Araweelo News Network


Haddii aan hurdo hore kuu qaban habeenkii oo aad soo jeedo inta badan, waxa sababtaa loo aaneeyaa hidde-sidayaashaada (Genes). Cilmi-baadhis cusub ayaa lagu ogaaday in dhecaanka DNA oo isbeddel (Mutation) ku dhacaa uu keeno in qofku habeenkii soo jeedo.
Saynisyahannada cilmi-baadhistan sameeyey ayaa sheegay in dadku ku kala duwan yihiin hidde-sidayaasha (Gene) la xidhiidha in qofku caadaysto inuu habeenkii soo jeedo amma xilli dambe seexdo.
Dhakhaatiirtan oo Maraykan ah waxa ay qiyaaseen in inta u dhexaysa 50 milyan ilaa 70 milyan dadka waaweyn ee dalkooda uu ku dhaco xannuun xilli hore seexiya amma hurdada ka qaada.
Hase ahaatee, waxa jira dad loo yaqaan Guumaysta “Owl,” kuwaas oo laga helay hidde-side sababa in ay xilli dambe seexdaa (Delayed Sleep phase Disorder). Dadkan ayaa 24kii saacadood inta badan soo jeeda, iyagoo hurdada ka qaada caajis badan.
Dadka xaaladdan ku sugan waxa ay soo jeedaan waqti dambe oo jidhkoodu xaataa u diyaargaroobay inuu seexdo, balse aakhirka waxay qaadaan xannuunnada maskaxda ku dhaca, halka ugu dambayntana way hawlgabaan.
Xaaladda noocan ah haddii aan laga hortagin waxa ay aakhirka keentaa xannuuno halisa sida macaanka, buurnida iyo isku-buuqa.
Cilmi-baadhistan oo ay samaysay Jaamacadda Rockefeller University oo ku taal magaalada New York ee dalka Maraykanka, ayaa dad ay baadhaayeen oo xaaladan la soo daristay ku tijaabiyey muddo laba toddobaad ah inay joogaan qol ay shaybaadh ahaan u isticmaalaayeen, iyadoo laga qariyey dhammaan wixii ay waqtiga ku garan lahaayeen, cuntada iyo hurdaba.
Kadib cilmi-baadhayaashu waxa ay maqaarkooda ka qaadeen unugyo, markii ay baadheen dhecaanka DNA ee dadkan waxa ay ogaadeen amma ka heleen hidde-side (Gene) dhalan-rogan oo ay u bixiyeen CRYI, kaasoo sababa in ay si fiican u seexan waayaan amma soo jeedoodu badnaado.
Waxa jirta xaalad jidh ahaaneed oo qofka u oggolaata amma u tilmaanta inuu hurdo fiican seexdo (Circadian Clock), isla markaana toosisa marka uu diyaar u noqdo inuu tooso.
‘Dheecaanka uu soo saaro qanjidhka Pineal Gland ee keena u noqda inuu qofku seexdo ee la yidhaa Melatonin amma N-acelevels waxa uu bilaabaa in jidhku hurdo dareemo 9 amma 10 habeennimo dadka badankooda, balse dadka xaalada hurdo la’aan ku dhacdo sidan maaha oo waxa uu yimaada labada amma saddexda habeennimo,” ayuu yidhi Dr. Michael Young oo ah Madaxa Shaybaadhka Jaamacadda Rockefeller.