Araweelo News Network

Ninyamani ah
Shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook, ayaa ka mid noqotay meelaha laga caawiyo dadka tabaalaysan, isbeddelka bulsho laga sameeyo, aragtida dhallinyaradana lagu jiheeyo si ay dariiqa toosan ugu dhacaan.
Haddaba, nin magaciisu yahay Saliim Cumar Baras oo u dhashay dalka Yemen, ayaa caan ku noqday inuu baraha bulshada (social media) dhaqaale uga ururiyo dadka tabaalaysan ee ku nool dalkiisa.
Dadka ninkan caawiyey waxa ka mid ah Imam Ibrahim oo hooyadii iyo hablahoodu u qaxeen dhinaca Soomaaliya markii dagaalku ka bilaabmay Yemen.
“Maalin baan la xidhiidhay nin aan isku fasal ahayn, waxaannu ii sheegay in Salim Omer Baras uu caan ku yahay inuu baraha bulshada ka caawiyo dadka, gaar ahaan dadka u yimaad, kadibna waan la xidhiidhay,” ayuu yidhi Imam Ibrahim.
Ninkan waxa uu aad caan uga noqday magaalada Mukalla, isagoo barta Facebook kummanaan kun oo dollar uga ururiya dadka tabaalaysan ee saboolnimada, xannuunka iyo xaaladaha adag la soo darsaan, dad badana ku guulaystay in xannuunadooda wax laga qabto oo ay qalliino galaan, waxaannu aakhirkii uga sii gudbay magaalooyinka la jaarka ah Gobolkiisa.
Ninkan oo 42 jir ah, waxa uu Aljazeera u sheegay inuu ururiyey lacag ka badan $100 kun oo doollar oo sadaqo ah ilaa sannadkii 2011-kii, iyadoo sidoo kale Imam Ibraahim caddeeyey inuu ninkan u ururiyey lacag dhan $2,310 doollar oo ay Soomaaliya kaga soo noqon karaan qoyskiisu, kuna iman karaan Yemen, kadib markii dalabkaas uu Facebook ku baahiyey, waxa la soo xidhiidhay shirkad gaar loo leeyahay oo lacagtaas bixisay.
Waxa kale oo uu asxaabtiisa Facebook ka socday inuu caawiyo qoyskan dhibaataysay, iyadoo lagu caawiyey lacag dhan kun doollar.
“Maan aaminin oo indhahayga ilmo ka soo baxday markii uu ii sheegay Baras in lacagtii qoyskayaga loogu wareejiyey Soomaaliya, aad baan u faraxday,” ayuu yidhi Imam.
Mr. Baras oo ka shaqeeya maktabad buuggaagta dugsiyada sare lagu kaydiyo oo ku taal magaalada Mukalla ee dalka Yemen, ayaa bilaabay inuu baraha bulshada (social media) lacag ka ururiyo sannadkii 2011-ka, waxaanay ahayd gargaarkii ugu horreeyey ee uu cid u fidiyaa qoys dan yar ah oo ku jira qol aan daaqado iyo albaabo toona lahayn, kadibna waxa uu isticmaalay Facebook, kuna guulaystay inuu qoyskaas u soo helo 35,000 riyaalka Yemen ah ($140) u dhiganta, kaasoo albaabka iyo daaqadaba loogu hagaajiyey.
Ogow oo haddii aad facebook cid ka caydo, hadda dunidu way is beddeshay oo waxa laga fidiyaa gargaar bina’aadaminimo, hadda la soco oo hay’adaha gargaarku waxay hadda u biyo shubteen in ay baraha bulshada lacagta ka ururiyaan. Waxa dal dhan lagu ridi karaa, laguna dhisi karaa aragti Facebook aad ku soo qorto, ha fududaysan ee hadda iska beddel haddii aad hore wax aan habboonayn ku isticmaali jiray akawnkaaga facebook, Twitter, Whatapp amma baraha kale ee bulshada.