Araweelo News Network

DaayeerkaNoocii ugu horreeyey ee cudur-dhaliyaha HIV (Ancestor of HIV) oo ah fayraska sababa cudurka AIDS-ka, ayaa daraasad sheegtay in bani’aadamku ka qaadeen qaniinyada daayeer ay ugaadhsadeen, kaasoo dhiiggiisu taabtay dhaawaca qofkii koowaad ee qaaday.
Khubaro arrintan baadhitaan ku sameeyey ayaa aaminsan in bani’aadamku ay qaadeen fayraska HIV ee sababa AIDS-ka qiyaastii waqti hadda laga joogo ilaa 116 sanno ka hor (1900s), gaar ahaan dadka ku dhaqnaa kaymaha woqooyiga qaaradda Afrika.
Daraasaddan cusub waxa ay ayidday aragtidaas, iyadoo caddaysay in HIV ay kala qaadi karaan daayeerka iyo bani’aaadamku.
Waxa ay sheegtay in qof ugaadhsade ah amma mid hilibka xayawaanka ka ganacsada oo kaymaha ku noolaa uu qaaday fayraskii ugu horreeyey oo la yidhaa SIV (Simian Immunodeficiency Virus). Fayraskan amma cudur-dhaliyahan waa nooc daanyeerku qaado oo la mid ah HIV-ga, kaasoo khubarada baadhay u aqoonsadeen inuu yahay isha cudur-dhaliyaha HIV uu ka soo unkamay.
Daraasadan cusub waxa ay sheegtay in Cudur-dhaliyaha Dayeerka ee SIV ee la midka ah HIV ay qaadi karaan bani’aadamku, waxaanay shaybaadhkii ugu horreeyey ee ay ku sameeyaan ku ogaadeen in danyeerku fayraskan qaadsiin karo unugyada dadka.
“Su’aashu waxay tahay in cudur-dhaliyaha SIV oo aan bani’aadamka laga helin uu awood u leeyahay inuu sababo HIV oo dadku qaadaan. Jawaabtu waxay noqotay waa dhab oo qofka wuu qaadi karaa HIV-ga wuu isu beddelayaa markuu jidhka amma unugyada bani’aadamku qaadaan,” ayuu yidhi Prof. Qingsheng Li oo ka mid ah cilmi-baadhayaasha daraasadan sameeyey.
Cilmi-badhayaashan waxa ay doonaayeen in ay fahmaan sababta bin’aadamku ay u qadaan amma isaga difaaci kari wayeen HIV ee ay isaga difacaan fayrasyada kale, waxanaay sheegeen in cudur-dhaliyaha HIV loo kala qaybiyo afar kooxood oo kala ah M, N, O iyo P.
Kooxda ‘M’ la yidhaa waa ta keentay in AIDS fido amma dadka kale u gudbo. Waxa qaaday nooca 40 milyan oo adduunka ku nool, inta badana qaaradda Afrika ayuu ku fiday iyo waliba adduunyada inteeda kale, halka kooxaha ‘N’ iyo ‘P’ yihiin qaar ka khatar badan, balse laga helo dad aad u tiro yar oo ku nool dalka Kamaruun (Cameroon).
Dhanka kale, kooxda ‘O’ in kastoo aanay aad u fidin, waxa ay la mid tahay kooxda ‘M’ dadku si fudud bay ugu fiddaa, waxana qaba 100,000 qof oo galbeedka badhtamaha Afrika ku dhaqan.