#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN]- Aqlabiyada Xildhibaannadda Gollaha Guurtidda Somaliland ayaa kullan dareen siyaasadeed dhaliyay oo ka qabsoomay Huteelka Baraar ee Magaalada Hargeysa.

Kulanka oo ahaa mid Al-baabadu u xidhnayeen ayaan si dhab ah la ogayn Arrimaha lagaga hadlay, balse warar la xidhiidha kulanka oo si hoose ay shebekaddaha Araweelo_News_Network u heshay ayaa u sheegay in Odayaasha guurtda ay kulanka ka qaybgalay oo gaadhaya ilaa Afar meelood saddex meelood kaga arrinsadeen kulankooda xaaladda dalku marayo xilligan iyo weliba Khilaafka is jiid-jiidka ee Xeerarka doorashooyinka Somaliland.

Sida ay sheegeen xoggaha ay heleen shebakaddaha  Araweelo News,  Xildhibaanada Gollaha Guurtidda  ayaa sheegay kulankooda  waxay kagga wadda haddleen, Siddii loo xoojin lahaa midaynta dhexdooda  Xildhibaanadda iyo innay muddanayaasha Guurtiddu ay muujiyaan doorkoodii Guurtinimo si ay doorkooda uga qaataan xaaladdaha kale duwan ee dalka iyo sidii looga fogaan lahaa waxyaabaha keenaya kale qaybinta Bulshadda.

Waxa xusid muddan in kulanka ay mudanayaasha kulanka ka qaybgalay kusoo qaadeen baahida loo qabo in la meel mariyo Xeerarka doorashooyinka ee ansixintoodu dib uga abuurtay khilaafka siyaasiga ah.

Waxayna ku dheeradeen mihiimada ay leeyihiin in xeerarka la ansixiyo, waxaanay isla qateen innay si deg deg ah uga hawlgalaan golle guurti ahaan ansixinta Xeerarka si dalku ugu jihayso Doorashooyinka mudda dhaafay.

Xeerarka Doorashooyinka oo labada golle ee Guurtida iyi wakiiladu ansixiyeen ayaa mar kale muran ka abuuray saaxada siyaasadda Somakiland, kaddib markii Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan qoraal u gudbiyay Madaxweynaha isagoo ka dalabanaya inuu dib usoo celiyo Xeerarka oo markii gollaha  Guurtidu wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyeen ee lagu soo celiyay Gollaha wakiiladda ay ku ansixiyeen  saddex meelood laba meelood, iyagoo meesha ka saaray Qodobada Guurtidu ku samaysay wax-ka-bedelka, taas oo mar kale abuurtay murran siyaasi ah, iyadoo Gollaha wakiiladdu sharcidaro ku Tilmaamay in Madaxweynuhu Xeerarka maray sharciga kusoo celiyo Gollaha guurtida

Haseyeeshee labada shirgudoon ee labada golle ee Guurtida iyo Wakiiladda ayaa maalmihii u danbeeyay ka yeeshay kulamo la doonayay in xal loogu helo arrintaa, taas weli jiitamay, waxaana kulanka aqlabiyada Guurtida lala xidhiidhiyay in aannay ka madhnayn in Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxanuud Aadan oo loo arko inuu yahay xuddunta  wareejinay khilaafka Xeerarka ee la jilaya Madaxwenaha loogu hanjabayo kulanka si loogu khasbo inuu Gollaha ku hoggaamiyo in la meel mariyo Xeerarka doorashooyinka Somaliland.