Araweelo News Network

cudurada1Hoggaamiyayaasha caalamka ayaa toddobaadkan isugu iman doona shir markii ugu horraysay lagaga hadli doono dawooyinka lagu daweeyo cudurrada qaaxada, jabtida iyo kuwa kale ee bakteeriyadu keento oo laga cabsi qabo in dawadu waxba ka tari waydo.
Kulankan Qarammada Midoobay qaban doonto Arbacada waxa lagaga hadli doonaa wax tar la’aanta dawada bakteeriyada amma Antibiotics. Waxa arrintan timi kadib markii cabsi laga muujiyey in xannuunnada E.coli, Qaaxada (tuberculosis), Jabtida (Gonorrhea) iyo cudurrada kale ee bakteeriyadu sababto laga cabsaday in ay dhawaan noqdaan kuwo la dawayn kari waayo.
Khubaradu waxay sheegeen in arrintani keenidoonto cawaaqib ka fog caafimaad darro oo ay gaadhi doonto in dhaqaalaha adduunka iyo ammaanuba waxyeelo soo gaadho.
Dhukumanti qaybo ah oo la hordhigi doono dawladaha isugu imanaya shirka waxa lagu eegi doonaa sidii ay u ballanqaadi lahaayeen xakamaynta dawooyinka awoodda daran iyo waliba in wacygelin lagu dhaqaaqo si dhibaatada looga hortago. Waxa kaloo ku jira in cilmi-baadhis qoto dheer lagu sameeyo dawooyin kale sidii loo heli lahaa.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabislan Qarammada Midoobay ee WHO, ayaa rajaynaysa in kulankan uu soo jiidan doono dunida, laguna heli doono lacag lagula tacaallo dhibaatadan caafimaad-darro ee baaxadda leh.
“Waxa aan waayey awoodda lagu daawayn lahaa caabuqyada. Ma aha oo kaliya in khatartu tahay dhimashada sii badanaysa, balse awooddaydii ahayd in bukaanka la daweeyo meesha way ka baxday. Waxa kaloo ay khatar ku tahay awooddayada ah in cunto fiican la beero.” Sidaa waxa yidhi Keiji Fukuda oo ah sarkaal sare oo ka tirsan WHO, isla markaana ah madaxa ka-hortagga cudurrada cudursiydayaashu sababaan (Anti-microbial Resistance) oo la hadlay wakaaladda AFP.
Geesta kale, cilmi-baadhis Ingiriiska laga soo saaray dhawaan ayaa lagu ogaaday in kiniinada lagaga hortago bakteeriyada amma lagu caabbiyo (Sper-Resistant Backteria) ay sabab u noqon doonaan dhimashada 10 milyan oo qof caalamka sannad kasta marka la gaadho 2050, taasoo la mid ah tirada sannadkii u dhinta cudurka kansarka noocyadiisa kala geddisan.
Waqtigan waxa u dhinta xannuunnadan bakteeriyada 700,000 qof, kuwaasoo ay ku jiraan 23,000 ku nool dalka Maraykanka, laakiin waxa ay saraakiisha Qarammada Midoobay sheegeen in dhimashadu tahay uun sadaalin, maadaama ay jiraan dalal aan xog rasmi ah laga hayn.