Dagaalkii Beder, Q. 1aad

Assaalamu Calaykum,

Ramadaan Wacan Walaalayaal,

Bisha Ramadaan waa bishii muslimiintu guulaha taariikhiga ah soo hooyeen,waana bisha aad ka warhaysaan in gaajo iyo haraad lagu suganyahay,iyadoo taasi jirto ayey muslimiintu safar dheer iyo daagalo joogta ah gali jireen, halka dadka maanta jooga ay la diifsanaadaan  gaajada iyo haraadka.

Dhacdooyinkii bishan ramadaan kuwii ugu waaweynaa waxaa ka mid ahaa dagaalkii Beder ee muslimiintu jabka weyn ugu  gaysteen qooryaweyntii quraysheed.

Dagaalka Beder wuxuu dhacay maalin isniin ah sanadkii labaad ee hijriga todoba iyo tobankii bisha ramadaan.


Rasuulka naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee markuu ogaaday in ganacsi ay leedahay qurayshi kasoo socdo dhanka Shaam, safarkaa oo uu hoggaaminaayey Abii Sufyaan Ibnu Xarbi, wuxuu Rasuulku SCW, go’aansaday  inuu weerarro si uu nimankii quraysheed awooddooda dhaqaale u dhulka ula simo.


Waxaa la socday  ganacsiga afartan ilaa sondon dagaalyahan.
Nebigu SCW, wuxuu u sheegay saxaabadii warka soo dhacay wuxuuna ku yidhi, “Kani waa ganacsigii quraysheed waxaana ku jira xoolohoodii ee usoo baxa Ilaah inuu idiinku guuleeyaa lagayaabaaye”.


Sidii ayuu rasuulku scw ku soo saaray saxaabo ka kooban sadex boqol iyo Afar, waxaa la sheegaa in sadexdii saxaabiba hal geela iskaga degayeen, Nebiga, Cali iyo Abuu lubaaba ayaa hal geela u isaga degayay. 


Abu sufyaan oo ahaa hoggaamiyihii ganacsigu  wuxuu ahaa  Nin fariida jidka dhibkiisana wuu ka warhayey, dadka deggan waddadana wuu warasanaayey ilaa uu markii danbe ogaaday soo bixitaanka rasuulka SWC, iyo saxaabada.


Wuxuu kiraystay nin la odhan jiray Damdam Bini Camar si uu qayla dhaanta u gaadhsiiyo nimankii quraysheed, sidii ayuu Damdam quraysh ugu dhex dhacay warkiina ku wada gaadhay, markaaseay isa soo uruursadeen dagaalna iclaamiyeen,waxayse ka baqeen inay magaalada Makka u soo dabamaraan reer Bakri oo ay ka dhexaysay cadaawad ragaadday,laakin waxaa Suraaqa ibnu maalik iskaga soo dhigay Shaydaankii markaasu yidhi, “Anaa idinkaga filan in reer Banii Kanaana dhabarjabin idinku sameeyaan ee gala dagaalka “.


Qabiiladii quraysh oo dhan ayaa dagaalka u soo baxay qabiilkii reer Cadiyi mooye,waxayna soo uruursheen ciidan gaadhaya kun dagaalyahan oo aad u qalabaysan waxaan ciidanka hoggaaminaayey Abuu Jahal. Markuu ogaaday abu Sufyaan in jidka loo galay isagoo khibradiisa iyo fariidnimadiisa adeegsanayaa ayuu go’aansaday in uu qaafilada badbaadiyo markaa wuxuu qaaday jid aan ahayn jidkii hore dhaankaas iyo xeebta ayuu u weecday wuuna badbaadshay ganacsigii, wuxuuna warqad u diray ciidankii warqadaas oo xanbaarsanayd in uu nabad galay ganacsigii ayna iska noqdaan ileen waxay u soo baxeen iney badbaadshaan ganacsiga.

Arintaas waxaa ka soo horjeestay abuu Jahal wuxuuna yidhi”Walaahay noqon maynu ilaa aanu beder gaadhno,oo geel ku qalqalano ,habluhuna noogu heesaan ,carabna warkayagu gaadho markaas sidaas inagaga baqaan”.
Waxaa kaliya oo noqday qabiilkii la odhanjiray reer Suhra.

Rasuulka iyo asxaabtii
Muslimiintu ma filayn in dagaal dhacaayo waayo hadday ogyihiin waa u soo diyaarharoowi lahaayeen.
Markii rasuulka warku soo gaadhay,loona sheegay in ganacsigii nabadgalay qurayshina isa soo uruursatay iyagoo dagaal u diyaara ,Nebigu scw wuxuu soo uruurshay asxaabtii markaasu ku yidhi”Waar dadyahow ila taliya?”.
Waxaa hadalka bilaabay abiibakar sifiicanna wuu u Hadlay, Cumar iyo Miqdaadna sifiican ayey u hadleen.
Haddana Nebigu wuxuu yidhi”Waar dadyahow ila taliya?”
Sacad Binu Macaad ayaa hadalka qaatay oo ahaa reer ansaari markaasu yidhi” Rasuulkii ilaahayow waxaad moodaa inaad annaga noo jeedo”Reer Ansaar”?
markaasu rasuulku yidhi”Waa run”.
Wuxuu yidhi Mucaad”Waanu ku rumaynay misaanu kuu run sheegnay,waxaanu markhaati ka noqonay waxaad la timid inuu yahay diin dhab ah markaasaanu kula galnay heshiisyo ku dhisan inaanu ku addeecno kuna maqalno,Rasuulkii ilaahayow ku soco waxaad qorshaysay ,waxaan ku dhaartay ilaahii xaqa kugu soo saare haddaad badda nagu shubto hal qof naga hadhimaayo,mana necbaysanayno in aanu berri cadawgayaga la kulano,dagalkana waanu ku sabri naqaan cadowgana kama cabsano waxaannu rajeynaynaa in ilaahay naga kaa tuso waxaad ku faraxdid ee barakada ilaahay ku soco”
Wuu ku farxay rasuulkii SCW hadalkii Mucaad markaasu yidhi”Socda oo bushaaraysta ilaahay wuxuu ii balanqaday labada kooxood mid ee”. La soco Q.2aad

Cabdinaasir Xasan Macallin

Zudaizi2020@gmail.com

+252634136953