Araweelo News Network

trump1
Washington (ANN)- Mr. Donald John Trump oo Madaxweynaha 45aad ee waddanka Mareykanka loo doortay maalintii Salaasada, waxa uu ku dhashay magaalada New York, 14 June 1946-kii. Waa ilmihii afraad ee aabbihii Fred Trump oo ahaa hantiille ka ganacsan jiray guryaha.
Inkastoo qoyskiisu hanti lahaayeen, lagana la filayay inuu ka shaqeeyo shaqooyinka ugu hooseeya ee shirkadda aabihii, laakiin waxa isagoo 13 jir ah loo diray kulliyad ciidan, kaddib markii uu si xun u dhaqmay, waxbarashadana ka saaqiday.
Madaxweyne Trump, waxa uu waxbarasho ku qaatay dugsiga Wharton School ee Jaamacadda Pennsylvania, taasoo keentay in aabbihii u noqdo shaqsi la dhacsan oo u arkayey inuu isaga ka beddeli doona maamulka ganacsigooda, maadama uu walaalkiisa ka weyn oo lagu magacaabi jiray Fred oo doortay inuu noqdo duuliye diyaaradeed.
Walaalkii Fred Trump waxa uu isagoo 43 jir ah u dhintay cudurro ka dhashay cabbista khamriga oo uu aad ugu ba’naa, taasoo keentay in Trump noloshiisa oo dhan ka fogaado cabbista khamriga iyo sigaarka.
Sidoo kale, Trump waxa uu sheegay inuu ku bilaabay ganacsiga guryaha dayn lacageed aad u yar oo uu aabbihii ka amaahday, ka hor intii aannu ku biirin shirkadda qoyskooda. Wuxuu ka caawiyey aabbihii mashaaruiic ballaadhan oo guryo lagaga dhisay degmooyinka magaalada New York, isagoo markii dambe la wareegay maamulka shirkaddii aabbihii Fred sannadkii 1971-kii, kadibna waxa uu ka beddelay magacii hore, waxaannu ka dhigay Trump Organization.
Aabbihii waxa uu isagoo 93 jir ah dhintay 1999-kii. “Aabbahay aad ayuu iigu dhiirrigeliyay ganacsiga,” ayuu yidhi Donald Trump oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Mareykanka, kaddib markii uu tartan adag kaga guuleystay haweenayda la baratamaysay ee Hillary Clinton oo dad badan u saadaalinayeen inay iyadu hanan doonto kursiga Aqalka Cad.
MAALQABEEN:
Mr. Trump waxa uu ganacsigii qoyskooda ee dhismaha guryaha degmooyinka Brooklyn iyo Queens u rogay mashaariicda Manhattan, isagoo dhisay hudheelka ugu weyn Maraykanka ee Grand Hyatt, sidoo kalena wuxuu waddada shanaad ee New York ka qotomiyey dhismaha ugu caansan magaaladaas. Waxa kaloo uu dhisay dhismayaal kale caan ah oo ay ka mid yihiin Trump Place, Trump World Tower, Trump International Hotel and Tower iyo waliba kuwa kale oo badan.
Waxa kaloo uu magaalooyinka Mumbai ee dalka Hindiya, Istanbul oo Turkey ah iyo Philippines ka sameeyey dhismayaal ganacsi caana oo lagu magacaabo Trump Towers.
Sidoo kale, Trump waxa uu dhisay hudheello waaweyn iyo goobaha lagu khammaaro ee loo yaqaan Casinos, waxase afar jeer uu diiwaangaliyey inuu khasaaray dhanka ganacsiga, balse aanay taasi ahayn musallaf shaqsi ah.
Waxa uu aasaasay barnaamijyo ganacsi oo warbaahineed sanadihii 1996 ilaa 2015, wuxuuna noqday mulkiilaha masraxiyadda Miss Universe, Miss USA, & Miss Teen USA Beauty Pageants oo ah bandhig lagu caleemo saaro gabadha ku guulaysata quruxda dalka Maraykanka sannad kasta.
Sannadkii 2003-kii waxa uu ka bilaabay telefishinka NBC barnaamij tartan ah oo loo galayo shaqo maamul oo laga qabanayo shirkadda Trump. Barnaamijkaas oo uu daadihiye ka ahaa 14 goor wuxuu sheegtay inuu uga baxay dhaqaale aan shaaca laga qaadin oo gaadhaya $213 milyan oo doolar intii barnaamijkiisu socday.
Waxa shaqsiyaddiisa iyo ganacsigiisa laga qoray buugag fara badan. Waxa kale oo jira waxyaabo ganacsi ahaan magaciisa loogu iibiyo; ka bilow garafaati ilaa quraaradaha biyaha.
Sida wargeyska Forbes daabacay hantida Trump waxa lagu qiyaasay $3.7 bilyan oo doolar, laakiin isagu wuxuu ku adkeysanayaa in hantidiisu ku qiimaynsan tahay $10 bilyan doolar oo keliya.
NOLOSHII GUURKIISA:
Donald Trump waxa uu guursaday saddex dumar ah, kuwaas oo ay ugu caansanayd gabadh ciyaaraha fudud ciyaari jirtay, sidoo kalena dharka xayeysiisa oo la odhan jiray Ivana, waxayna isku dhaleen saddex carruur ah oo la kala yidhaa; Donald Jr, Ivanka iyo Eric ka hor intii aanay diiwangashan furriin sannadkii 1990-kii, waxaanay isla gaadheen in maxkamadda la iska dacweeyo, taas oo soo jiidatay saxaafadda Maraykanka ee ka faallooda arrimaha gaarka ee dadka caanka ah.
