By. Fuad Fartaag

 

Dadka masiixiyiinta ah, waxa u ah Astaan Laanqayr ama macatab ah, ama isku talaab, Laanqayrta Uma ogola in dhulka ladhigo, waxa ay Ka Dul qotomiyaan guudka Sare ee kaniisadaha, wax walba oo ay samaynayaan waxa u sal ah laanqayr, Haddii ay caabudaad u dhaqaaqaan waxay hor jilba-joogsadaan laanqayr, Haddii ay ducaysanayaan waxay is taabtaan fooda, laabta iyo labada Garab oo uga dhigan laanqayr

.Siddoo kale waxa ay sudhaan qoorta laanqayr laga sameeyey Dahab, Dhayman, Luul iyo dhamaan walxaha qaaligee quruxda loo adeegsado, siddoo kale waxa ay jidhkooda Ku Turqaan oo ay isku sawiraan Laanqayr, waxa iyana jirta Haddii baadari laanqayr sitaa uu dadkiisa Soo dhexmaro in aan la dhaafi Karin iyada oo laanqayrta uu sito ay dhunkadaan mooyee!.

Haddaba Laanqayrtaa aadka ugu weyn ee ay dhulka u quudhi la’yihiin, ee ay Ku cibaadaystaan ee ay Ku Caan bexeen, Haddii aad weydiiso waxa ay tahay Laanqayrtan kuweyni, waxay kuugu jawaabi waa Laanqayrtii lagu dilay ilaahayagii! Waa sidda ay aaminsanyihiine!.

Iminka Jamhuuriyada Somaliland oo ay Ka jiraan baahiyo badan oo daruuri ah ayaa haba yaraatee u muuqan masuuliyiinteena, Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa waa Caasimad aan lahayn Beer Bulshadu ku nasato oo ay Ka gaboodsadaan milicda, sumxada magaalada, buuqa iyo qiiqa qawaadhida, Shacabka Ku dhaqan Caasimadu waxa ay Hadh Iyo Hawo u tagaan goobo aad uga durugsan Magaalada Iyo Daabiyadaha u dhow.

Siddaa awgeed Ruux gaadiidlay ah mooyee Ruux kale Caasimada Hadh iyo Hawo saxo leg ma helo, Markaa inta Ku baxaysa Taaladda Miigga ruushka ah waxa ay Ummada u goynaysaa dhul laga dhigo Beer Dan-guud ah, oo Lagu magacaabo BEERTII MUJAAHIDIINTA, taas oo shacabku u nasasho taggaan oo dhab ugu nastaan goobtaa loogu magacdaray kuwii ilaahay Ka sokow nabada Jamhuuriyada Somaliland kunaaloonayso naftooda u hurray, taas ayaa iyana magac iyo maamuus u ahaan lahayd, hubaal shacabkuna haakah! Ku odhan lahaa oo ku ilaawi lahaayeen Dilkii,Xasuuqii, Burburkii iyo wixii labaday berisamaad,

Sidoo kale assaarta taariikhiga ama wax kastoo lama ilaawaan ah oo xusid mudan, ha ahaato qalab Dagaal, aaladihii hore ee ay Ummadi adeegsan jireen iyo waxay Farshaxan ulahaayeen,  siddii Sanam taalo lama saaro, ee waxa la dhigaa goobta ama Rugta assaarta ama afka qalaad waxa Lagu yidhaahdo (Museum), halkaas ayaa Hoy looga dhigaa oo Lagu booqdaa.

S kastaba ha ahaatee fikirkan lasoo bandhigay in Miiggii Ruushka ahaa ee reer Somaliland taliskii keligii taliska Shuuciga ahaa berisamaad Ku Rusheeyey, ayaa Taalo kale oo dheer  loo dhisayaa, iyo Kaabado dadku u hoos fadhiisto iyo kor u eegaya Miigii baasaaye xusuusta Ba’an lahaa, kuwii sooridayna goob magacoodu ku xusanyahay oo Faataxada loogu Akhriyaa Majirayso waa Maan Guracan iyo Garasho Jaan!.

Hadal Iyo dhamaan waxaan Ka baqayaa Miiggan Baas ee Kolba meel la saarayaa inuu JIILASHA DANBE Macatab oo kale u NOQDO!!,

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Allaah  Mahad leh

Midnimona Somaliland

Fuad Fartaag

fartaagmuwaadin@gmail.com