9 DECEMBER 1961 INQILAABKII IYO SARKAALKII kU SHAHIIDEY. Qalinkii:Mahad Ali-Salaan.

Ummaddu waa iney tariikhdeeda si cad u ogaata oo wax ku qaataan,9 Desember 1961 waxaa Hargeisa ka dhacay inqilaab dib loogu soo celinayey xornimadii luntey 1 July 1960,waana goobta ku shahiidey Sarkaalkii Cabdillahi Saciid Caabi oo ku magac dheer Gacmo Dheere iyo askarigii Ahmed Awad ilaahay janadda ha ka waraabiyo waa dhiigii ugu horey ee u daada xoriyadda luntey soo calinta Somaliland 54 sano ka hor.

Ayaantay Maandeeq dhashee,uunku filanaayey Ubadki oon dhadhamin bay u rareen,meel abaar badane, in loo sahamiyoo bay ahayd,aad wax loo daya’e Abidkiiba nimaan xoolo dhaqan,baan ku aamminaye Way iba-kuryowdoo dar-xumaa,oodda loo ragaye. Calankii Ilaahay baxsheen,ku istareexaynney Ilmihiisu kuu ula sinnaa,oday kastoo joogey Afer cisho markuu jirey ayey,ula abraareene, Aqoon-badane Sheekh Yuusuf baa,aad u qoonsadaye.

Sida aynu wada ognahay 26 JUN 1960 xornimo ayaan qaadaney, 1 julyna waa luntey xornimadii,hadana halgan baa bilaab may 9 Desember 1961 ilaa uu socdey oo aan xornimadii luntey dib u helney 18 May 1991. Waxaan idha 26 jun 1960 waan qaadaney xornimo,se waxan helny 18 May 1991 waana xornimadii luntey 1 July 1960. Maanta waxaan boodhka ka tumeyna inqilaabkii 9 December 1961 ee Hargeisa ka dhacay iyo dhiigii ugu horeeyey ee u daa’ta sidii loo soo calin lahaa xornimadii luntey 1 July 1960. Markii Somaliland iyo Somalia isku darsadeen 1 july 1960 markiiba koonfurtu waxay inoo aragtey inaan dad waalan nahay oo waxba garaneyn iyadoo sanad la gaadhin kolkan isku darsaney waxay bilaabeen howshan xaq daradda ah: 1-Waxay inoo bixiyeen Somali Qaldaan iyo Fratello Fortunato Folle waa talyaani se waxay noqoneysa ( Fratello=Walaalkii,Fortunato=Nasiibka lahaa, Folle=Waalnaa).Macnahani waxaa weeye WALAALKII NASIIBKA BADNAA EE INTUU XORIYADIISA DHAQSO U HELAY,HADANA XORIYADIISII ISKA QAADEY EE XAMAR KEENEY 5 CISHO KA DIB.

2-Markii Jamuuriyadda Somalia la dhisey waxa loo dhisey sidan. -Madax-weyne wuxu ahaa koonfurta. -Ra’iisal Wasaaraha wuxu ahaa Koonfur. -Wasiirka Arimaha gudaha,Arimaha iyo Dibada waxay ahayeen koonfur. -Taliyaha ciidanka qalabka sida,Taliyaha Booliska,Taliyaha waardiyaha dhaqaalaha waxay ahayeen Koonfur. -Magaalo madax koonfur. -Dakadii Somalia waxay noqotey Xamar iyo Kismaayo. -Sharcigii Wadanka lagu xukumayey wuxu noqdey kii koonfur. -Barlamaankii 90 ayuu ahaa waxay qaateen 70. Adigu wadan wadan kale qabsadey oo gacanta u galey maafiyadii talyaanig ka soo qaad.

3-Markeynu lix bilood wada joogney koonfurtu waxay biloowdey in la raro wax ala wixii qalab dowladeed lahaa ee yaalley dalkii cusbaa Somaliland oo xamar loo raro waxay babuur isjiid ah socdeen 11 bilood ayuunba wax laga gurayey Somaliland oo xamar loo gurayey.waa bililiqadii ugu horeysa ee Somaliland ay konfuurtu ay bililiqaysato.

Hadaba aan u soo noqdo inqilaabkii waxaa jirtey ingiriisku wuxuu wax soo tababarey saraakiil waliba ka soo qalin jabiyey SANDHURST COLLEGE oo ah college ay ka soo baxaan sarakiisha ciidanka.hadaba kooxda ayaa arkey waxa wadanka ka socda iyo dadkan ay ku habsatey AAFADDA SOMALI JACEL, waxay arkeen in maamulku koonfurtu xitaa been yahay oo nin aan waxba qorin uu parafosoor sheeganayo shicibkooduna u furayo beenta. Markey arkeen waxaas oo dhan oo in maamulka ciidamadda ee konfuurtu xitaa aanu waxba aqoon iyo maamul xumo. kooxda ka soo qalin jabisey Sandhurst College ayaa waxay u adkeysan wayeen sida nacasnimadda ah ee aan u tuurney xornimadii aan qaadaney 26 Jun 1960 iyo dhaqanka xun ee ay koonfurtu inagu bilowdey sanad kaliya markaan isku darsaney.

1 December 1961 ayaa aroor hore waxa ay bilaabeen iney inqilaab dhigaan waxay qabsadeen meel walba idaacada oo kaliya ayaaney qabsan,kolka ayaa lagu waa bariistey se dib ayaa looga wada qabsadey,waxa diidey inuu isdhiibo Sarkaal Cabdilahi saciid Caabi iyo koox askar ah,nin la odhan jirey Dhiley Casar ayaa toogtey Sarkaal Cabdilahi saciid Caabi iyo askarigii Axmed cawad ayaa shahiidey. Waxaa malinta meesha ku shahiidey labada nin ilaahay how naxariisto,waana dhiigii ugu horeeyey iyo labadii qof ee u shahiida sidii xamar leyskaga xoreyn lahaa. Inqilaabka dhicisoobey waxaa jirey sababo loogu guuleysan waayey waxaana ugu weyna shicibka ayaaney lasocodsiin iyo ummadda oo wali caashaqsan Somali weyn.

Waad la socotaa wixii ka danbeeyey ee halgankii SNM iney u dhinteen wax ka badan 100,000 oo mujaahid.

Somalind ha noolaato………Horena how socoto….. Mahadsan tihiin.

Mahad Ali-Salaan. London mahadpobox@gmail.com