Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Faarax Maydhane, ayaa magacaabay Guddida Qabanqaabada doorashada Xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland oo qabsoomi doonta 20 ilaa 21 July 2016, haddii Ilaahay yidhaa.
Qoraal Wasiir Maydhane ku magacaabay guddida qabanqaabada oo faahfaahsan, waxa uu u qornaa sidan:
“Kadib markaan arkay baahida loo qabo doorashada Xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland. Markaan ku qancay aqoonta iyo waayo-arragnimada ay u leeyihiin. Markaan la tashaday cid kasta oo ay khusayso, waxaan gartay in aan u magacaabo guddida qaban-qaabada doorashada Xidhiidhka kubbadda Cagta Somaliland xubnahan hoos ku xusan:
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md. Maxmed Xuseen Axmed (Guddoomiye)
Cabdiraxmaan Aadan Cumar (Awga)- Xoghaye
Maxamed Nuux Jibriil, xubin
Cabdillaahi Khayre Cawaale (Gacal), xubin
Luqmaan Cumar Cabdi, xubin
Iid Jibriil Axmed, xubin
Cumar Cabdi Aadan (Henry), xubin.
Waajibaadkooda shaqo waxay tahay:
Inay isku duba-ridaan dhammaan hawlaha ka horreeya doorashada ee loo baahan yahay.
Inay diyaariyaan shuruudaha murrashaxiinta.
Inay diyaariyaan Dastuurka Xidhiidhka Kubbadda Cagta qoraalkiisa kama dambaysta ah.
Inay hubiyaan dhammaan shuruudaha looga baahan yahay kooxaha heerka 1-aad, 2-aad iyo 3-aadba.
Dhammaan hawlahaasi waa inay diyaariyaan inta ka horreysa doorashada Xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland oo qabsoomi doonta 20-ka iyo 21-ka bisha July/2016 haddii Ilaahay yidhaa. Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu idiin fududeeyo hawshaas baaxadda leh,” ayuu yidhi Wasiirka Ciyaaraha Somaliland.