Dhaxal-wareejinta Dhulkeena

W/Q. Mahad Ali-salaan

Dhamaan ummadda Somaliland waan salaamaya ISCW, ,waxaan halkan ku iftiiminayaa oo ku qaadaa dhiayaa qadiyad aan indhaha laga qarsan karin oo dhibkeedu innagu soo socdo hadhowna aynu farta dhexda ka qaniini doono hadaan maanta wax laga qaban.
Waxa igu kalifey maqaaladan oo aan aad ula yaabay 2015, oo Hargeisa lagu caleemo saaay Suldaan Oramo ah oo waliba lagu sharci gareeyey waaba Suldaan Shaydaan Bilisadii shacabka la dajiyey ee madaxda ka ahaa ciidankii Oramada ee 1977 ilaa 1991 inala dagaalamayey.
Tariikhdu waa soo noqnoqata oo wax dhacay waqti hore ayaa dib usoo noqda marka maanta tan jirta ee barkacyadan Oramadda ahi ay ku bara kacayaan dhulka Somaliland, waa mid hore u dhacday 1977 ilaa 1991, ayey ahayd,, laakiin labada xaladood tan maanta socota iyo tii hore waxay ku kala duwan yihiin mida hore xoog ayuu Siyaad Bare ku dejinayay tan maantase inaga ayaa gacmaheena ku dejinayna waana aynu gorfeyndoona.
Dowladii Siyaad Bare waxay dajineysay Somaliland saddex qolo oo ah Oromo(SOMALI ABOO),Somali Galbeed  iyo Dad gaara oo Koonfurta Somalia ka yimid.Waana kii cali Xasan Roodhiile(Cali Banfas) lahaa:
Magaaladu hadday durugto waa,deris gallaadeede
Xaafadii Dulmaygaag la baxay,daadafka Xawaadle
Dulucgii Cilmiyo geerashkii,laysu dacareeye.
Sheedaha ka doonaa la yidhi,kii la duudsiyeye
Daadduunkan ay soo wadaan,debedda kuu saarye
Duumay la soo wada galeen,degelladeeniiye
Daacuunka ay beerayaan,kama dawootaane
Iyagaa dalkoodii ka yimid,duulkan soo qaxaye
Dushaa adi lagaa saarayaa,kugu danaystaane
Dan-wadaagga ay sheegayaan,waa waxay dilaye
Dawladdii aad tuurtaa nabsigu,kugu dilayaaye!!!
Runtii waxaa jirta maanta arrin u baahan ficil waayo??? waad ogtatahay in Somaliland bad ku soo faruurantay Oroma ahi waana dad tiradoodu aad u badan tahay.Waxaa is weydiin mudan maxay dadkani u yimaadan Somaliland?
Qoxootigu waa wax jira oo waa sida Suuriya iyo sidey ahayd Ummadda Somaliland 1988, balse  Oramadu waa ka gadisan tahay waa dad aaminsan inay leeyihiin dhulkan Somaliland oo bari hore laga qaaday.
Siyaad Barre markii uu ku beerayay Somali galbeed waxay ahayd arrin aad u weyn oo qasab ah, waxaa 1977 ilaa 1986 la dajiyey qoxooti Orama ah,  waxaanu u bixiyey SOMALI ABOO tiradoodu waxay ahayd 1.200,000 ilaa 1.900,000 qof waxaa la dajiyey meelaha ugu fiican Somaliland ee biyaha leh waxaa ka mid ahaa:Agabar,Bixin.Arabsiyo,Adhi-caddays,Biyooley,Dacawaley,Dhaamka Hargeisa,Gannad Hargeisa,Laas-dhuure,Dhamuug,Darbi-hore,Tog Wajaale,Saba-cad iyo meelo kale oo aad u badan.
Waxaa taliska Siyaad Bare uu caalamka ugu sheegey inay dadkani yihiin qaxooti ku soo barakacay dagaalkii 1977, ee Itaabiya iyo Somalia dhex maray.Se bartilmaameedku wuxuu ahaa in Somaliland la dajiyo dad sida ku cad WARQADII SIR CULUS ee Mooran uu siyaad u qorayey.
