Araweelo News Network.

#Jared@Kushner oo ah wiilka uu sodoga u yahay Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maraykanka #Donald @Trump, Oo saxeexaya Heshiiska Laga Khaliifka

Riyad(ANN)-Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani ayaa socdaal ku tegey dalka Sucuudiga wax yar kaddib markii labada dal ay ku heshiiyeen inay isku furaan xuduudaha dhulka, cirka iyo badda oo xidhnaa muddo ku dhow saddex sannadood.

 

Dhaxal-sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku soo dhoweeyey Amiirka magaalo ku taalla dhinaca waqooyi Galbeed ee Sucuudiga, halkaas oo uu ka dhacayo shirka waddamada gacanka Khaliijka ee GCC.

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa salaasadii 5 Jan 2021, u ambabaxay Sacuudi Carabiya, sidaana waxa sheegtay warbaahinta dowladda, shir madaxeedka Khaliijka Carabta oo la filayo inuu halkaa ka firmo , ayaa laga rajaynayaa in heshiis rasmi ah oo lagu soo afjarayo khilaafka dheeraaday ee u dhexeeyay dalalka Riyadh iyo xulafadeeda iyo Qatar.

 

Sheikh Tamim ayaa u boqoolay Sucuudiga  kaddib markii Wasiirka Arimaha Dibedda ee Kuweyt uu ku dhawaaqay galinkii dambe ee Isniinta shalay in Sacuudi Carabiya ay dib u furayso hawadeeda, iyo sidoo kale xuduuda dhulka iyo Badda ee ay la wadaagto Qatar, taasoo wadada u xaadhaysa heshiis lagu xalinayo xiisada khaliijka ee daba dheeraatay.

Wasiirka Arimaha Dibedda ee Kuweyt Ahmad Nasser Al Sabah ayaa yidhi “Anagoo ka duulayna soo jeedinta (amiirka Kuwait) Sheikh Nawaf, waxaa la isku raacay in la furo hawada iyo xuduudaha dhulka iyo Badda ee u dhexeeya Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Qatar. Sidaa waxa baahiyay TV-ga dowladda Kuwait.

AKHRI: Dalalka Khaliijka Ee Sucuudiga Iyo Qadar Oo Trump Ugu Baaqay Heshiis Ka Hor Inta Aaan Xafiiska Laga Saarin

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibedda ee Kuweyt wuxuu sheegay in amiirka Kuwait uu la hadlay amiirka Qatar iyo Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman.

 

“dhainyada wada hadlay waxay carrabka ku adkeeyeen in qof walba uu jecel yahay dib-u-midaynta” oo lagu soo ururin doono Al-Ula (shirka GCC), si loo saxiixo bayaan u ballan-qaadaya “in la helo bog wanaagsan oo xidhiidhka walaaltinimada ah”.

Bishii Juun 2017, Sacuudi Carabiya iyo dalka Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE), Baxrayn iyo Masar waxay ku eedeeyeen Qatar arrimo la xidhiidha argagixiso iyo waxyaabo kale, isla markaana ay aad ugu dhowdahay Iran oo ay sheegeen in ay tahay cadawgooda, waxayna jareen xidhiidhkii dhaqaale iyo diblamaasiyadeed. Waxay sidoo kale xayiraad saareen dhul, bad iyo cirba Qadar.

 

Qatar ayaa si isdaba joog ah u beenisay eedaymaha loo soo jeediyay waxayna sheegtay in aannay jirin arrimahaa lagu eedeeyay, iyadoo markaa kaddib xidhiidhka loo jaray, balse xukuumadda Qadar ayaa samaysatay saaxiibo cusub iyo diblomaasiyad fur-furan oo ay ku kasbatay saabiixo kale oo garab istaaga, waxaana si weyn ugu hiilayay dalalka Turkiga, Iran, Cumaan iyo kuwo kale oo ay garab ka heshay.

AKHRI: Heshiiska waxa hagaya Jared Kushner: Wiilka Madaxweyne Trump Sodoga u yahay Oo lagu Tilmaamo Madaxweynaha Bariga Dhexe.

Dhinaca kal, xukuumadda Kuweyt waxay dhexdhexaadin ka dhex waday Qadar iyo afar dal oo carbeed, iyadoo aan ka nasan tan markii uu khilaafku bilaabmay saddex sannadood ka hor.

Shirka xilligan  ka dhacaya Al-Ula, ee waqooyiga galbeed ee Sacuudi Carabiya, waxaa ka qeyb gelaya Jared Kushner, lataliyaha iyo wiilka uu sodoga u yahay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kadib dadaalkiisa diblomaasiyadeed, sidaana waxa sheegay sarkaal Maraykan ah oo ka hadlayay shirkaa Sarkaalka oo diiday in magaciisa la shaaciyo “Waxaan horumar ku gaadhnay khilaafka Golaha Iskaashiga Khaliijka”. Ayuu yidhi.

 

.

Jared Kushner oo ah wiilka uu sodoga u yahay Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maraykanka Donald Trump, ayaa horaantii December 2020, wuxuu booqasho aan hore loo shaacin ku tegey  gobolka, wuxuu Jared Kushner kulamo gooni-gooni ah la yeeshay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ee awoodda baddan Maxamed bin Salmaan, Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kuwait, Sheikh Ahmad Nasser al-Mohammad al-Sabah iyo madaxda Imaaraadka.

Socdaalka Jared, ayaa la sheegay inuu ahaa sidii xiisadda u dhaxaysa dalalka Khaliijka meesha looga saari lahaa ka hor inta aannu 20 Jan 2020, xilka la wareegin Madaxweynaha Maraykanka ee la doortay  Joe Biden, iyadoo la saadaalinayo in madaxweynaha cusub ee Maraykanku qorshayaal ka duwan kuwii maamulkii Trump al iman doono, taas oo sabab looga dhigay rabitaanka xilligan ee Maamulka Trump ku doonayo heshiis dhexmara dalalka Khaliijka.

 

 

Kushner, wuxuu xilligan ka qayb gelayaa shirka wadamada Khaliijka ee ka dhacaya Al-Ula, oo ah waqooyiga galbeed ee Sacuudi Carabiya, Kushner u tegeyaa halkaa si uu u saxiixo heshiis joojinaya go’doominta iyo dacwadaha dalka Qatar,” ayuu yidhi, sarkaal u hadlay dawladda Aqalka cad ee Maraykanka oo diiday in la shaaciyo magaciisa.