Doorashooyinka Somaliland Iyo dimuqraadiyada

Democracy ama dimuqraadiyad waxa lagu qeexaa, THE WILL OF THE PEOPLE, oo ah rabitaanka umadeed si ay wax ugu doortaan si xor Iyo xalaal ah, isla markaana loo sameeyo hay’ado dawli ah oo umadaa haga una adeega danta guud ee qaranka

Hadaba yaan marnaba la sharaysan waxa indheheenu qabanayaan ee uu ka midka yahay Muranka, is riixriixa Iyo ku kala aragti duwanida cida xildhibaan noqon doonta, xisbi u digarogodka ama dhibaato doorasho oo dhan. Waa iska ok inta aynu wax dooranaynoba, waana marxalad la maro oo goor ay noqotaba laga gudbi doono, runtiina jiilalka danbe ay midhaheeda guran doonaan. Waa caruurteena kuwaasi u aayi doonaaye

Waa marxalad la maro oo xataa kuwii Europeanka ahaa ee giriig horseedka u ahaa ay soo mareen, markii danbana ay ka gudbeen oo ay gaadheen heerka maanta ay joogaan

Hadaba marka aad dib u eegto halkaynu ka nimid, halkaynu marayno Iyo wadamada jaarkeena ah Iyo badanka Africa Iyo wadamo badan oo caalamka ka mida ee aan doorashooyinba laga aqoon, waxa muhiim ah inaynu Alhamdulilaah nidhaahno, ogaanana in nuxurka dimuqraadiyaddu yahay in la helo doorashooyin furan oo xor Iyo xalaal ah, mar aan fogayna aynu gaadhi doono insha Allah

Dimuqraadiyadda runta ah ee aynu doonaynaa waa inay noqoto mid muujisa xoriyada shaqsi, waa inay noqotaa mid muujisa sinnaan Iyo cadaalad isla markaana noqota mid adkaysa ku dhaqanka sharciga Iyo dastuurka qaranka. Waa in la helo, ka-qaybgalka siyaasadeed Iyo mid xukun oo loo siman yahay oo bulshada oo dhami ka muuqato.

Maalin maalmaha ka mida oo aan fogayn baynu gaadhi halka aynu doonayno ee aynu qaranka la doonayno.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

By. Ahmed Yasin Mohamed Jama, Political and Economic Analyst