Caalamku qoxootiga aad ayuu u caawiyey siday u dagi lahayeen Somaliland waxaana ka shaqeynayey ururrada sama falka ee caalamiga ah, kuwaas oo magacyadoodu ahaayeen sidan:-
Mennonite Central Committee (MCC).
Swiss disaster Control(CDC).
World Vision International (WVI).
Food for the Hungry International.
Oxfam,
Africare.
Germal Red cross (GRC)
International Christian Aid (ICA).
.Medicine Sans Frrontiers (NSF).
Germal Technical Relief .
Italian Health Team (AUCI).
Order of Malta (SMOM).
Save the Children Fund,
Swedish Church releif.
Help the Aged.
TearFund.
Dhamaan ururadda wuxuu Siyaad Bare amar ku siiyey iney shaqaalaha ka dhex qortaan qaxootiga oon la qoran dadka Somaliland u dhashey.
Sir ma qabe Allah sahan u ah ee waxa la heley 23kii bishii January 1987 waraaq uu Moorgan u dirayo Siyaad Bare dushana ay kaga qoran tahay SIR CULUS, warqada waxaad ku arkaysa sidii loo dhaxal wareejin lahaa dhamaan dadka Somaliland.
Oramadii waxaa guryo waaweyn laga siiyay shacabka waxaana abaan duule u ahaa SULDAAN SHEEKH BILISO,dhamaan qaxootigii waxa laga dhigay Askar oo Guulwade,NSS,Ciidanka qalabka Sida,
Hadaba maanta tan Somaliland ka socota waa tii oo kale oo aynu innagu gacanteena ku dhaxal wareejineyno dhulkeena hooyo waynu la socona in Guri walba oo Hargeisa uu ilaaliyo qof Orama ahi,waan la socona in ka kabaha kuu balasheeya uu Oroma yahay ,waan la socona ka gawaadhida ku meydha inuu Oroma uu yahay waan la socona ka maqaaxidda kaga shaqeeya inuu Oroma uu yahay waan la socona ka maqaaxida ka shaqeeya uu Orama uu yahay ilaa kan dawarsada,biyaha dhamiya,kaariyoonaha wata,iminka ilaa tukaamadda ilaa inay Guddoomiyaha barlamaanka ilaaliyaan waa la og yahay.
Arimaha wax talo uga yaala iyo Siyaasad cad ma jiraan sababta ay dowladu arintan wax uga qaban weydey waa maxay????
  xisbiyada mucaaradku  maxay uga hadli wayeen waa maxay sababtu????
Dowaladu waxay uga hadli weyday oo wax uga qaban weyday waa laba arimood,
1-Wax siyaasada oo aqoona oo qoraala oo xeer ah oo ay hayaan ma jirto oo uga yaala Oromada wadanka soo dagaya mid shaqeeya iyo mid dawarsada wax xeer ah oo u yaala ma jiro.
2-Ta kale wasiir wal oo arimaha gudaha yimaadaa wuxu ka baqaya Itoobiya ayaa il kugu eegi,  waxaanayse ogayn in oromada laga mustaafuriyo Jigjiga, Addis ababa,Diridhaba iyo Herer oo loo mustaafuriyo meelaha ay degan yihiin.
Tan kale ee xisbiyadu uga hadli wayaan waa oramada codka ayey ku siin waayi markay tuugadda ku qaataan kaadhadhka codbixiyaasha SUBXAAN ALLAAH.
Dawladeenu ama wasiir walba oo arimaha guduhu iyo xisbiyaduba waa sidaa sababta ay ugu habranayaan Oromadan sidii daadkii waaheen ku soo faruurmey wadankeena,
Daljiroow waxaa inala gudboon halgan aan wax kaga qabano arimahan.
qaylo dhaan iyo kacdoon siyaasadeed oo oromada sideynu u hor istaagi lahayn ayaa maanta loo baahan yahay innago aan cidna dhibaato u geysaneyn.
Waa inoo iyo maqaaladda danbe ee aynu ku qaada dhigi doona sida loo joojin karo iyo Tariikhdooda iyo tarkiikhdii Mililik iyo xala salaase iyo siyaasada laga rabo xeebaha Somaliland.
Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.
ALLAH HA HOW GARGAARO SOMALILAND
AMIIN AMIIN
MAHADSANID
Mahad Ali-salaan
Bristol