Araweelo News Network

soljaHargeysa(ANN)Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ugu baaqay bahda garsoorka in tallaabo laga qaado masuuliyiinta ku tagrifala awoodda dawladda ee ay u hayaan bulshada.
Guddoomiyaha SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray, waxa uu kaga hadlay suxufiyiin ku xidhnaa magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil muddo saddex maalmood ah oo amar maxkamadeed loogu celiyey xorriyaddooda shalay.
“Ururka suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu u mahadnaqayaa bahda Garsoorka, gaar ahaan Maxkamadda Gobolka Saaxil oo maanta xorriyadoodii u soo celisay wariyeyaasha kala ah; Mukhtaar Cabdiraxmaan Maxamuud, Mubaarig Cimsaan Siciid, Axmed Siciid Maxamed iyo Cabdiraxmaan Cige oo Maayarka Degmada Berbera si sharci-darro ah u xidhay.
SOLJA waxay hore u caddaysay falka Maayarku ku xidhay wariyeyaashaasi uu ahaa mid khalad ah, isla markaana kula kacay wax ka baxsan nidaamka sharciyeed ee yaal dalka Somaliland, gaar ahaan uu ka hor yimi xorriyaadka aasaasiga ah ee Dastuurka iyo Xeerka Saxaafaddu-ba u dammaanad qaadeen suxufiyiinta iyo bulshada reer Somaliland oo dhan.
Ururka SOLJA waxa uu aaminsan yahay in ay saxaafaddu gudato waajibaadka dastuuriga ah, bulshadana gaadhsiiyaan wax kasta oo u adeegaya horumarkooda, kana horyimaadaan tallaabo kasta oo dhibaato u horseedi karta qaranka.
Suxufiyiinta Somaliland waxay qayb-libaax ka soo qaateen dhismaha dalka, waxaanay heegan ugu jiraan taabba-galintiisa, sidaas daraadeed marnaba ugama habran doonaan fal kasta oo ka dhan inay masuuliyadda saaran ku joojiyaan gudbinta maslaxadda dalka.
Ururka SOLJA waxa uu soo dhaweynayaa tallaabada Maxkamadda Gobolka Saaxil ku sii daysay wariyayaashadhibta adag kala kulmay muddadii ay u xidhnaayeen amaradii sharci-darada ahaa ee ay ku mutaysteen xadhigga, iyagoo maalmihii ay xidhnaayeen la kulmay xabsi adag.
Waxa Ururka SOLJA uu ugu baaqayaa bahda garsoorka inay tallaabo ka qaadaan masuuliyiinta ku takri-falaysa awooda ay u hayaan bulshada, isla markaana ay ku ciqaabaan, maadaama sharciga loo siman yahay.
Inkasta oo garsoorku tallaabo fiican jideeyey, waxa muuqata in aanay masuuliyiinta qaarkood tixgalinayn sharciga, ururka SOLJA-na waxa uu garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbiyey dacwado ka dhan ah hab-dhaqankaas, waxaanan ku kalsoonahay intay doonto ha qaadatee inaannu u samrayno inta arrintaasi ay ka midho dhalayso,” ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLJA.