Wasaaradda Daakhiliga Somaliland oo sheegtay inay Maxkamad la tiigsan doonaan Taliyaha Socdaalka Soomaaliya
Hargeysa (ANN) Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay digniin dawladda Ingiriisku ku siisay muwaadiniinteeda in aanay u safrin meelo ka mid ah Somaliland, taas oo qayb ka ahayd go’aan UK ku calaamadisay dalka Soomaaliya oo uu ku jiro maamul-goboleedka Puntland.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdifataax Siciid Axmed oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa shaaciyey in xukuumadda Somaliland kala hadashay dawladda Ingiriiska digniintaasi ay ku soo dartay gobollo ka mid ah Somaliland, isla markaana masuuliyiinta dawladda UK ballanqaadeen inay wax ka beddelayaan arrintaas.
“Caalamka oo dhan way dhacdaa marmar oo waxa la yidhaa talo-bixin socdaalka ah, website dawladda Ingiriiska waxa iminka ku jira Hargeysa iyo Berbera ee Somaliland, markaa arrintaa maanta ayaanu aniga iyo Wasiirka Daakhiligu kala hadlay Safiir-ku-xigeenka dawladda Ingiriiska (oo booqasho ku yimi Somaliland), waxaanay yidhaahdeen wax baanu ka qabanaynaa bay yidhaahdeen markay maanta tagaan, waxaannuna jecelnahay inay arrintaa ka hawlgalayaan oo weliba website-ka Ingiriiska (shabakadda dawladda) in laga saaro, waana arrin soo socotay oo aannu wadahadal ka lahayn dawladda UK,” ayuu yidhi Agaasimaha Wasaaradda Daakhiliga Somaliland.
Dhinaca kale, Mr. Cabdifataax Siciid waxa uu faahfaahin ka bixiyey go’aamo dhawaan ay ka soo saareen socdaalka dadka ajnebiga ahi ku imanayaan dalka Somaliland, waxaannu yidhi, “Waxa jirtay shuruuc aannu soo saarnay 24-kii bishii hore ee April oo dhigaya in dadka ajnebiga ah ee imanaya Somaliland inay fiise ama dal-ku-gal soo qaataan. Runtii dadka imanaya Somaliland waxaannu u kala saarnay qaybo kala duwan, tusaale ahaan qaybta kowaad waa dadka soo degaya ee aan fiise looga baahnayn waxa ka mid ah; dadka haysta baasaboorka dublamaasiga, baasaboorka Qaramada Midoobay, baasaboorka shaqada qaranka, kuwa haysta baasaboorka hay’adaha caalamiga ah ee ay ka mid yihiin EU, AU, World Bank, IGAD iyo kuwa la midka ah, baasaboorrada dadka imanaya Somaliland ee u socda ganacsi ama maalgashi wada ee dawladdu casuunto iyo kuwa la mid ah uma baahna fiise iyagoo soo maraya Wasaaradda Ganacsiga ama amar ka soo qaadanaya Wasaaradda Daakhiliga.”
“Dadka reer Somaliland ah ee qurba-joogga dibadda ku nool ee sida baasaboorrada ajnebiga ah uma baahna fiise ay dalka ku soo galaan ee waxay ku qaadanayaan markay yimaadaan (on arrival) sidii hore caadiga u ahayd. Waxaannuna ka xunnahay warar lagu sheegay in dadka reer Somaliland ee qurba-joogga ah ayaa fiise looga baahan yahay, arrintaa waa ka raaligalinayaa qurba-joogga, waayo dadkaasi wax badan buu dalka galiyey ha noqoto maalgashi ama shaqo abuurista iyo waxqabad kaloo fara badan,” ayuu intaa raaciyey.
Waxa kalo eedaymo u soo jeediyey Taliyaha Laanta Socdaalka Soomaaliya oo uu sheegay in Somaliland ku maxkamadayn doonto dambiyo bani’aadanimo oo uu ka galay dadkeeda, “Gaafow (Taliyaha Socdaalka Soomaaliya) horta dambi badan buu ka galay Somaliland, markii dagaalkii Siyaad Barre dhacayey qofka Somaliland ka yimi intuu ka qabto Xamar ayuu odhan jiray waxaad ka timi Xarshin ee been baad sheegaysaa, markaa Gaafow dambigii ka galay Somaliland baanu ku qaadi doonaa oo maxkamad baanu la tiigsan doonaa, waa beenaale,” ayuu yidhi Agaasime Cabdifataax Siciid Axmed.
Sidoo kale, Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) oo isna ku wehelinayey shirkaasi jaraa’id Agaasimaha guud, ayaa faahfaahiyey shuruucda socdaalka ee Somaliland samaysay iyo hawlaha waxqabasho ee dadka muhaajiriinta ah ah ee soo gala dalka.
‘Waxa aan Jeclahay in aynu si Wanaagsan Isu Diiwaangelinno si aynu u Helno Doorasho Wanaagsan’