Kitaabka Qur’aanka waxaa Ilaahey u soo dejiyay in aadamiga aan jidka noloshu ka khaldamin, wuxuuna na siinayaa tilmaamo iyo tusaalooyin lagu hago nolosha. Waxa intaas dheer, wuxuu Ilaahey noo soo diray rasuul bani’aadam ah, oo macallin noo noqda. Rasuulka ayaa noo caddeeyay waxyaabaha naga dahsoon, noona faahfaahiyay wixii si guud Qur’aanku noogu u sheegay. Nabi Muxammad (SCW) noloshiisa, hadalkiisa,iyo ficilkiisa ayaa noo ah tusaale aan ka baran karno sida loo hirgelinayo tusaalooyinka Qur’aanka oo jidka toosanna loo qadi karo.
Waxa ugu horreeya oo ruuxa Muslimka ah Ilaahay faray waa inuu tukado maalin kasta 5 jeer oo ka kooban 17 rakcadood oo waajib ah. Waxa la isfaray in tukado inta aan qorraxdu soo bixin, marka qorraxdu badhtamaha ka gudubto, inta aan qorraxdu dhicin, marka ay qorraxdu dhacdo, iyo inta iftiinka qorraxdu uusan soo bilaaban. Waa waqtiyo cayiman oo la socda qorraxda socodkeeda iyo nolol-maalmeedka qofka. Dhammaan salaadahaas isku si ayaa loo tukadaa, faatixada ayaa la aqriyaa, waa la rukuucaa, waa la sujuudaa. Rukuucda, sukuudda iyo istaagga inta u dhexeysa waxa la aqriyaa “Allahu Akbar.” Marka la tukanayo waxa la iska rabaa qabli khushuucsan oo Ilaahey xasuusta.
Haddaba, maxaa Ilaahay ka rabaa salaadahaas, maxaanse ka baran karnaa?
Su’aashaas waxa ka horreysaa mid kale oo ah; maxaa Ilaahay innaga rabaa? Muxuu u soo diray rasuul? Maxay ayuu u soo dijiyay Qur’anka? Jawaabtu waa sahlan tahay oo “waa inaan noloshu naga khaldamin oo aan ku noolaanno sida Ilaahey raalli ka yahay.” Ilaahey maxaa raalli geliya? Waa su’aal weyn oo wax badan laga sheegi karo, laakiin haddii si fudud loo sheego, waxa Ilaahey raalli gelinayaa waa: waa inaad runlow noqoto oo aadan been sheegin! Waxaan shaqaysato oo xalaal quudato oo aadan tuug noqon ama baryo ku noolaan! Waa in aadamiga aadan xaqiriin, xumeyn, yasin! Waa inaad xaqa u hiiliso, xumaantana ka dhiidhido! Waa inaad masaakiinta iyo kuwa saboolka ah u kaalmeyso! Waa inaad waalidka xurmayso! Waa inaad qaraabada xidhiidhiso ! Waan inaad mar kasta caadil noqoto! Waa inaad ka fogaato eex iyo dulmi nooc kasta uu yahay! Waa inaad ficilkaaga iyo hadalkaaga ka ilaaliso wixii Ilaahey diiday. Hadalkii oo kooban, waa inaad noqonno bani’aadam akhlaaq leh oo xumaanta iyo fiicnaata u kala soocantahay, wanaagana horseeda!
