Araweelo News Network.

Farriin ku socota Culimada Ummadda Soomaaliyeed

 

W/Q: Abwaan Cabdi Kariim M.Cadde(Qaamuus)

Qormadan iyo maansadan yari la   socotaa waa Farriin Aan Maanta U dirayo Culimada Ummadda Soomaaliyeed, waxaan leeyahay waa aragtidayda oo badhax tiran ee shifo ku afsaara shar idiin ma lahee :

Caalimka Soomaaliyeedow :waxaynu nahay umad Ab iyo isir ley oo lagu tilmaamo umadaha ugu faca weyn dunida oo la yidhaa soomaali, carab ma nihin mana noqon karno lamana wadaagno hide iyo dhaqan laakiin waxaa naga dhexeeya diinta islaamka.

Caalimka Soomaaliyeedow Hadii Allaha weyn ee koonkan abuuray fariintuu u soo direy Bani aadamka uu u soo dhiibay dhanbaal wade carab ah oo uu dunida ka doortay Nebigeenii Muxumad Bin Cabdulaah Naxariis iyo Nabad Galyo Korkiisa ha ahaatee taas macnaheedu maaha inaan ku qasbanahay inaynu carab noqono.

Caalimka Soomaaliyeedow :Hadii quraanka kariimka ahi ku qoran yahay af carabi taas ujeedkeedu maaha inaynu afsoomaaliga ka guurno oo af carabiga u guurno.

Caalimka Soomaaliyeedow: Suurto gal maaha inaad bulshadan soomaaliyeed carab ka dhigto ee waxaa suurto gal ah inaad diinta islaamka soomaaliyeyso

Caalimka Soomaaliyeedow: Ma garanayo sabab aad umada ugu dhego barjayso khilaafka afkaarta culimada carbeed ee waxaan xaq u leeyahay inaan helo fiqi soomaali ah oo ka faham dhaw kan fuqahada carbeed ee aanu kala fognahay.

Caalimka Soomaaliyeedow: ma garanayo sabab aad ugu kala fogaataan fikrado iyo afkaar ay leeyihiin rag idinla mid ah oo aad u kala noqotaan firqooyin iyo ururo ay samaysteen umado kale

Caalimka Soomaaliyeedow: Carab oo dhan ma wada aha islaam sidoo kale islaam oo dhan ma wada aha carab markaa intaynu caraboobi lahayn waxaa ka dhaw inagoo diinta soomaaliyaynee intaad ii soo waaridi lahayd afkaar carbeed adigu ibo fur fikiro diini ah oo la dareen ah duruufahayga gaarka ah

Caalimka Soomaaliyeedow:Ururada diiniga ah ee dunida ka jiraa inkastoo ay huwan yihiin astaan ama magac muujinaya inuu ka dhaxeeyo islaamka oo dhan hadana sidaa maaha ee waxuu u taagan yahay masiirka iyo danaha dadka ay ka dhasheen xubnaha hogaamiyaa sida kii ikhwaanu muslimiin oo kale oo ma jiro urur islaami ah oo daah furay nidaam siyaasi ah oo caalami ah waayo dadka islaamku waa kala dal iyo kala duruufee ha galin dagaal aanan garanayn danta laga leeyahay oo ha iiga dhigin diin.

Caalimka Soomaaliyeedow; dagaalka carab iyo yuhuud ka dhexeeyaa waa mid ehli ah oo iskuma hayaan diinta islaamku waa xaq iyo waa baadil ee waxay isku hayaan awowgey ismaaciil ayaa ka fadli badnaa awowgaaa isxaaq markaa anigu waxaan ahay soomaali labada midna lama wadaago

awoowyaashooda ee ee ii kala saar dagaalka diimeed iyo dagaalka sokeeyaha oo waxaan I khusayn ha I galin

Caalimka soomaaliyeedow:Gebogebada waxaan ku leeyahay tixdan yar ee kooban:

Nabadu waa lama huraanoo

Nuurkii dunideena weeyoo

Diinteenuna waa nasteexee

Ka daaya ubadka nacaybka

Afkaarta naxliga xambaarsan

Firqooyinku waa nuxuusoo

Nebiguba Muu Ogeyne

Sheekhow ha noqon Sabuurad

Lagu naqilo afkaar Carbeede

Imaam nawawi sidiisa

Baro naxwaha iyo axkaamta

Sidaad furaha naarta hayso

Nabdiga dadka kale arkayso

Ha xukumin naflaha taraara

Cidna ha ku nabin inkaaroo

Ha ka noogin ruuxa leexdee

Noolaha u ducee halawsan

Niqaamkuna maaha diinoo

Nashiidadu Maaha quraane

Islaamkaa naga dhexeeyee

Carabtu nagama fiicnee

Ha noqon nacamlahoodee

Digtoor say nayk Sidiisa

Daaci noqo aragti dheer loo

Ku naqdiya dadka Aqoonta..

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

 

W/Q. Abwaan Cabdi Kariim M.Cadde(Qaamuus)

Contact:Qaamuuskaqarniga01@gmail.com

Hargeysa

somaliland