Araweelo News Network

khabiir1Hargeysa (ANN)La-taliyaha Xoghayaha Guud ee Xidhiidhka Kubbadda Kolleyga Adduunka ee FIBA Mr. Lubomir Kotleba, ayaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland ku yimi safar shaqo ujeeddadiisu tahay qiimeyn iyo xaqiiqo-raadis uu ku sameyn doono ciyaaraha kubadda kolleyga ee Somaliland.
Khabiirkan oo muddo dheer ku dhex jiray ciyaarta kolayga oo madaarka caalamiga ah ee Hargeysa ka soo degay maalintii Jimcaha, waxa uu kormeer ku maray garoomada lagu ciyaaro kubbadda koleyga ee caasimadda Hargeysa, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay safarkiisa Somaliland, waxaannu u mahadnaqay masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Kubbadda Koleyga Somaliland oo dalka ku soo dhaweeyay, sidoo kalena warbixino dheeraad ah ka siiyay ciyaaraha koleygu halka ay hadda marayaan.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa khabiirkan ka socda Xidhiidhka Kubbadda Kollyga Adduunka Mr. Lubomir Kotleba ku qaabilay xafiiskiisa qasriga madaxtooyada, iyadoo ay wehelinayeen masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Ciyaraaha.
La-taliyaha Xoghayaha Guud ee Xidhiidhka Kubbadda Kollyga Adduunka Mr. Lubomir Kotleba oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in socdaalkiisu salka ku hayo u kuur-gelida xaaladda kubbadda koleyga, isla markaana uu xidhiidhkooda gaadhsiin doono waxyaabaha uu ku arkay Somaliland.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan imaad dalka Somaliland oo aan u kuur-galo xaaladda ciyaarah, gaar ahaan kubbadda koleyga oo metalaya xidhiidhka kubbadda koleyga adduunka FIBA. Sidoo kale waxaan idiinka mahadcelinaya sida quruxda badan ee aad ii soo dhaweyseen. Waxaan u gudbin doonaa FIBA (The International Basketball Federation) wixii aan ku soo arkay Somaliland ee ku saabsan kubbadda koleyga, waxaanan idiinka gaadhsiin doonaa farriintiina ku aadan baahiyaha iyo caqabadaha idinkaga gudban horumarka koleyga,” ayuu yidhi khabiirka FIBA.
Masuuliyiinta Wsaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaradda, ayaa sheegay in socdaalka masuulkan ku yimid dalka uu gogosha u xaadhi doono xaqa ay Somaliland leedahay dhinaca ciyaaraha iyo in la dhiso xirfadda tababareyaasha iyo ciyaartoyga Kubbadda koleyga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
“Waa markii ugu horeysay ee xubin ka socota ururada caalamka ee ciyaaraha uu dalkeenna cagaha soo dhigo, markaas ka wasaarad ahaan iyo ka qaran ahaanba aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay imaansha hiisa, waanan soo dhaweynaynaa, isaguna sida uu noo ballanqaaday wuxuu doonayaa inuu sameeyo xog-ururin ku saabsan sida uu Somaliland uga heli lahaa sawirka dhabta ah ee ka jira, heerka uu gaadhsiisan yahay ciyaaraheedu, annaguna wasaarad ahaan waanu uga waranay taariikhda dalkan u leeyahay iyo hibbada dhallinyaradiisu ay u lahaayeen inay soo bandhigaan kartidaa kubbadda koleyga.” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabbeeye).
Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Cabdillaahi Faarax Maydhane, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan diyaar u yihiin sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha kala duwan ee dalka, meelka kastana ay u marayaan sidii ay u heli lahaayeen xaqa Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay dhinaca ciyaaraha.
“Ninka khabiirka ah ciyaaraha ayuun buu nagala hadlayey, gaar ahaan kubbadda koleyga. Garoomadda koleyga ee wiilasha iyo gabdhuhu ku ciyaaraan waanu soo tusnay, si fiicanna wuu ugu bogay farsmadda iyo qaab ciyaareedka ciyaartoydii uu kula kulmay halkaas. Annagu tusaale ahaan in aanu diyaar u nahay ayaanu tusaynay inaanu u taaganahay ka wasaarad ahaan, meelkasta oo horumarinta ciyaaruhu naga galo annaga oo Somaliland ah inaanu warkayaga ka jeedinno,” ayuu yidhi Maydhane.
Dhinaca kale, sarkaalkan ka socday Xidhiidhka Kubbadda Koleyga caalamka ee FIBA, ayaa kormeeray qaybta dalxiiska ee Wasaaradda Ciyaaraha, halkaasoo ay yaallaan aasaar badan oo qadiimi ah, lagana soo ururiyey goobaha taariikhiga ah ee ku yaal Somaliland.
Taariikhda iyo waayo-aragnimada khabiirka ka socda FIBA:
Mr. Lubomir Kotleba waxa ahaa ciyaartoy kubbadda kolleyga, taariikhiisa ciyaareed oo koobanna waa sidan;
• sannadihii 1960 ilaa 1968, waxa uu ahaa ciyaartoy
• 1968-kii ilaa 1970, waxa uu ahaa tababare
• 1970 ilaa 1975, maamule kooxeed (team manager)
• 1963 ilaa 1975, waxa uu ahaa siidhi-wale heer qaran ah
• 1975 ilaa 1989, waxa uu ahaa siidhi-haye heer caalami ah oo ka tirsan FIBA
• 1972 ilaa 1981, waxa uu ka tirsanaa Golaha Dhexe ee Xidhiidhka Kubbadda Kolayga dalkii la isku odhan jiray Czechoslovakia
• Sannadihii 1986 ilaa sannadkii 2015, wuxuu ahaa Agaasimaha ciyaaraha ee Xidhiidha FIBA)
Waxa kaloo ninkan khabiirka ah dhexdhexaadiyey 4015 ciyaaraha kubbadda kolayga ah oo isugu jira heer qaran iyo heer naadi, isagoo xirfadiisa kubbadda kolayga ku soo bandhigay 57 waddan oo ku kala yaal shanta qaaradood ee adduunka.