Dr. Cabdiqani Xuseen

In aad loollan siyaasadeed ku guulaysato ama ku guuldarraysato amaba aad dagaal guul kala hoyataa, waxa ay ku xidhan tahay in aad marka horeba guul iyo guuldarraba ku talogasho.
Loollan marka aad gelayso si aad u guulaysato waa in aad filan kartaa in lagaa guulaysto, filashadaasi laba faa’iido ayay leedahay:
Marka aad filanayso in lagaa guulaysan karo waxa aad bixinaysaa dadaal badan, si aad libta u hesho oo aan lagaaga guulaysan, filashada noocan ahi waa dhiirigelin.
Waxa aad aqbalaysaa guuldarrada haddii lagaa guulaysto, waayo waxa aad rumaysnayd inay guuldarradu suuraggal tahay, aqbalaadda noocan ahi waxa ay dawo ka tahay niyadjab kugu dhaca oo aad si kama danbeys ah u guuldarraysato, dibna u hollan waydo loollan danbe.
Tartankii madaxtinnimo ee xisbiyada saddexda ah ee Soomaaliland (Kulmiye, Waddani iyo Ucid) loogu kala codeeyey 13/11/2017, waxa si aad isugu dhow natiijada isugu haysta labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani.
Ma jiro war kama danbeysa ah ama u dhow, oo labadaas xisbi mid ka mid ah siinaya guusha.
Xaqiiqadu waxa weeye in ay labada xisbi ku kala cod badan yihiin gobollada qaarkood, oo midkoodba meelo ku horreeyo.
Hase yeeshee, in xisbi hebel meel heblaayo codka ku hoggaaminayo kama dhigayso inuu guulaystay guul kama danbeys ah.
Warku waa gaajo, qofku marka uu gaajoonayana dhegahiisu wax baahitiraya ayuun bay maqlaan, hadba nooca baahidiisu tahay ee naftu jeceshahayna wuu u dhega nugulyahay.
Dadka oo loo sheego war aan la hubin oo aan dhab ahayni waxa uu keeni karaa dhibaato wayn oo aan la saadaalin karin cidhib xumadeeda.
Sidaas oo kale diin ahaan waxa layna faray in aynnu iska hubinno wararka laynoo sheegayo, oo aynaan wax kasta oo aynnu maqallo gudbin, inta aynnu runnimadiisa ka hubinaynno, haddii uu warkaagu waxyeello – horreysa ama danbeysa – geysanayana in aad sheegtaa waaba reebban tahay, xattaa hadduu run yahay, waa haddii aan laga faa’iidayn dheef ka wayn dhibta ka dhalanaysa.
Haddii dadka dhegaha loogu rido in xisbiga Waddani guulaystay oo dhab ahaan uu shanta sannadood ee soo socda dalkan xukumi doono ama la yidhaahdo xisbigeenna Kulmiye ayaa guullaystay oo weliba guul kama danbeys ah ku badiyey, ka dibna kolka si dhammaystiran loo tiriyo codadka ay soo baxdo in warkii lagu seexday mid aan ahayn uu Komiishankii Doorashooyinku sheegay, taasi waxa ay keeni kartaa u qaadan waa iyo kalsooni darro Guddida laga aamino iyo weliba, in dadkii warka guusha ah la liqsiiyey ay qaadan kari waayaan guuldarrada iyo madax xanuunkeeda.
Sidaa awgeed waxa aan dadka qoraalkaygan akhriyi doona ee xilkaska ah ku waaninayaa in ay ku talo galaan suuraggalnimada guusha iyo guuldarrada, sababtuna waxa weeye codadka xisbiyadu aad iyo aad ayay isugu dhowaan karaan, haddii xisbi hebel uu gobol hebel ku horreeyo intaa in u dhiganta ama ku dhow ayuu xisbiga kalena ku horreeyaa gobol kale.
Haa, xog ogaal ayaan u ahay in dadweynaha kala taageera labada xisbi mid walba warka uu jecelyahay laga dhergiyey, hase yeeshee xaqiiqadu waxa ay ka qiimo badan tahay xigtaysiga iyo xayeysiiska aan dhabta ahayn.
Inaga oo filaynna guul iyo guuldarro labadaba aynnu ka warsugno natiijada ay Guddida Doorashooyinku ku dhawaaqi doonaan maalmaha soo socda.
Ninkii aad la jeclayd in uu ku fadhiisto kursiga ugu sarreeya madaxnimada Soomaaliland waad la dadaashay oo la ololaysay oo haddana u codaysay, intaasba adiga oo yeelay haddana, ogsoonow in wadajirka iyo ilaalinta danta guud ee ummaddu uu ka mudan yahay ninka kursigaas hanan doona.
Muddadi lagu jiray ololaha doorashooyinka waxa bulsho ahaan ina soo gaadhay dhaawac wayn dhinaca dhaqaalaha, anshaxa iyo wadajirka bulshadaba, aynnu ka shaqaynno sidii aynnu dib ugu dhayi lahayn dhaawacaas si wadajir ah.
Ololihii doorashadu waxa uu inagaga tegay raad xun oo qabyaaladeed, Alle waxa aynnu waydiisanaynaa in aanay natiijaduna inagu sii fogayn xumaantaas la soo toosiyey ee lagu ololeeynayey bilihii ina dhaafay.

Guul waarta, nabadgelyo iyo horrumar dhinac wal oo wanaagsanba ah ayaan Alle uga rajeynayaa dalkan iyo dadkiisa.

Dr. Cabdiqani Xuseen (Beder)
Email: Tubtatoosan02@gmail.com