Araweelo News Network

IMG_20160511_222615Hargeysa(ANN)Wasiirka Cadaaladda Somaliland Axmed Cadare, ayaa xadhiga ka jaray xarunta Bushraa Optical Center oo ah Xarun Cusub Oo Indhaha Ah oo laga furay Badhtamaha magaalada Hargeysa.

IMG_20160511_223403

IMG_20160511_223326

IMG_20160511_223242
Munaasibad kooban oo lagu qabtay galabta dhismaha laga furay xarunta indhaha iyo muraayadaha ee Hargeysa oo lagu magcaabo Bushraa Optical Center, taas oo ku taal dhimaha Ilama Cabdi Jaamac ee wadada togdheer.
IMG_20160511_222615

IMG_20160511_223148

IMG_20160511_223411

IMG_20160511_223302
Axmed Cadare oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaa, wuxuu sheegay in uu aqoon u leeyahay Dr. Cabdisalaan Shine oo ah dhakhtar ku takhakhusay indhaha, isla markaana uu hubo inuu bulshada u shaqaynayo, wuxuuna ku amaanay furitaanka Xarunta Cusub Oo Indhaha Ah oo uu sheegay in baahi weyn loo qabay.
Dr. Cabdisalaan sh cabdiraxmaan Cismaan (Dr. Shiine) ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu dalkiisa ka furo xaruntan, isagoo ah dhakhtar ku takhakhusay indhaha, isla markaana ay ka hawlgelayaan isaga iyo dhakhaatiir ajaanib ah, wuxuuna xusay in ujeedada xarunta Bushraa Optical Center aanay ahayn mid dhaqaale ka doonaysa bulshada, balse ujeedadeedu tahay inay dadka u adeegaan
IMG_20160511_223148

IMG_20160511_223326