Araweelo News Network .

By. Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Artan

Alt: Araeelo News Network

Abdirahman Yusuf Artan image file Araweelo News Network

#Buruburkii dawladdii #Soomaaliya iyo dagaaladii sokeeyey ee kala danbeeyey, waxay sababaeen dhimasho xoogle, barakac baahsan. Dhaawaca ugu weyni wuxu ka yimid barakacii iyo qaxii waalida ahaa ee k u habsaday dadkii waxgaradka ahaa, dadkii wax-yaqaanka (professionals) ahaa, dadka lagu magacaabo labeenta bulshada (the elite).

Markii Somaliland dib loo aasaasay ee beelihii reer waqooyi ku heshiiyeen inay colaaddii dhex tiil ilaawaan, bog cusub oo nabadeed iyo wax-wada-qabsi ku dhaqaaqaan, taasina ay waajibinaysay in boodh-ka laga tumo hay’adihii dawladeed, judhiiba waxa la tebey inay dalka ka maqan yihiin dadkii wax-yaqaanka ahaa (professionals).

Wax-yaqaankii koobnaa ee dalka ku sugnayd waxay u shaqaynayeen hay’adihii koobnaa ee waqtigaa dalka ku sugnaa si ay u daboolaan baahiyihii aasaasiga ahaa ee qoysaskoodu. Waayo, hay’adihii dawliga ahaa ee dib loo yagleely awood uma lahayn inay bixiyaan mushahar lagu noolaan karo. Kolkaas hay’addaha waxa buuxiyey dad ay dantu ku qasabtay. Waqtiga aan ka hadlayaa waa 1990kii qarnigii tegey.

Doodda Wax-yaqaanka Hortaallay

Intayadii yarayd ee wax-aqoonka ahayd ee ka shaqaynaysay NGO ajnabi ah ama aasaastay NGO wadani ah ee mashaariic ka qaadanaysay NGO-ga ajnabiga ahi nolol wanaagsan baan ku noolayn marka loo eego ummadda inteeda kale, inkastoo malcaamadaha carruurtayadu dhigato yihiin waabab ay dhulka fadhiisan jireen, kuwa iskuuladii la aasaasay ku jireyna ay daasadaha caano boodhaha ku fadhiyeen.

