in xitaa wax ka bedel lagu sameeyo, iyada oo aan xukuumaddu kala yeelan talo wadaag deegaanka Awdal iyo Salaal:

Markii aanu aragnay: In anaay jirin wax xog ah oo sugan oo ay xukuumaddu siisay shacabka Somaliland guud ahaan, gaar ahaan hay’adaha sharcidejinta ee u xilsaaran korjoogtaynta xukuumadda sida ku cad qodobada 53 iyo 61 ee dastuurka Somaliland;

Markii aanu arganay: In xeerarka caalamiga ahi ay mamnuceen in heshiis laba dawladood ka dhexeeya laga dhigo sir (eeg, Vienna Convention on the Law Treaties, 1969) islamarkaana ogsoon cawaaqibka ay yeelan karaan heshiisyada sirta ah ee khuseeya dhulka;

Annaga oo ka duulayna: Maqaasidda Shareecada Islaamka ee ilaalinta dhulka Muslimiinta, si gaar ahna u og taariikhda ay xeebaha Saylac u leeyihiin umadda Islaamka ah guud ahaanteed;

Annaga oo ka duulayna: Qodobada 1aad iyo 2aad ee Dastuurka oo lala akhriyo qodobka 127, oo mamnuucay in waxyeello loo gaysto ama la kala dhantaalo is-raacsanaanta dhul ahaaneed ee Somaliland (territorial integrity);

Annaga oo ogsoon: Waajibka dastuuriga, iyo masuuliyadda naga saaran shacabka na soo doortay ee Awdal iyo Salaal;

Waxa aanu qaadanay go’aanadan soo socda:

Waxa aannu ka soo horjeednaa dhaqangellinta Is-afgaradka (Memorandum of Understanding) ee ay xukuumadda Somaliland la gashay dawladda Itoobiya, taariikhdu markii ay ahayd 1 January 2024, iyo heshiis kasta oo ka dhasha ama ka dheegma.

Waxa aannu u arganaa Is-afgaradkaas mid aan sharci ahayn oo ka soo horjeedda danta shacabka, diintooda iyo dastuurka ay ku heshiiyeen.

Waxa aannu ugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland inay ka noqoto Is-afgaradkaas oo ay talo wadaag ka yeelato arimaha masiiriga ah ee khuseeyo jiilalka danbe boqolaalka sanadood ee soo socda.

Waxa aannu u caddaynaynaa Ururka Jaamacadda Carab (الجامعة العربية), Ururka Iskaashiga Islaamka (منظمة التعاون الإسلامي), urur goboleedka IGAD, Midawga Afrika iyo Qaramada Midoobay in shacabka Awdal iyo Salal aanay ogolayn in Itoobiya laga siiyo dhul, bad iyo marin toonna geyiga Awdal iyo Salal.

Waxa saxeexay mudanayaasha Golaha Guurtida iyo Wakiilada ee laga soo doorto Awdal iyo Salal ee kal ah: