#Araweelo_News_Network

Washington (ANN)- Iran iyo Maraykanka oo yeeshay wadahadalo qarsoodi ah oo ku saabsan weerarrada wakiillada iyo joojinta dagaalka

Diblomaasiyiin ayaa ku kulmay Cumaan bishii Janaayo, iyadoo dhinaca Mareykanka ay doonayaan inay joojiyaan weerarada maraakiibta Badda Cas iyo saldhigyada Mareykanka, iyo Iran oo raadineysa xabbad joojin Gaza ah.

New York Times ayaa daabacday  sheekadda qarsoodiga ah ee Maraykanka iyo Iran.

Warbixinta ayaa New York Times ku sheegtay in bishii January wadahadalo qarsoodi ah oo dadban ay  labada dhinac ku yeesheen  dalka Cumaan, iyaga oo ka hadlay khatarta sii kordhaysa ee maraakiibta Badda cas ee Xuutiyiinta Yemen, iyo sidoo kale weerarrada saldhigyada Maraykanka ee ay maleeshiyaadka Iran taageerto ee Ciraaq, Sida ay warbixintu  sheegtay Saraakisha  Iran iyol Maraykanka ah oo aqoon u leh doodaha ayaa ka qaybgalay kulanka labada dhinac.

 

Wadahadalladan qarsoodiga ah ayaa 10-kii Jannaayo ka dhacay magaalada Muscat ee caasimadda dalka Cumaan, iyadoo mas’uuliyiinta Cumaan ay isku shaandheynayeen fariimo hor iyo hor leh oo dhex maray wufuud Iiraaniyiin ah iyo dad Mareykan ah oo fadhiya qolal kala duwan. Wafdiga Iran waxa hoggaaminayay Ali Bagheri Kani, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iran, ahna maddaxa wada xaajoodka Nukliyeerka, iyo Brett McGurk, oo ah xdhiidhiyaha Madaxweyne Biden ee Bariga Dhexe

Dhinaca kale, CNN, ayaa dhankeeda sheegtay in Wadahadallada lagaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin barnaamijka Nukliyeerka ee Iran iyo weerarrada Xuutiyiinta ee maraakiibta Maraykanka ee ku sugan Badda cas.

Bilihii u danbeeyay  Maraykanka ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday maleeshiyaad ay Iiraan taageerto oo ku sugan Suuriya iyo Ciraaq iyo sidoo kale Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran si ay uga hortagaan weerarada gobolka. Laakin waxay noqdaan kuwo uga sii dara xaaladda Bariga Dhexe iyo Badda Cas oo sii kordhiya cadhada laga qaaday duulaanka iyo xasuuqa Israel ee Falstiiniyiinta.

Inkasta oo laga wada hadlay arrimo kale oo suurtagal ah, haddana labada dhinac ma sii amba qaadin kulan labaad, sida ay sheegtay xogta ay heshay CNN.

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com