Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani Iyo Masar Maxay Ka Yidhaahdeen?

Araweelo News Network.

Riyadh(ANN)-Dalalka Khaliijka ayaa ka dareen celiyay bayaanka kasoo baxay shirkii ka dhacay Al-Ula oo ku taalla dhinaca waqooyi Galbeed ee dalka Sucuudiga, kaas oo lagu soo celiyay xidhiidhkii dalalka Khaliijka iyo dalka Qadar saddex sannaood kaddib.

Dhammaan dalalka hore u go’doomiyay Qatar ee Sacuudi Carabiya, Imaaraatka, Masar ayaa soo dhowayn iyo ammaan ka muujiyay bayaanka kasoo baxay shirka, iyadoo xukuumadda dalka Qadar dhaneekada soo dhowaysay.

 

Wasiirka arrimaha dibedda ee Sucuudiga ayaa sheegay in Sucuudiga iyo saddexda xulufadiisa ee Carbeed ay isku raaceen in dib loo soo celiyo si buuxda xidhiidhkii ay la lahaayeen Qatar.

 

Dhawaaqa wasiirka arrimaha dibedda ee Sucuudiga, ayaa soo baxay  kadib markii hogaamiyaasha khaliijku ay ku kala saxeexdeen Saudi Arabia heshiis ay ku sheegeen “midnimo iyo xasilooni” kaddib markii ay ku kulmeen shirkii sanadlaha ahaa ee Gollaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) Salaasadii shalay 5 december 2021.

Amiir Faysal bin Farxaan Al Saud ayaa shirkiisa jaraa’id ka sheegay shirkii sanadlaha ahaa ee GCC ee ka dhacay magaalada Al-Ula, oo ay sidoo kale ka soo qayb gashay Masar, in uu jiro rabitaan siyaasadeed iyo niyad wanaag si loo damaanad qaado fulinta heshiiska, isla markaana loo soo celiyo xidhiidhkii diblamaasiyadeed iyo dhammaan xidhiidhadii kale, oo ay ka mid yihiin dib u bilaabida duulimaadyada.

AKHRI: #Jared@Kushner oo ah wiilka uu sodoga u yahay Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maraykanka #Donald @Trump, Oo saxeexaya Heshiiska Laga Khaliifka

Xukuumadda dalka Qatar, ayaa dhankeeda ka dareen celisay xannibaadda  iyo sidii adduunku uga falceliyeen warka kasoo baxay shirka dalalka Khaliijka.

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa shirka kaddib  bartiisa Twitter-ka ku soo qoray sidan:-

“Waxaan ka qayb galay, anniga oo kaashanaya walaalaheena, shirkii Al-Ula si aan u bogsiiyo khilaafka, waxaana dhamaanteen rajayneaynaa mustaqbal wanaagsan oo gobolka ah.” Ayuu yidhi, Amiirka dalka Qadar.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu uga mahadcelinayo walaalaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya soo dhaweynta qiimaha badan, isagoo sidoo kale sheegay inuu uga mahadcelinayo Dawladda Kuweyt dadaalka ay muujisay.

Dhankiisa Sacuudi Carabiya, ayaa ka dareen celiyay shirkaa, iyadoo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan yidhi, “Waxaa maanta jirtay baahi aad u ba’an oo loo qabo in aan midayno dadaalkeena si aan ku hormarino gobolkeenna, isla markaana aan uga hor tagno caqabadaha nagu xeerran.” Ayuu yidhi, Maxamed Bin Salmaan.

 

Sidoo kale, Amiir Farxaan ayaa sheegay soo celinta xidhiidhka inuu ahmiyad weyn leeyahay, isagoo yidhi, “waxay wax badan ka tari doontaa xasilloonida iyo amniga dhammaan quruumahayaga gobolka”.

Dhanka dalka Imaaraadka Carabta, waxa ka dareen celiyay heshiiska Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweyne ku xigeenka imaaraadka ahna xaakimka Dubai Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, waxayna  ku tilmaameen shir madaxeedka inuu ahaa mid wanaagsan.