Intayadii ladnayd waannu isu iman jirney, waxanu dareensanayn oo hay’adaha dawliga xoog uga muuqatay maqnaansha waxyaqaanka (professionals). Waxan isweydiinay, war dalka wax-aqoonkiisii wax dhintay, wax qaxay iyo wax gaboobay oo hawlgab ah bay isugu jiraan. Inteennii koobnayd ee dalka ku hadhayna NGO baynnu nolol ka doonay. Waar, NGO dal ma horumarin kartaa, marka qaybtiisii dawliga ahayd dayacan tahay? Waa maya ayay jawaabtii noqotay! Maxaa inla gudboon haddii aynnu nahay wax-aqoonkii koobnaa ee dalka ku sugnaa?
Aynnu u shaqo tagno dawladda oo kaqayb-qaadano dib u yagleelidda hay’adaha dawladda (wasaaradaha iyo wakaaladeheeda), yaanay ina hodin mushahar fiican ee aynnu ku qabno NGO-yadu. Miyay hay’ado shisheeye iyo NGO-yo wadani ah oo sandareero ka qaataa horumarin karaan dal dhinaciisii dawliga ahaa (public sector) uu beerka dhulk ku hayo? Waa maya!
“Nacam iyo guddoon,” baannu nidhi. Inkastoo tirdayadu yarayd, (guud ahaanba tirada wax-yaqaanka dalka xilligaas ku sugani yaraa), dadka aan ka hadlayaa waxay ahaayeen Injineero, dhakhtaro, iyo aqoonyahan maadooyin kala duwan ku haysta shahaadooyinka PHD iyo Maajisteerka (Masters Degree).
Wax la yidhi, “nin kastaw jid kaad doonto soo maroo ballankeenu waa hay’adaha dawladda oo laga mid noqdo.” Dawladdii Cigaal baa xilligaa shaqaynaysay. Waxa la bilaabay galaangal, waxa xilliyo isu dhow ku guulaystay Injineer Yusuf Caynab oo noqday Agaasimaha Guud ee wakaaladda biyaha iyo Dr. Maxamed Cusmaan Fadal oo noqday Wasiirka Qorshaynta Qaranka. Rag badan oo kale galaangalkii uma suuragelin, kuwa kalena duruufihii nololeed baa u saamixi weydey.
Garoonka Frankfrut iyo Ninkii Siinga-siinga ahaa
1997, waxan u shaqaynayee Hay’adda Life & Peace oo Swedish ahayd, sanadkii 1999 waxan uga wareegay hay’adda War-Torn Societies oo laga leeyahay Switzerland. Bishii February 2005tii baan safar ugu baxay dalka Switzerland, dayuuuradda Swiss Air baan ka raacay Nayrobi, waxay nagu dejisay madaarka Frankfurt ee dalka Jarmalka, halkaas oo uga beddelanayey dayuurad i gaynaysa magaalada Janeefa (Geneva) oo ah caasimadda Switzerland.
Madaarka Frankfurt wuxu ka mid yahay kuwa Yurub ugu waaweyn, hool aad u weyn baan taagan ahay, webiyo dad ah oo sidayda diyaarodo sugaya ayaa dhinac walba u qulqulaya. Ummadda baaxadda leh qaarna diyaaradaha bay raacayaan qaarna way soo degayaan. Waxan dhex taagan ahay badweyn dad ah, ilaa ili qabatay jiho kasta waa dad caddaan ah. Malaha, keligay baa madaw ka ah, sidaas daraadeed meel fog baan ka muuqanayaa. Weliba gaabnida ayaa i saacidaysaye, meel ka sii fog baan ka sii muuqan lahaa haddaan inta ka dheer ahay.
Diyaaraddii aan raaci lahaa rubuc saaco ka dib bay kacaysaa, kolkaas khaqligaa kala nooca ah ee isugu jira caddaanka, indho yar, indho weyn, timo madaw timo sayn fardood baa dhinac kasta iga dhaafaya. Waxa meel shishe, mawjadda dadka iiga dhex muuqday qof lebisan dhar huruudi takh ah, cimaamad weyn iyo shaadh ruugagga u jooga, surwaal candhasaab ah oo dhammaan wada huruud takh ah, Wejigiisa laftiisa iyo dharkiisu way isu egyihiin, sidaas daraadeed ayuu meel fog uga muuqanayay, sida anigaba madawgaygu meel dheer uga muuqanayey. Ninku mawjadihii dadka ahaa ayuu soo dhex jibaaxaya, xaggayga ayuu u soo socda, aniguna isaga ayaan indhaha ku hayaa isaguna aniga ayuu indhaha igu hayaa.
Mar qudha ayuu i soo gaadhay, intuu iskay hor taagay, si kalsooniyi ku jirto gacanta salaam iigu soo fidiyey, yidhi, “hellao, I am Mr Mahraj Nad Singh, from New Delhi, Iam attending a conference in Zurich).” Intaan gacantii uu soo fidiyey qaabilay baan anna ugu jawaabay, “I am Mr Cabdiraxman Yusuf Cartan from Somaliland, I am working for the Academy of Peace and Development NGO, I am attending a seminar in Geneva.”
“You are from Somalia and you work for an NGO, my friend NGO will not solve Somalia’s problems, you need to seriously develop the public sector!”
Markii hadalkaasi ka soo yeedhay ayaa tin iyo cidhib dareen cajiib ahi i rooray! Waa maxay ninkan cajiibka ah ee cir-ka-so-dhaca ah ee mawjaddaas dadka ah igaga soo leexday ee doodihii aniga iyo saaxiibaday na dhex yaallay bedka soo dhigay?!
“Waa runtaa,” baan ku biimay, “waa runtaa.” Markuu arkay inaan ku raacay, aan madaxa ruxayo ayuu isna madaxa ruxay, igana dhaqaaqay. Anigoo yaabban, muuqiisa baan isha ku sii hayay isagoo sii dhex-jibaaxaya daadkii khalqiga rogmanaya, meel dheer baa dharkiisii huuruudda takhda ahi iiga sii muuqday.
Anigii baa isla hadlay, “war wuxu ma haatuf buu ahaa! Dee Cartanaw lagula hadal, ma jirayso NGO la sii joogjoogaya, xaggee hawsha shaqada qaranka ka bilawdaa?” Doorashadii Baarlamaanka baa sannadkan bilaabmaysa, Sebtambar 29, 2005 . Allaylahe, doorashadaa ka qayb qaado. Waa meel qaranka curdinka ah laga dhisi karo! Doorashadaa ka qaybqaado. Bartii baan ku go’aansaday arrinkaa, No walaac danbe no nonsense! Waxan ku war helay iyadoo la naadinayo dayuurdaydii, flight no… to Geneva…

