Araweelo News Network
xanjacunida
Inta badan carruurnimada waxa waalidku ubadkooda ka waaniyaan in aanay xanjada liqin si aanay hab-dhiska dheef-shiidka ugu jirin muddo toddoba sanno ah, halka Soomaaliduna u sheegto carruurtooda in xanjadu ka dhex baxayso oo geed noqonayso, balse saynisyahanno u dhashay dalka Maraykanka, ayaa sheegay in arrintan khurfaad tahay oo aan xanjadu wax dhibaato ah ku lahayn hab-dhiska dheef-shiidka ee caloosha ka dhaca amma cuntada lagu burburiyo.
Inta badan waxa lagu doodaa in xanjadu ay aad u adag tahay in la dheef-shiido, dhibna ay ku keento uur-ku-jirta, sida cuntooyin badan oo kale, balse mac-hadka The American Chemical Society oo tusaale toos ah ku sameeyey, si joogta ahna u baadhay dad xanjo calaashaday ayaa ogaaday in arrintaas aanay waxba ka jirin.
Qofku marka uu wax cuno waxa ay maraan saddex marxaladood. Qaybta koowaad waa habka burburinta cuntada amma calaalinta ah (mechanical phase) oo ilkaha la adeegsado amma muruqyada lagu riixo cuntada si caloosha loo geeyo, halka wejiga labaadna yahay wejiga dheecaannada (enzymes or Biological Cataylzts), kaasoo dedejiya in hab-dhiska kiimikaad ee cuntada lagu burburinayo dhaco, inta badana ay ka mid yihiin candhuufta, dheecaanada caloosha iyo mindhicirada, sidaasna cuntada lagu daqiijiyo. Kadib, waxa loo gudbaa habka kiimikaad oo aysiidha caloosha (hydrochloric acid and salt) iyo milixdu cuntada sii burburiyaan si hab-dhiska dheef-shiidku dhammays u noqdo, waxaanay cuntada burburiyaa habka saddexaad ee kiimikada ah, maadaama dheecaannadu aanay awood u lahayn ay wixii balastig ah amma adag burburiyaan, sida khubaradan ku doodayso, kuna muujiyeen muuqaal ay daraasadoodan ka diyaariyeen.