Shirka Amniga Qaranka Iyo Digniinta Shirkaddaha Laydhka

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa (ANN)- wasaaaraddaha Gaashaandhiga, Arrimaha Guddaha iyo Saraakiisha Coodamada Bookiska, Millateriga iyo Hay’addaha amniga ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay Miiska Saraakiisha ee Magaalada Hargeysa.

Kulanka oo aan ku cusbayn Somaliland, ayaa su’aalo Darren xambaarsan la dhasheen goobta lagu Qabtay oo aan hore loogu aqoon in kulamada sidan oo kale .

Hase yeeshee wasaaradda Arrimaha guddaha Somaliland ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Facebook, waxay ku muujisay qodobo Lix ah oo ay sheegtay innay kasoo baxeen kulanka lagu qabtay miiska saraakiisha.

Qoraalka wasaaradda ayaa u dhignaa sidan: – “Qodobo muhiim ah oo Ka Soo Baxay Shirkii Amniga Qaranka ee Ka Qabsoomay Taliska Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka.

Maanta: 017-03-2024().Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir gudoomiyey shirka Amniga Qaranka oo maanta oo Axad ah ka qabsoomay Taliska Ciidanka, kulankan waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Dr Rooble Muuse Cabdi iyo Taliyayaasha guud ee Ciidamada kala duwan.

Kulankan waxaa ka soo baxay Qodobadan:

1- Shirka waxaa soo baxay in la adkeeyo amniga Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba amniga Guud ee Dalka.

2- In Maalmaha Ciida iyo guud ahaanba bisha barakaysan ee Ramadaan inta lagu guda jiro in la la xoojiyo amniga, ciidamo dheeraad ahna la geeyo Suuqyada Caasimadda iyo Magaalooyinka kale ee waaweyn.

3- Waxaa la farayaa bulshada ku Ganacsata suuqyada waaweyn ee Caasimada Dalka in ay ka fogaadaan wadooyinka, si aanay u xanibin isu socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha maalmaha Ciidda.

4- Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda jecel waxaa la farayaa in ay feejignaadaan ciidamada nabadgelyadana ay gacan ku siiyaan ilaalinta Nabadgalyada.

5- Waxaa lala socodsiinayaa Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay ka feejignaadaan dhibaatada uu dabku leeyahay ama laydhku, kana taxadaraan, waxaana la farayaa shirkadaha bixiya adeega Laydhka in ay nidaamiyaan xadhka laydhka, ayna mariyaan meelaha hoose sida dhulka hoostiisa.

6- Waxaa la farayaa Ciidamada nabadgelyada in ay xoojiyaan amniga inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan, maalmaha Ciidda, una diyaar garoobaan adkaynta amniga maalinta Qaranka ee xuska 18 ka May ee loo diyaar garoobayo.

 

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com