Caloolyawgii i Hafiyey
Iyadoo qanaacaddaa xoogga lehi jirtey in hay’adaha dawladda loo shaqeeya, haddana xaqiiqada nololeed baa iyana wax kale igula xanshashaqaysay. Marka aan ka tegayey NGO $2000 baan ka qaadanayey, waxa aan ka nafaqaynayey carruur agoon walaalkay dhalay oo Cerigaabo joogtay, hooyaday oo raq ah oo Burco lagu hayey, reerkayga oo Hargeysa deggan. Haddii aan golaha baarlamaanka ku guulaysto, mushaharka igaga horreeya waa lacag dhan $300! Waan isla hadlaa, “ iminka miyaad waallan tahay mise waad…..? Gebidhaclayn, waar ninyahaw, gaaladu waxay ku maahmaahdaa, “charity begins at home.” Tiisaba daryeelaa tu kale ku dara! Xilka kowaad qoyskaagu kaa saran yahay. Shaydaanka iska naar oo jooji waalida! Aniga oo aan walaacaas iyo doodahaa gudahayga ka soo yeedhayey jawaab shaafi ah u helin, haddana waaliddii baan ku sii socday…wax baa igu lahaa ka bax dugsigan yare eed isku nabayso, u baxa dhaxanta iyo dabaysha, jawaabtaa noqota, dee keligaa ma tihide, waar soco cid kastaa Ilaah bay leedahaye, yaanay lacagta yari ku ilawsiin qadiyada weyn, noloshu waa khamaar. Shul ama shal, ku kici. Xilli aan xitaa $100 la haysan baan na soo martay oo aannu ka soo doognay ku kici!
Gacantii Xaqqaad Haysataaye Gacan Libaax Yeelo
Deegaankii aan ka soo jeeday hawl badni igalama kulmin inaan noqdo murashax. Dad badan oo walaacayga hoose ogayni si weyn baa iigu dhiirigeliyeen arrinka. Astaamihii murashixiinta ayaa la qabayey, Maxamed Kaahin Komishanka doorashooyinka astaamihii murashixiinta ka soo qaaday baa ila soo hadlay, yidhi, “ Cartanow, astaantaadu waa libaax ee ku bushaarayso.” Nusasaac ka dib nin aannu saaxiib nahay oo diyaaradda ka soo degey baa ii keen buqshad yar oo uu ii soo dhiibay walaalkay Siciid Jamac Xuseen oo reer UK ah, waxyaabaha buqshada ku jirey waxa ka mid ah buug sheekooyin xul ah (An Anthology of selected short stories), Jeldiga hoose ee cad ee buugga, Siciid wux far waaweyn ku soo xardhay, “walaal Cartanaw, Gacantii Xaqqaad Haysataaye Gacan Libaax Yeelo!”. Waar yaahe, hadduun baa laygu lahaa astaantaadu waa Libaax. Cajiib! Dee waad aragtaa meesha qadderku kuu wado.
Beri danbe markii 5tii sano ee noogu horreysay noo dhammaanayso bay Guurtidu bilowday inay noo kordhiso. Anigoo ka horjeeda muddo kordhinta guurtidu damacsan tahay, waxan qoray maqaal cinwaankiisu ahaa, Guurtidu Boog Somaliland ku Taal bay noqotay. Taasoo aad uga cadhaysiisay Guurtida. Laba nin oo guurtida ah baa la yidhi, “Cartan u Jawaaba.” Hadal badan bay iga sheegeen, laakiin kan ugu muhimsan wuxu ahaa, “Cartan Golaha wakiilada dano qarsoon buu u soo galay, bal idinba nala eega, waa ninka isagoo qaata $2000, soo doontay meel $300 lagu qaato!
F.G. Wixii aan Golaha Wakiilada kala kulmay, mar danbe baan idinla wadaagi doonaa.