Heshiiska waxa hagaya Jared Kushner: Wiilka Madaxweyne Trump Sodoga u yahay Oo lagu Tilmaamo Madaxweynaha Bariga Dhexe.

Araweelo News Network.

Riyadh(ANN)-Xiisadda dalalka Khaliijka ee u dhaxaysay dalalka Qatar iyo Sacuudi Arabiya ayaa la filayaa inay heshiis gogol-xaadh u ah sidii loo dhamayn lahaa khilaafka mudada soo jiitamayay gaadhaan. Labada dhinac ee Sucuudiga oo ay arrintaa isku xulufo ka ahaayeen Imaaraadka Carabta iyo dawladda Qadar oo dhinac ah, ayaa hadda u tafa-xaydan sidii loo soo afjari lahaa khilaafka saamaynta weyn ku yeeshay dhinacyada dhaqaalaha iyo isu socodka dalalkaa ku dhowaad saddexdii sannadood ee u danbeeyay. Jared Kushner oo ah wiilka uu sodoga u yahay Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maraykanka Donald Trump, ayuu u diray gobolka todobaadkan, wuxuu Jared Kushner kulamo gooni-gooni ah la yeeshay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ee awoodda baddan Maxamed bin Salmaan, Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kuwait, Sheikh Ahmad Nasser al-Mohammad al-Sabah iyo madaxda Imaaraadka. Socdaalka Jared, ayaa la sheegay inuu ahaa sidii xiisadda u dhaxaysa dalalka Khaliijka meesha looga saari lahaa ka hor inta aannu 20 Jan 2020, xilka la wareegin Madaxweynaha Maraykanka ee la doortay  Joe Biden, iyadoo la saadaalinayo in madaxweynaha cusub ee Maraykanku qorshayaal ka duwan kuwii maamulkii Trump, taas oo sabab looga dhigay rabitaanka xilligan ee Maamulka Trump ku doonayo heshiis dhexmara dalalka Khaliijka. Wiilka uu soddoga u yahay Madaxweyne Trump, ee Jared Kushner waxa safarkiisa ku wehliyay ergooyinka Bariga Dhexe Avi Berkowitz iyo Brian Hook iyo madaxa fulinta ee Hay’adda Horumarinta Caalamiga ee Maraykanka ee Adam Boehler, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday aqalka cad todobaadkan. Jared Kushner, ayaa mararka qaar lagu magcaabaa Madaxweynaha Bariga Dhexe, wuxuuna dhawrkii bilood ee u danbeeyay meel mariyay heshiis loogu magic-daray Abraham Agreement 13 August 2020;,Kaas oo mid caadi ah ka dhigaya xidhiidhka dalalka Israel iyo khaliijka, waxaana heshiskaa qalinka ku duugay oo  Israel la gashay Bahrain and the United Arab Emirates iyo Sudan, balse qaar baddan oo ka mid ah dalalka Islaamka, ayaa canbaareeyay, waxayna ku tilmaameen mid lagu duudsinayo qadiyada dhulka Falastiin iyo dhulka barakaysan ee Qudus. Iran, Turkiga iyo dalal kale oo Islaamka ah ayaa si weyn u canbaareeyay heshiiska, iyadoo Falastiiniyiintuna dhankooda ku tilmaameen mid meel ka dhac ku ah qadiyadooda, isla markaana dhulkooda u gacan gelinaya Israel oo awalba xoog ku haysatay. Bishii Juun 2017, ayay ahayd markii Sacuudi Arabiya, Isutagga Imaaraatka Carabta, Masar iyo Baxrayn ay xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jareen dalka Qatar, kuwaas oo hawadooda iyo marinnada badda la xidhay kaddib markii ay ku cambaaray inay mas’uuliyiinta Qatar maalgeliyaan kooxaha argagixisada ah, walaw ay xukuumadda Qadar siw eyn u beenisay eedayntaa. Hase yeeshee dalka Qadar, waxay markiiba xulufo taageertay ka heshay gobolka, iyadoo dalalka Iran iyo Turkigu si weyn u garab istaageen, isla markaana waxay qaaday tallaabooyin ay ku ilaalinay inuu liico dhaqaalaha dalku, iyadoo daaha ka furtay mashaariic cusub iyo maalgashi, isla markaana wax ka bedeshay macaamilka iyo xidhiidha ay dalalka kale qaarkood la lahayd.  

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com S

UBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. Araweelo News Network. info@araweelonews.com