 

“Shir wanaagsan oo mideeya darajooyinka iyo aasaasida walaalaha isbeddelada iyo caqabadaha nagu hareeraysan waxay u baahan yihiin xoog gacmacaha lays qabsado oo dhab ah, isku xidhnaan iyo iskaashi sidoo kale qoto dheer iyo xasilloonida Carabta,” ayuu ku qoray bartiisa Twitter-ka Al Maktoum.

 

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar ayaa dhankiisa sheegtay in dalkiisu qadarinayo dadaal kasta oo daacadnimo ah oo la sameeyay, si loo gaadho dib-u-heshiisiin ka dhexeysa waddamada afarta ah ee Carabta , Sacuudi Carabiya, Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn iyo Qatar”.

Dalka Jordan ee Boqortooyada Haashimiyiinta  oo dhankiisa ka hadlay heshiiska dalalka Khaliijka, ay sheegay in ay guul weyn u tahay in lasoo afjaro khilaafkii, Ra’iisla wasaare ku xigeenka Jordan, isla markaana ah Wasiirka Arimaha Dibedda Ayman Safadi ayaa sheegay in war murtiyeedka kama dambaysta ah ee shirkii GCC, uu ahaa guul weyn oo lagu bogsiinayo khilaafkii ka jiray gobolka, lana soo afjaro xiisada khaliijka, laguna soo celiyo qaabkoodii caadiga ahaa xidhiidhkii walaaltinimo ee dalalka.

 

“Natiijadu waxay xoojin doontaa midnimada iyo xasilloonida gobolka Gacanka Carbeed, waxay u addeegi doontaa himilooyinka dadkeeda ee horumarka iyo barwaaqada waxayna xoojinayaan midnimada Carabta. Ayuu yidhi.

Bishii Juun 2017, Sacuudi Carabiya iyo dalka Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE), Baxrayn iyo Masar waxay ku eedeeyeen Qatar arrimo la xidhiidha argagixiso iyo waxyaabo kale, isla markaana ay aad ugu dhowdahay Iran oo ay sheegeen in ay tahay cadawgooda, waxayna jareen xidhiidhkii dhaqaale iyo diblamaasiyadeed. Waxay sidoo kale xayiraad saareen dhul, bad iyo cirba Qadar.

 

Qatar ayaa si isdaba joog ah u beenisay eedaymaha loo soo jeediyay waxayna sheegtay in aannay jirin arrimahaa lagu eedeeyay, iyadoo markaa kaddib xidhiidhka loo jaray, balse xukuumadda Qadar ayaa samaysatay saaxiibo cusub iyo diblomaasiyad fur-furan oo ay ku kasbatay saabiixo kale oo garab istaaga, waxaana si weyn ugu hiilayay dalalka Turkiga, Iran, Cumaan iyo kuwo kale oo ay garab ka heshay.

AKHRI: Dalalka Khaliijka Ee Sucuudiga Iyo Qadar Oo Trump Ugu Baaqay Heshiis Ka Hor Inta Aaan Xafiiska Laga Saarin

Dhinaca kal, xukuumadda Kuweyt waxay dhexdhexaadin ka dhex waday Qadar iyo afar dal oo carbeed, iyadoo aan ka nasan tan markii uu khilaafku bilaabmay saddex sannadood ka hor.

Shirka xilligan  ka dhacaya Al-Ula, ee waqooyiga galbeed ee Sacuudi Carabiya, waxaa ka qeyb gelaya Jared Kushner, oo ah lataliyaha iyo wiilka uu sodoga u yahay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kadib dadaalkiisa diblomaasiyadeed, sidaana waxa sheegay sarkaal Maraykan ah oo ka hadlayay shirkaa.

 

Sarkaalka oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa yiri “Waxaan horumar ku gaarnay khilaafka Golaha Iskaashiga Khaliijka”.

AKHRI: Heshiiska waxa hagaya Jared Kushner: Wiilka Madaxweyne Trump Sodoga u yahay Oo lagu Tilmaamo Madaxweynaha Bariga Dhexe.

Kushner wuxuu ka soo qeyb geli doonaa “si uu u saxiixo heshiis joojinaya go’doominta iyo joojinta dacwadaha Qatar,” ayuu sarkaalku ku daray.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com S

UBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. Araweelo News Network. info@araweelonews.com