WQ: Mahedi ismail


Waxaan idinla wadaagayaa 4 qodob oo Musharaxa Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe uu kaga chance badan yahay musharaxiinta kale inuu dalka madaxwayne ka noqdo Doorashada 2017
1. In Faysal cali waraabe kaga aqoon badan yahay habka ololaha iyo doorashada madaxwayne nimo isagoo kaga faa’iidaysanaya khibradii uu kasoo bartay labadii jeer ee hore ku guul daraystay doorashada dalka(Failure teaches you success) ama” guuladaradu waxay ku bartaa wadada guusha” inagoo u eegnayna labada musharaxa kale ee la tartamaya oo ay tahay marki koowaad ee ay u tartamaan kursi madaxwayne nimo.
2. In faysal cali waraabe Sanadkan marka aynu barbar dhigno xiliyadii hore ee dalka doorashooyinkii hore ka dhaceen musharaxiintii la tartamayay ee Madaxwayne Daahir Rayaale oo xukunkii dalka hayay, xulafo siyaasadeed oo wanaagsana dalka ku samaystay iyo Madaxwayne siilaanyo oo Sanadkii labad siyaasad uu ku hantay populationka somaliland oo dhan xidhay sidiina ku guulaystay ay labadooduba ka saamayn siyaasad duwanayeen kana xogogaal sanaayeen dalka markaynu musharaxiinta imika barbar dhigno ee muuse iyo Cirro.
3. In faysal cali waraabe Sanadkan xisbiga Ucid ugu talo inuu musharaxa Madaxwayne ku xigeen muddo laga joogo 26 sano ka dhigo Markii koowaad Gobolada beriga Somaliland taaso u sahlaysa inuu ku kasbado Siyaasada cusub shacbi waynaha somaliland ee jecel isku xidhka umada Dalka .
4. In faysal cali waraabe iyo Xisbiga Mucaaridka Ucid ay sanadahii u Danbeeyeen ka qayb qaadanayeen mashaariicaha horumarineed dalka Xukuumada Madaxwayne siilaanyo ka hirgalisay ee DPworld iyo UAE miltary Base iyo u furustii Wada hadalada Khaatumo oo Guul ku dhamaaday.
WQ: Mahedi ismail
Gmail: mahedi.alsomal@gmail.com