Araweelo News Network

A picture taken on March 17, 2017, shows bodies of people who were killed in a boat carrying Somali refugees arriving at Yemen’s western port city of Hudaydah. (Photo by AFP)

Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah uga dalbatay dawladda Yemen inay u caddayso cidda masuulka ka ahayd gantaalkii lagu dhuftay doon maraysay xeebta degaanka Xudayda ee dalkeeda 16 March 2017, halkaasoo ay ku dhinteen dad aad u badan oo Soomaali ah oo ay ku jiraan 21 muwaaddiniin reer Somaliland ah, kuna dhaawacmeen 10 kale
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse) oo hadal ka jeediyey kulan masuuliyiinta sare ee wasaaraddiisu saxaafadda kula yeesheen hudheelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa , ayaa caddeeyey inay warqad rasmi ah u direen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen taariikhdu markay ahayd 20 March 2017, kana dalbadeen in meel la saaro masuuliyadda muwaaddiniinta sida arxan-darrada ah loogu dilay xeebaha dalkooda.
“Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire waxa uu warqad u qoray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Yemen oo aannu ka dalbannay inuu noo soo xaqiijiyo cidda masuulka ka ah dhagartaas foosha xun ee dadka safrayey ee reer Somaliland ah, Soomaalida kalena ku jirtay si aannu u ogaanno ciddii masuuliyadeeda lahayd,” ayuu yidhi Mr. Keyse.
Waxa uu intaas ku daray, “Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa ay guntiga dhiisha isaga dhigaysaa inay ka shaqayso wax kasta oo lala qaban karayo waalidiinta muwaaddiniinta lagu dilay Yemen, una soo ogaato wixii ka dambeeyey dadkaas la laayey, taasna waannu samaynay, jawaabna waannu ka sugaynaa.”
Sidoo kale, Wasiir-ku-xigeenku waxa uu tilmaamay in aan ilaa hadda la aasin dadka ku geeriyooday weerarka lagu qaaday dadka la socday doonta oo ay weli ku jiraan tallaagado lagu hayo, taasoo uu xusay inay sabab u tahay baadhitaan dawladda Yemen samaynayso.
“Hal waalid ayaa nala soo xidhiidhay oo sheegay in aannu u adkaysan karin in meydka ilmihiisu tallaagad ku jiro, wuxuuna codsaday in loo aaso, laakiin waalidiinta kale wax jawaab amma xidhiidh ah kama hayno, markaa waxaannu doonaynaa in aannu u sheegno waalidiinta in aannu u samaynay xoghayaha gaarka ah ee Safaaradda Yemen Mr. Maxamed Maxamuud Maxamed Diiriye oo hadda jooga Hargeysa, telefoonkiisuna yahay 063-4118093 inay la soo xidhiidhaan waalidiintu si aannu uga wada shaqayno haddii la aasayo dadka maydka ah iyo haddii aannu kala hawlgalayno sidii loo raadin lahaa wixii mag-dhaw ah, annaga oo diyaarinay, lana kaashanayna sharciyaqaanno, hay’adda UNHCR iyo IOM in aannu raadinno ciddii ka dambaysay dhimashada iyo dhaawac loo gaystay dadkaas, isla markaanna aannu kala hawlgalno wixii mag-dhaw ah amma mag ah ee ay heli karaan.”
“Waxa aannu xannuunka la qaybsanay waalidiintii carruurtooda ay gacanta ka xaqa daran ku dishay Yemen. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo safaaradda Somaliland ee Yemen oo aannu la kaashannay shaqaalaha safaaradda iyo saaxiibbada Somaliland ku leedahay Yemen, waxaanuna ku hawlanayn in aannu soo gebagebayno liiska magacyada dhimashada iyo dhaawacyada reer Somaliland. Marka aannu intaas xaqiijinno waxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ka hawlgelysaa wixii laga yeelayey dadkaas dhintay iyo kuwa dhaawacmay ee gacanta ka xaqa daran dishay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa u suurtogashay oo safiirkeenna Yemen iyo shaqaalihiisuna gacan weyn naga siiyeen in aannu xaqiijinnay in dadka reer Somaliland ee masiibadaas ku dhintay ay yihiin 21 qof, dhaawacuna yahay 10 qof, halka ay jiraan dad kale oo aan wax dhibaato ah soo gaadhin oo la hayo,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.