Araweelo News Network.

#General @Jaamac #Doollaal Muxuu Ka Yidhi Sii Deyntiisa ?

Hargeysa(ANN)-General Jaaamac Maxamuud Aadan (General Doollaal) oo ka mid ahaa Saraakiishii mujaahidiinta dalka usoo huray naftooda, xilligana ka mid ah Saraakiisha hoggaanka sare ee ciiddanka Qaranka Somaliland, ayaa xorriyadiisa dib u helay kadib markii ay Maxkamad Millateri ku riday xukun horaantii April 2021.

Gen. Doollaad, waxa markii lasoo daayay shalay kusoo dhoweeyay afaafka hore ee Xabsiga qaar ka mid ah Eheladiisa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen qoyskiisa, waxayna shegeen in ay ku faraxsan yihiin in Muj Doolaal dib u helo xoriyadiisa, iyagoo xuay in ay ka wer- wersanaayeen muddadii uu xidhnaa xaaladdiisa Caafimaad.

Qaar ka mid ah dadkaa ayaa u mahadceliyay Guddoomiyaha Gollaha Gurtida Saleebaan Maxamuud iyo Madax-dhaqameed aannay magcaabin oo ay sheegeen in ay door weyn ka qaateen sidii General Jaamac Doollaal Xoriyadiisa u heli lahaa, sidoo kale, waxay uga mahad celyeen cid kasta oo Bulshada Somaliland ah oo ka qayb ka qaadatay sii dayntiisa.

General Doolaal, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay cid walba oo door ka cayaartay inuu xoriyadiisa dib u helo, wuxuuna sheegay in aannu xilligan ka hadlayn wax dhaafsiisan inuu uga mahadceliyo dadkii ka qaybqaatay sii deyntiisa ee ka dhiidhiyay xadhigiisa, balse uu gadaal ka hadli doono oo warbaahinta la hadli doono.

Sii deynta Genaral Doollaal ayaa kusoo beegnatay laba maalmodo kadib markii Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Biirmadaw) ku hanjabay in haddii aan lasii deyn Muj Doollaal ay go’aan ka qaadanayaan Bulshada deegaamada uu kasoo jeedaa, wuxuuna ku hanjabay in go’aankaasi noqon doono mid cawaaqib xun ku keena Somaliland, balse ma qeexin go’aanku nooca uu noqon doono haddii aan muddadaa lagu sii deyn General Doollaal.

Somaliland: Gen: Doollaal Oo La Xukumay

Boqor Buurmadaw, wuxuu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku eeddeeyay inuu yahay nin dalka collaad ka abuuraya, isla markaana dadka Somaliland kala kaxanayna.

Dhinaca kale, Xisbiga Mucaardka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay sii deynta General Jaamac Doollaal ee xoriyadiisa dib loogu celiyay iyo dhawaaqa hadalkii hanjabaada ahaa ee Boqor Cismaan Buurmadaw.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANi Oo Ku Baaqay In General Doolaal Xabsiga Laga Soo Daayo

Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga mucaardka ee WADDANI, Yoonis Axmed Yoonis, oo Telefishanka SAHAN u waray, ayaa sheegay in General Doollaal oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii fara ku tiriska ahaa eek u suntanaa halgankii dalka lagu xorreeyay ee lagaga soo horjeeday Taliskii Macangaga ahaa ee Siyaad Barre  abaalkiisu noqday in xabsi la dhigo oo sida uu sheegay lagu xajiimeeyo eeddaymo aannu geyin mujaahidku,  iyadoo aan la siin maamuuskii iyo karaamadii uu ku lahaa qarankan, wuxuuna sheegay in xisbi ahaan ay soo dhowaynayaan in Muj Doollaal xoriyadiisa loo celiyo.

Somaliland: Xisbiga WADDANI Oo Canbaareeyay Xukunka Lagu Riday General Jaamac Doollaal Farriina U Diray Madaxweynaha

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay Xoghayaha Cadaaladda ee WADDANI, dhawaaqa Boqor Cismaan Buurmadaw ee sii deynta General Doollaal, wuxuuna  sheegay in Boqor Buurmadow uu yahay Nin ku suntan Nabadda Somaliland,  sidaa awgeed aannu ahayn Nin lala xidhiidhiyo, amma lagu xanto belaayo abuur dhawaaqa hadalkiisuna uu la xidhiidhay in lasoo daayo General Doollaal,  sidaa ayuu yidhi, Yoonis Axmed Yoonis.

 

Araweelo News Network

info@araweelonews.com