Araweelo News Network

Gudoomye Cirro1Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa
sheegay in dawladda Mareykanku u  xaqiijisay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland tahay mid casri ah oo aan hore looga samayn caalamka.
Guddoomiye Cirro oo saxaafadda la hadlay kadib markii uu kaadhka diiwaangelinta ka qaaday xarunta Khayriyada ee magaalada Hargeysa shalay, waxa uu tilmaamay in diwaangelinta loo adeegsanayo hab casri ah oo Somaliland u saamixi kara inay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah.
“Waxa naloo xaqiijiyey markii aannu tagnay Mareykanka in diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland laga sameynayaa ay tahay mid casri ah oo aan dunida hore looga qaban, markaa waxaan jeclahay in aynu ka faa’iidaysanno waqtiga, si wanaagsanna isu diiwaangelinno si aynu u helno doorasho wanaagsan oo hal cod (one vote), hal qof ah (One Man), oo qofka muwaadinka ah uu leeyahay hal cod oo kaliya ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.

Waxa kaloo uu dadweynaha reer Somaliland ku hambalyeeyey sida fiican ee ay uga qaybqaateen diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isagoo gobollada aan weli laga qaban ee Sanaag iyo Sool ugu baaqay inay si buuxda isu diiwaangeliyaan.
“Waxa aan ku faraxsanahay in aan iska diiwaangeliyey magaalada Hargeysa, gaar ahaan goobta khayriyada oo ah goob taariikhiya oo ku suntan taariikhda Somaliland. Waxa aan shacabka Somaliland ku hambalyeynayaa in ay diiwaangelinta si habboon uga hawlgaleen, ugana qaybgaleen dhammaan gobollada ay ka soo qabsoontay diiwaangelintu oo ay ka mid ahaayeen gobollada Togdheer, Awdal, Saaxil iyo Maroodi-jeex oo ay beri (Jimcaha maanta) ugu dambeyso, waxaanaan ugu baaqayaa gobollada hadhay ee Sanaag iyo Sool-na inay shacabka Somaliland ay si wanaagsan isu diiwaangeliyaan, waxaanan qabaa in diiwaan-gelintu ka mid tahay guulaha taariikhiga ah ee shacabku gaadhay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.