Araweelo News Network

Mikhail Fridman

Mikhail Fridman

Moscow(ANN) Ninka ugu taajirsan dalka Ruushka Mr. Mikhail Fridman oo ah Bilyaneer , isla markaana haysta hanti dhan $13.3 bilyan, sida ay sheegtay wargeyska Forbes, ayaa ku dhawaaqay inuu lacagtiisa sadaqo ahaan u bixinayo, ubadkiisana aannu waxba uga tegayn marka uu geeriyoodo. Waxa uu tilmaamay inuu carruurtiisa ka rabo inay tabcadaan xoolo ay leeyihiin.
“Anigu ma jecli in aan saxaafadda caan ka noqdo, balse waxaan odhan karaa in aan lacagtayda u gudbinayo deeq ahaan. Ma qorshayn in aan ubadkayga wax uga tago,” ayuu yidhi Fridman oo ka jawabaayey su’aal ay weydiiyeen Forbes Club.
Waxa uu bilyaneerkan sheegay in lacagta badan lumiso dadka yaryar, noloshoodana khatar badan geliso. Waxa kaloo uu xaqiijiyey in aannu doonayn in ubadkiisu qayb ka noqdo shabakad ganacsi oo uu leeyahay oo la yidhaa Alfa Group Business, waayo waxa uu tibaaxay inuu doonayo in ubadkiisu raacaan darriiqasa oo ay tabcadaan lacag ay leeyihiin.
Waxa kaloo ninkan maalqabeenka ah intaa ku daray in gabadhiisa curad oo lagu magacaabo Laura oo 22 jir ah aanay doonayn inuu ku soo jeediyo indhaha dadka xun oo damca in ay nolol la wadaagaan, maadaama uu dhalay nin lacag leh.
Bilyaneerkan oo leh afar carruur ah oo ilmaha ugu yar 10 jir yahay, ka ugu weyna 22 jir, ayaa jariirada Forbes oo Jamhuuriya soo xigtay sheegtay inuu yahay ninka labaad ee ugu hantida badan dalka Ruushka, waxaannu leeyahay ganacsi silsilad ah oo uu la yidhaa Alfa Group oo ay ka mid yihiin bangiga Alfa Bank, X5 Retail Group oo iibinta alaabta ka ganacsada iyo waliba suuqyo aad u badan, telefishanno iyo meelo badan oo uu maalgashaday oo dunida ah.