Sheekooyinka laga qoray furriinkaas waxa ka mid ah eedeymo Trump loogu jeediyey inuu si xun ula dhaqmay xaaskiisii Ivana, inkastoo markii dambe sheekada waxogaa la qaboojiyey.
Mr. Trump waxa uu guursaday sannadkii 1993-kii Marla Maples oo ay isu dhaleen gabadh lagu magacaabo Tiffany, laakiin waxay kala tageen 1999-kii.
Haweenayda saddexaad oo ah xaaskiisa hadda Melania Knauss waxa uu guursaday sannadkii 2005, waxayna u dhashay wiil keliya oo la yidhaa Barron William Trump.
Carruurta dumarka ay kala tageen u dhaleen waxay aabbahooda haatan Madaxweynaha Maraykanka noqday ka caawiyaan socodsiinta hawlaha ganacsiga ee shirkadda Trump Organization, inkastoo uu weli yahay madaxa shirkadda.
MUSHARRAXNIMADIISII:
Mr. Donald Trump waxa uu hankiisa murrashaxnimada Madaxweynaha Maraykanka ee uu ku guulaystay ku dhawaaqay ishaaray horraantii 1987-kii, wuxuuna si rasmi ah isu sharraxay sannadkii 2000, isagoo metelayey xisbiga Reform Party.
Kaddib sannadkii 2008 ayuu noqday dadka sida weyn u aaminsan in aannu madaxweynaha haatan xilka ka degaya ee Barack Obama ku dhalan gudaha waddanka Maraykanka, waxana dhaqaqaaqyada arrintaas ka dhashay su’aalo badan oo mugdi geliyey goobta dhalashada Madaxweynaha uu xafiiska kala wareegi doono, laakiin sheekooyinkaasi waxay daciifeen markii la xaqiijiyey in Obama ku dhashay Gobolka Hawaii.
Sidaa darteed, Trump ayaa ugu dambeyn waxba kuma jiraan ka dhigay eedaymihiisii la xidhiidhay goobta dhalashada Madaxweyne Obama intii lagu jiray ololihii doorashada madaxtinimada ee uu ku guulaystay maalintii Salaasada, laakiin ilaa hadda si guud raalligalin ugama bixin arrintaas.
Mr. Trump si cad ah uguma dhawaaqin inuu u tartamayo madaxtinimada Aqalka Cad ee dalka Maraykanka looga taliyo ka hor bishii June ee 2015.
“Waxaynu u baahan-nahay qof si rasmi ah oo dalkan kor u qaada, dibna uga dhiga waddan weyn,” ayuu ku yidhi Trump khudbaddiisii ugu horreysay ee uu ku shaacinayey inuu isu taagayo doorashada madaxweynimada, waxaannu waqtigaas ballanqaaday in musharraxnimadiisa aannu uga baahnayn dhaqaale loogu ururiyo, isagoo ku dooday in aanay jirin dano gaara oo uu madaxtinimada Maraykanka ka leeyahay, isla markaana uu yahay musharrax siyaasadda dibad joog ka ah.
Hal-ku-dhegga uu caanka ku yahay ee uu ololihii doorashada ku galay waa; “Ameerika dib u weynee,” wuxuuna xilliyo kala duwan jeediyey hadallo iska soo horjeeda oo ku dhisan ballanqaadyo ah in lagu xoojinayo dhaqaalaha Ameerika, inuu ka dhisi doono darbi xuduudda Mareykanku la leeyahay dalka Mexico, sidoo kalena uu muddo cayiman joojin doono dadka Muslimiimta ee tegaya Mareykanka ilaa wakiillada waddankiisu xaqiijin karaan sida wax u socdaan.
Inkastoo ay dhaceen dibadbaxyo iyo kulamo waaweyn oo lagaga soo horjeeday olalihiisa oo ay saameeyeen musharraxiintii kula dhex tartamayey Xisbiga Jamhuuriga sida Ted Cruz iyo Marco Rubio, waxa uu Trump noqday musharraxa rasmiga ee Jamhuuriga.
GUUSHII DOORASHADA:
Ololihii doorashada Trump waxa si weyn ula degay dood iyo fadeexado ay ugu dambeysay cajalad laga duubay sanandkii 2005 isagoo hadallo anshax-darro ah kula kacay haweenka, waxaanay taasi keentay in xataa qaar ka mid ah xubnaha xisbigiisa ku tilmaameen nin aan qalmin xafiiska Aqalka Cad ee Maraykanka laga xukumo.
Hase ahaatee, waxa uu u sheegayay taageerayaashiisa inuu hareer mari doono saadaasha doorashooyinka Maraykanka oo badankoodu si weyn u muujinayey in Hillacry Clinton ku guulaysanayo codbixinta doorashada Madaxweynaha.
Waxa kaloo dhiirrigalinta guusha Trump aad u caawiyey ololihii dalka UK kaga baxay Midowga Yurub.
In Donald Trump noqdo Madaxweynaha Maraykanka waxay ka dhigan tahay wax aanay saadaal sax ah ku bixin dadka odorosayey cidda guulaysan doonta, inkastoo ololihiisu helay taageero xooggan oo ka dhalatay eedeymihii dhanka emaillada ee soo wajahay haweenayda loollan culus kula jirtay ee Hillary Clinton maalmihii ugu dambeeyey ee ololaha doorashada.
Donland Trump oo noqday madaxweynihii 45-aad ee dalka Mareykanka, weligii kama soo shaqayn xafiis dawladeed amma ciidan, waxaanay taasi ka dhigan tahay inuu mar hore taariikh dhigay ka hor inta aan loo dhaarin xilka bisha January ee sannadka 2017.