Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee loo gaabiyo SOLJA, Sakariye Axmed Muxumed oo isaga 14 xubood oo ah hooggaanka saddexda sannadood ee soo socda ee SOLJA, isla markaana  lagu doortay Shirweynihii 7aad ee ururka ee ka qabsoomay 30 -31 December 2020, huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, ayaa fariin u diray koox Saxafiyiinta Somaliland ka mid ah oo aan iyagu ka qaybgelin shirkaa.

Shirka oo ay ka qayb galeen ergooyin ka kala socday gobollada dalka, marti sharaf iyo kor joogayaal, waxaana hagayay shirka xubnaha shir-gudoonka oo kala ahaa Guddoomiye Maxamed Axmed Jaamac (caloolay), Mustafe Sheekh cumar geeddi iyo Shugriya cabdullaahi, waxaana ka qaybgalay in ka badan 100 ergay oo ka kala socotay warbaahinta kala duwan.

Shirka ayaa mudadii labada maalmood ahayd ee uu socday waxa jiray loolan adag oo u dhexeeyay tartamayaasha hoggaanka 15-ka xubnood ee la doonayo inay ururka haggaan saddexda sannadood ee soo socda ka dhex jiray, iyadoo 19-ka xubnood buuxiyeen shuruudihii lagu xdhay tartanka, waxaana ugu danbayntii soo baxay 15 xubnood oo noqday kuwii ugu codka badnaa.

AKHRI:  Somaliland: Ururka Suxufiyiinta Ee SOLJA Oo Hoggaan Cusub Doortay

Shir-gudoonka shirweynaha 7aad ee SOLJA, walaw lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu tartan adkaa, waxa lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu cadaaladda badnaa, iyadoo si weyn loogu amaanay Guddoomiyaha Shirka Maxamed Axmed Jaamac (caloolay) iyo xubnaha la guddoominayay.

Hase yeeshee kooxd suxufiyiinta ah ee guddoomiyaha cusub ee SOLJA la hadlayo, waxay iyagu horeba uga faagteen shirka, kuwaas oo aan ka mid ahayn ergooyinka ka qayb galay shirweynaha 7aad ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Guddoomiyaha cusub ee SOLJA, ayaa farriin u diray dhalinyarada suxufiyiinta ah ee muujiyay tabashada, wuxuuna ugu baaqay inay muujiyaan tanaasul iyo in laysu dul qaato, maadaama ay tahay sunaha dumuqraadiga ah ee ay Somaliland kusoo caana-maashay.

Halkan Ka Daawo Farriinta Guddoomiyaha SOLJA