Araweelo News Network.

Dalalka reer Galbeedka ayaa u muuqda kuwo si cunsuriyad ah ugu eeddaynaya dalka Qadar inuu ku xad gudbay waxa ay ku sheegaan xuquuqda Aadamaha, taas oo ka dhalatay markii ay go’aansatay in loo hoggaansamo qaanuunka iyo shuruucda dalkooda, isla markaana la dhawro anshaxa iyo akhlaaqiyaadka suuban ee Islaamka inta ay socdaan Ciyaaraha sida weyn loo xiisaynayo ee Koobka Adduunka 2022.

 

Dalka Qadar oo dal Islaam ah, ayaa lagu qabsanayaa Ciyaaraha  Koobka Adduunka, wuxuuna gebi ahaanba dalkaasi mamnuucay in muddada ay Ciyaaruhu socdaan loogu soo gabado dhaqamada fawaaxishka ee aannay Diinta Islaamku ogolayn, iyagoo mamnuucay cabbista khamriga, dawanka Qoomu-luudnimada, heesaha iyo in dumarku ay soo xidhaan dharka gaagaaban ee cawradoodu ka muuqnayso.

 

Waddmada reer galbeedku waxay jecelyihiin in shuruucda waddamadooda loo hoggaansamo, taas bedelkeedana waxay iyagu diidayaan in dalalka kale ee adduunka ay shuruucdooda u hoggaansamaan.

Tusaale ahaan Maraykanka iyo Reer Yurub ayaa u muuqda kuwo aan waxba loo yeedhinkarin, balse iyagu raba inay keligood wax u yeedhiyaan caalamka.

 

Go’aanka ay qaadatay dawladda yare e Qadar, ayaa noqday mid dunida Islaamka laga bogaadiyay, kaas oo noqday mid aan looga baran inta baddan dalalka Islaamka oo madaxdoodu u dhega nugul yihiin awaamiirta reer galbeedka.

Dowladda islaamiga ah ee QADAR, waxay u caddaysay reer Galbeedka in aannu islaamku ahayn dib u dhac, argagixiso iyo fowdo, balse inuu islaamku yahay xaddaarada wanaagsan , caddaalad, Nabad gelyo iyo horumar.

 

Waddmada reer Galbeedka ayaa ka xun in dal islaam ah si Nabad ah inuu martigeliyo Ciyaaraha koobka adduunka, waxaana soo baxay nacaybka ay u qabaan islaamka oo soo dhaafay qalbigooda, iyagoo Afkooda kaga dhawaaqaya weedho ay si cad isugu diidsiinayaan in horumarka iyo wanaagga dalalka islaamka iyo mujtamaca muslimiinta ah aan loo baahnayn.

Maaha markii ugu horaysay ee dawladda yare e Qadar oo ka mid ah dalalka Khaliijka ee ugu saliida baddan aduunka ay qaadato go’aan addag, iyadoo diidan in wax loo yeedho sida dalalka kale ee Khaliijka, tsuaale ahaan Bishii Juun 2017, Sacuudi Carabiya iyo dalka Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE), Baxrayn iyo Masar waxay ku eeddeeyeen Qadar arrimo la xidhiidha argagixiso iyo waxyaabo kale oo ay ka mid ahaayeen un ay xidhiidh la leedahay oo aad ugu dhowdahay Iran oo ah Jamhuuriyad Islaami ah oo aan madaxa u foororin Israel iyo xulufada reer galbeedka, balse saaxiibada Sacuudigu ay ku sheegeen in ay tahay cadawgooda, waxayna gebi ahaanba jareen xidhiidhkii dhaqaale iyo diblamaasiyadeed ee ay la lahaayeen Qadar, iyagoo sidoo kale xayiraad saaray dhul, Bad iyo Cirba,

 

Qadar ayaa si isdaba joog ah u beenisay eeddaymaha loo soo jeediyay waxayna sheegtay in aannay jirin arrimahaa lagu eedeeyay, khilaafka Qadar iyo dalalka Khaliijka ayaa u muuqday kuwo khatar ah oo la doonayay dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan in loo godoomiyo Qadar,  balse xukuumadda Qadar ayaa diiday inay isu dhiibto kooxda uu hoggaaminayay Sacuudigu, waxayna sii horumarisay xidhiidhkeeda diblamaasiyadeed, iyadoo  dalka Qadar samaysatay saaxiibo cusub iyo diblomaasiyad fur-furan oo ay ku kasbaday saabiixo kale oo garab istaaga, kuwaas oo si weyn ugu hiilayay sida dalalka Turkiga, Iran, Cumaan iyo kuwo kale oo ay garab ka heshay.

Hase yeeshee Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani  u jexinjexin waayay ee dalkiisa ku hoggaamiyay in aannu isu dhiibin xulufada, waxa saddex sannadood kaddin khasab ku nooqtay Sacuudiga iyo xulufadiisa Khaliijka ee isu bahaystay dalka yar ee Qadar in ay soo celiyeen xidhiidhkii iyo ka mid ahaanshihii Gollaha Iskaashiga Khaliijka ee (GCC), waxaana shirkii GCC, ee Salaasadii 5 December 2021, oo ka dhacay Al-Ula oo ku taalla dhinaca waqooyi Galbeed ee dalka Sucuudiga, lagu soo celiyay xidhiidhkii, kaddib markii hogaamiyaasha khaliijku ay ku kala saxeexdeen Saudi Arabia heshiis ay ku sheegeen “midnimo iyo xasilooni”.

Arrintaa ayaa noqonay mid markhaati u ah sida ay mar walba dalka yar ee Qadar aannu aqbalayn in loo yeedhiyo wax aannay geyin oo gef ku ah qaranimadooda, madaxbanaannidooda,dhaqanka Bulshadooda Islaamka ah iyo qawaaniinta dalkooda u taal, sidaa awgeed waxa hubaal ah in go’aanka ay qaateen ee ka farxiyay Caalamka Islaamka, isla markaana ka cadhaysiiyay Maraykanka iyo xulufadiisa uu yahay mid aannay qaateen hoggaamiyayaal baddan oo dal ka weyn baxaad ahaan iyo dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan maamula sida saaxiibadooda uu ugu horeeyo Sacuudigu.

Writing by Dr. Ahmed Hassan Salah and first published this article on Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published on the Araweelo News Network.