By. Abdirisaq Xiis
Waxaan jeclaystay inaan maanta wax ka taabto dhacdo ka dhacday dalkaTurkiga maanta oo kale,15/07/2016,taasoo ahayd inqilaabkii dhicisoobay ee laysku dayay in xuku madda hadda ka talisa waddanka talada lagaga maroojiyo.

Waxa habeenkaa qaybweyn ka qaatay difaaca xukuumadda shacabka oo isu soobax sameeyay.

Waxaynu kasoo qaadanaynaa irrin aad iisoo jiidatay arrintaas oo ahayd in markii ay dadku maqleen inqilaabka ay kuyaaceen meelkasta oo ay  biyo ku ogaayeen iyagoo raba inay wayso qaataan si haddii ay u shahiidaan ay Illaahay ula kulmaan iyagoo daahira.

Xuska arrintaa waxaa loo asteeyay xarrunta weyn ee belediyaha {dawladdahoose} ee Istanbuul horteeda.

Hadaba arrintan laba arrimood baan ka fahmaynaa kuwaas oo kala ah:-

Sida dadkaTurkiga ah ay diintu dhuuxa ugaga jirto waayo, waxay xasuusteen inay is daahiriyaan dabadeedna naftooda u huraan inay dawladooda badbaadiyaan, innagu ma xusuusanlahayn hadaan soomaalinahay…?.
Dawladda fiican ee dadkeeda wax tarta Iyana haday cidhiidhi gasho sida habeenkaa soo kale waxay gurmad xooggan ka helaysaa dadkii ay ku soo tacabtay waana tan keentay inay dadkuTawaangida ama dabaabadaha is hortaagaan.

Sawiradii dadkii habeenkaa ku shahiiday waxay ku dhegsanyihiin gidaarka.

Sawirkan ama dadka halkan ka muuqda waxaad moodaysaa dad caadi ah ilaa aad aad ugu fiirsato waa caagag dhar loo geliyay iyadoo lagu matalayo siday dadku habeenkaa u waysaysanayeen.

 

 

 

 

Halkan waxa ka muuqda Taalo yar oo lagu qoray wixii habeenkaa dhacay, sawirka ka muuqdaana waa mid dhab ah oo habeenkaa laga qaaday dad waysaysanayay.Qolyihii inqilaabka waday waxay galeen dhismaha weyn ee belediyaha halkaasayna dadka kasoo tooganayeen dadkana waxa hub u ahaa inay u waysaqaataan sida qoraaladu muujinayaan, cajiib.

 

 

By. Abdirisaq Xiis

abdurazaqhiis@gmail.com