Sidaa darreed, si jidkaasi aannu innooga khaldamin, waxa Ilaahey na faray waxyaabo nagu barbaarujinaya inaan noqonno bani’aadam fiican. Waxa ugu horreeya waa salaadda 5ta waqti la tukado. Waxa salaaddu ina bareysaa haddii aan soo kobo, nadaafadda, qorsheynta iyo qiimeynta waqtiga, kala dambeynta iyo isa-sixidda, wada-shaqaynta iyo sinnaanta. Salaaddu waa tusaalaha ugu fiican ee wax badan aan ka baran karno! Bal u fiirso, safka hore waxaa loogu kala hormaraa sida lo soo kala horreeyay oo xataa haddii boqor soo daaho, safka hore looma banneynayo! Sow nama bareyso sinnaan iyo in sida loo soo kala horreeyay in adeegga bulshada loo sameeyo? Imaamka salaadda waxa noqonaya ruuxa ugu aqoonta badan ee ma noqonayo qofka ugu qabiilka weyn! Sow nama bareyso ruuxa madaxda aan ka dhiganeyno oo na hoggaaminaya inuu noqdo kan ugu kartida badan, uguna aqoonta badan xagga hoggaaminta. Imaamku ma noqon karo imaam haddii aan dadku raalli ka ahayn, sow nama bareyso inaan ruuxna xoog ku maquunin madaxnimada oo madaxda la doorto? Safku waa inuu sinaado, imaamkana la raaco haddii uu sax yahay, haddiise uu khaldamo, waa isla markaas in la saxo! Sidaas oo kale waa in madaxda hore laga saxaa inta aanay khaladka ku fogaan sow nama bareyso! Waxaan ka baran karnaa intaas iyo ka badan.
Maxaa Faatixada loogu celcelinayaa rakcad kasta? Faataxada waxa ku jira ducada ah “Ilaahow jidka toosan nagu hannuuni ٱهۡدِنَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ”. Waxaa aqriyaa 17 jeer ruux kasta oo Muslim ah maalin kasta. Saacadaha isbeddelaya oo 24 saac kasta meel ka mid ah dunida ayaa salaad waxaa ku d tukada in ka badan hal bilyan Mulsim ah. Dhammaan waxay Ilaahay weydiistaan “Ilaahow waddada toosan nagu hannuuni” oo waddada khaldan inaan qaadno naga badbaadi. Qiyaastii, waa 17 bilyan of jeer maalin kasta oo daqiiqad kasta la aqrinayo ducadaas!!
Haddaba, ka warrama haddii ummad dhan oo Soomaali ah ay ka khaldantahay waddada saxda ee dawladnimadu? Haddii dad 20 milyan ka badan fikirka dawladnimadu ka khaldantahay? Haddii waddada ay ku socdaan ay khaldantahay, dhegahana ka fureystaan ruuxa isku daya inuu toosiyo? Haddii ay ku celcelinayaan waddadii khaldanayd sidii dad waalan oo kale, rajeynaayaanna in natiijo ficaan u soo baxdo? Bal ka warrama, ummad dhan oo Ilaahay ku salliday colaad iyo abaar oo si xishood la’aan oo joogto ah baryo iyo catow dhaqan ka dhigatay? Sidee Ilaahay u kaalmeynaya oo ducaadada u ajiibayaa haddii madaxdu xaaraan quutayaal noqdaan? Haddii hadalkoodu been yahay? Haddii salaaddu aanay reebin xumaanta iyo fuxshiga? Sow ma aha colaaddu iyo abaartu ciqaab Ilaahay? Bal eeg aayadda Qur’aanka oo sheegaysaa macnaha ah: “waxaan idinku imtixaaneynaa cabsi iyo gaajo… وَلَنَبْلُوَنَّكُم بِشَىْءٍ مِّنَ ٱلْخَوْفِ وَٱلْجُوعِ” iyo sida Ilaahey ugu abaal sheeganayo Quraysh “caabuda Ilaaha gurigaan oo idinka quudiyay gaajada, idinkana nabadgeliyay cabsida.”. فَلْيَعْبُدُوا رَبَّ هَذَا الْبَيْتِ الَّذِي أَطْعَمَهُم مِّن جُوعٍ وَآمَنَهُم مِّنْ خَوْفٍ . Gabagabadii, haddii jidku kaa khaldanyahay, degdeg meelna kuma gaadhsiineyso!! Haddii jidku kuu saxanyahay, qunyar socod waa kuu gaadhsiinayaa meeshaad u socotay!
Dr. Cabduraxman Baadiyow
abdurahmanba@yahoo.com